Dowladda Maqaar-saarka ah (TFG) ayaa Caqabad ku ah Nabadda Soomaliya
Mr. Mohamud M Uluso
Dadweynaha ku nool Goballada Bartamaha iyo Konfurta Soomaliya aad
ayey ugu diirsadeen is casiladda Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed
saddex sababood darted. Kow, Madaxweynuhu wuxuu Soomalinnimo, dib u
heshiisin iyo ku dhaqanka sharciga ka doortay isu dhiibidda iyo gacan
siinta Ethiopia, ficiltan qabiileed iyo amar ku taagleyn. Labo, wuxuu ka
hor istaagay haweenka, caruurta iyo waayeelka laga barakiciyay
guryahooda gargaarka bani’aadannimo asagoo ku eedeyay inay yihiin
argagixiso. Saddex, wuxuu oggolaaday burburinta iyo dhaca dhaqaalaha iyo
hantida gaar ahaaneed ee dadweynaha ku nool Muqdishu. Hase yeeshe
xaqiiqada waxay tahay in is casiladdiisa aysan waxba ka beddeli doonin
xaaladda ba’an ee dadka iyo dalku ku jiraan. Sababta waxay tahay in
taladu gacanta ugu jirto Taliska Ethiopia oo ka go’aan tahay in
Soomaliya dib u soo kaban oo shan kale loo qaybiyo.
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu khudbadda is casiladdiisa ku
sheegay in Dowladda Federaalka oo adeegsaneysay Ciidammada Ethiopia ku
guuldareysatay afartii sano ee la soo dhaafay inay hanato xukunka dalka.
Sidaa darted, is casilaaddiisa waxay aheyd ku dhawaaqidda dhammaadka
Dowladda Federaalka Soomaliya oo ah fidinta (extension) Xukunka
Ethiopia. Xildhibannadii, Ciidammadii iyo Shaqaalihii ka amar qaadanayay
Madaxweyne Abdullaahi Yusuf waa kala tageen. Yaa hadda amraya Madaaficda
lagu garaacayo xaafadaha Magaalada Muqdisho?
Doodda la xiriirta bixidda Ciidammada Ethiopia waa marin habaabin
lagu wiiqayo ujeedooyinka halganka difaaca xoreynta Soomaliya,
ujeedooyinkaasoo ah in ciidammada Ethiopia ka baxaan dalka, aysan dib
ugu soo noqon isla markaana Ethiopia joojiso faragelinta arrimaha gudaha
Soomaliya. Tusaalaha marin habaabinta halganka waxaa noogu filan
dagaallada cusub ee ka socda Gobollada Gedo, Bay, Jubbada Hoose iyo
Jubbada Dhexe oo isbaheysi Ciidammo Ethiopian ah iyo Maleeshiyo Soomali
ah dhinac ka yihiin. Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Isbaheysiga Dib u
Xoreynta Soomaliya Garabka Jabuuti ayaa markii ugu horreysay caddeeyay
in Dowladda Federaalka aysan weli gudbin codsiga bixitaanka Ciidammada
Ethiopia hadda kaddibna ay adag tahay inay gudbiso codsi noocaas ah.
Waxaa lagama maarmaan ah in la xaqiijiyo in Shacabka Soomaliyeed u
qaybsamin kuwo u adeegaya Ethiopia iyo kuwo ka soo horjeeda ee dhamman
ahaadan kuwo difaacaya, u adeegaya danaha dadka iyo dalka Soomaliyeed.
Dowladda Ethiopia waxay qaybaha Soomaliya u soo tababartay ciidammo
isugu jira basaasin, boolis iyo militari tira badan, qaar ka mid ah
kuwaas waxay ka amar qaatan saraakisha Ethiopia.
Is casiladdii Madaxweynaha kaddib, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo
Ra’iisul Wasaaraha KMG waxaa looga yeeray Addis Ababa si loo siiyo
awaamir la xiriirta doorashada Madaxweynaha cusub. Taas waxay muujineysa
in doorashada Madaxweynaha ay tahay arrin Dowladda Ethiopia ka talineyso
ee aysan aheyn arrin gooni u ah Soomaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda
Ethiopia wuxuu faray Madaxda Soomalida in 30 maalmood gudahooda ku
doortaan Madaxweyne cusub, la iskana iloobo wada hadallada Jabuuti. Si
taas loo xoojiyo Guddomiyaha Barlamaanka wuxuu daboolka ka qaaday si
rasmi ah in Barlamaanka weli si rasmi ah u ansixin heshiiskii Jabuuti,
isla markaana jirin Madaxweyne ansixinaya go’aanka Barlamaanka.
Xujada hortaal Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaliya Garabka Jabuuti
waxay tahay inay keenaan ciidan dhan 5,000 oo lagu dhafayo 5,000 ee
Ciidanka Dowladda Federaalka si ay u sugaan Nabadgelyada Gobolka Benadir
ka hor isku dhafka Siyaasadda. Madaxda Ishabeysiga waxay ku mashquulsan
yihiin qoritaanka ciidan kooxeed habkaaso ah dariiqii Madaxweyne
Cabdullaahi Yusuf ku hubeyay Maleeshiyo beeled gaareysa 17,000 qofood oo
lagu soo tababaray Ethiopia, kaddibna xasuuq iyo tacadiyo ballaaran
geystay. Qoritaanka Ciidan Dowladeed waxaa ka horreya jiritaanka haykal
Siyaasadeed iyo Maamul oo haysta kalsoonida Shacabka intiisa badan,
kaddibna dadweynaha loo soo bandhigo nidaamka dhismaha Ciidanka Dowladda.
Ciidammada TFG waa eedeysanayaal loo haysto dembiyo dagaal iyo ku
xadgudub xuquuqul Insaanka. Madaxdii Maamulka iyo Ciidammada ayaa weli
horjooga dadkii ay gumaadeen, dhaceen, barakiciyeen, taaso ka soo
horjeeda mabaadi’da dib u heshiisinta, cadaaladda iyo nabadda. Dowladda
Federaalka maqaar-saarka ah (TFG) waa caqabadda ugu weyn ee nabadda
Soomaliya. Badbaadada Soomaliya waxay ku jirta iska tuuridda Dowladda
Federaalka oo ah Dowlad markii horeba loo dhisay inay ka taliso
Bartamaha iyo Koonfurta Soomaliya hase yeeshe aan hana qaadin.
Sida ku xusan Qodobka 11 lambarka 2 ee Axdiga KMG ah, Dowladda
Federaalka waxay la siman tahay Ismaamul Goboledyada iyo degmooyinka
madaxabannan ee dalka ka dhisan. Beesha Caalamka waxay taagersan tahay
aragtidaas. Qorallada Qarammada Midoobay waxay caddeynayaan in Dowladda
Federaalka ah ay tahay Dowladda Bartamaha iyo Konfuurta Soomaliya keli
ah. Ismaamulkee/Gobolkee Madaxweynaha la dooranayo ka talinaya?
Dambiyada dagaal iyo xad gudubyada xuquuqul Insaanka ee lagu
eedeynayo Dowladda Federaalka KMG ah waxay ku qeexan yihiin warbixinnada
Haay’adda Ilaalinta Xuquuqka Aadamiga (Human Rights Watch) oo kala:
-
www.hrw.org/sites/default/files/reports/somalia0807webcover.pdf
(“Shell-Shocked”-Civilians under siege in Mogadishu) iyo
-
www.hrw.org/sites/defaults/files/reports/somalia1208web.pdf
(“So Much to Fear”- War Crimes and the devastation of Somalia).
Waxaa dadaal loogu jira in Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay
magacaabo guddi soo baara arrintaas si dadkii ka qayb galay xasuuqa ka
dhacay Soomaliya la horgeeyo Maxkamad caalami ah.
Nasiib darro Hay’ado kale ee Beesha Caalamka ayaa ilaa hadda xiriir
la leh Madaxdii Mas’uulka ka aheyd dambiyadaas. Maanta waxaan mareynaa
in tiro ka badan nus (1/2) Shacabka Soomaliyeed u baahan yihiin kaalmo
cunto deg deg ah (emergency food aid), taaso aan horey u dhicin. 2006dii
dad ka yar 260,000 qofood ayaa u baahna kaalmo cunto.
Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inuu xaqiijiyo dib u xoreynta
dalka, isla markaana ku dhaqaaqo wada tashi ballaaran oo qoto dheer si
loo qeexo mabaadi’da saldhigga u noqon karta dib u dhiska Qaran
Soomaliyeed.
Mohamud M Uluso
mohamuduluso@gmail.com