Isbeheysiga dib u-xoreynta garabka Asmara oo ka hadlay xaaladihii ugu
danbeeyey ee Soomaaliya
Gudomiye kuxigeenka ayaa shirkiisa Jaraa'id uga hadlay arimo badan oo ay ka mid
yihiin. dagaalada ka soo cusboonaaday gobolada dalka, isagoo sidoo kale talooyin
u soo jeediyey Isbeheysiga dib u-xoreynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan loo baahneyn hadalada saxaafada laga sheegayo ee
lagu cambaareynayo qeybo ka mid ah Mujaahidiinta, wuxuuna ku baaqay in ilaahay
laga baqo oo aan Mujaahidiinta laga been sheegin.
walaaladeena hadii aad markii hore islaheydeen heshiis baad wax ku saareysaan,
waad aragtaan in Itoobiya ayan baxeyn" ayuu mar kale yiri Suldaanka.
Suldaan Garyare ayaa sidoo kale sheegay in ay iyagu ku taagan yihiin
mamabaadii'dii ay aaminsanaayeen, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday inay yihiin urur
xornimo doon ah ee ayan ahayn Mucaarad.
Gudoomiyaha ayaa shirkiisa Jaraa'id uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin.
dagaalada ka soo cusboonaaday gobolada dalka, isagoo sidoo kale talooyin u soo
jeediyey Isbeheysiga dib u-xoreynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan loo baahneyn hadalada saxaafada laga sheegayo ee
lagu cambaareynayo qeybo ka mid ah Mujaahidiinta, wuxuuna ku baaqay in ilaahay
laga baqo oo aan Mujaahidiinta laga been sheegin.
"Walaaladeen way muuqataa inay Itoobiya wada hadal ku saari karin ee waxaan
leenahay safka Mujaahidiinta ku soo laabta, iskana daaya hadal haynta beesha
caalamka ee rabiga caalamka u soo laabta, waad aragtaan waxa Qazza ka dhacaya
hadii caalam wax qabanayo" ayuu yiri Suldaanku.
"Geesinimada waxaa ka mid ah in khaladka la qirto, marka waxaan leenahay
" anagu ma nihin Mucaarad mana jirto dowlad la mucaarado, dalka waxaa ka jira
gumeysi, dad u shaqeynaya gumeysiga iyo koox gobonimo doon ah, marka waxaan
leeyahay walaaladeen ha iska daayaan magaca Mucaaradka, dowlad la mucaarado
meesha kama jirtee" ayuu yiri Suldaan garyare.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay kooxaha la baxay ahlu-suna ee dagaalada ka
wada meelo ka mid ah gobolada dalka, wuxuuna sheegay in kooxahaas ayan ahayn
ahlu suna ee ay yihiin qabqablayaashii dagaalka.
" Hadii Barre Hiiraale yahay ahlu-suna waljamaaca waxaan filayaa Meles Zenawina
wuu sheegan doonaa ahlu suna, mana garanayo wax ay ku kala duwan yihiin Meles
Zenawi iyo C/laahi Yuusf iyo Barre Hiiraale, ahlu suna waa la yaqaanaa waa
dadkii culimada u ahaa Soomaalida, waana ixtiraameynaa" ayuu yiri Gudoomiye
kuxigeenka golaha dhexe Isbeheysiga dib u-xoreynta Soomaaliya garabka Asmara.
Suldaanka ayaa ugu danbeytii sheegay in Itoobiya ay waxan ka danbeyso, isla
markaasna ayan wax kale ku baxeyn Itoobiya in xoog lagu saaro maahee, wuxuuna
sheegay in hadii aan Iseheysiga la kala jibin lahayn ay mar hore wadanka xoreyn
lahaayeen, wuxuuna ugu baaqay kooxda shariifka inay safka Mujaahidiinta ku soo
loobtaan hadii ay arkeen in ayan heshiis wax ku saari
Cabdiraxmaan Diiriye Nuur
Nuure1000@hotmail.com
Nairibi Kenya
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2009