SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

London: Shirweyn oo Waqooyiga Magaalada London ay ku qabteen Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Asmara Somalia

Shirkaan oo ah mid ay ka hadleen Xubna ka mid ah Isbahaysiga dib u xorayanta soomaaliyed waxaa hadaladii ugu horeeyay halkaasi ka aqriyayay Sheikh Dr Abdulaahi Maxamed Aadan Dhibco oo Muxaadara Kadib ku dheeraaday Cadow tinimada U dhaxaysa Soomaalida iyo Ethopian waxaana uu sheegay In Muslimiinta Lagu tilmaamayo Argagixiso taasi uu ku tilaamay in ay tahay xaasid nimo islaamka Looqabo.

Wuxuuna sheegay in ay qoraayaal badan ka hadleen xaalada Somalia .

Waxaa Halkaasi hadalo ka jeediyay Mas,uul kale oo ka tirs an jaalayada Xaafad Edmaton ee Magaalada London Bashiir Aadan asagoo sheeegay in ay muhiim tahay in ay ku soo dhaweeyaan qolo kasta oo arimaha soomaaliya danaynaysa.

Waxaa halkaasi ka hadlay oo Micraphoonkana Lagu soo dhaweeyay Xoghayaha Arimaga Xaquuqul Aadadaha ee Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Asmara Aamino Axmed Warsame .

Waxay Aamino hadaladeeda ku bilowday in ay ay ka faalooto dhibaatadii dalka ka jirtay ilaa ay burburtay Dowlada Maxamed Siyad Barre waxayna aad hadaladeda ugu sheegay Hugaamiyayaashii Dalka heerkan Xun gaarsiiyay Dalka Somalia.

Waxay sheegtay in lagu xadgubay xeerka Caalamiga ah ee Aduunka waxaana qolo kastaa ku dhaqaaqday oo xilqabatay Digteetar nimo. Waxayna ku dartay in Isbahaysiga Asmara Ay rumaysan yihiin in halgan hubaysan looga xoreeyo Dalka Cadowga ku soo duulay ee soo jireen ka ah.

Waxaan ku heshiinay in aan dalka difaacno oo ilaalino Diinta iyo Dadka soomaaliyeed .

Waxaana qolada Jabuti naga aaday ka tanaasuleen garabka jabuuti waxayna ka tanaasuleen in dalka laga xoreeyo cadowga kus oo duulalay.

Waxaadna ogtihiin in ay barakaceen dadkii soomaaliyeed una Baahan yihiin Cadalad mana ahan in cidii dalka xukum ka rabtaa ay soo marto ethopia maahan taasi balanytii Awoowa yasheen.

Waxaan u arkaa in ragga soomaliyeed oo aan ku tilaami karaa Fulayo Macaanka jecel oo aan gaalada La xisaabtami Karin midkastaana wuxuu u ardayaa in uu ethopia u hoostago in uu wadanka Jago ka qabto.

Waxaa run ah in dadkii shalay argagixisada ahay oo dadka caadada qaatay ku sheegayeen in ay yihiin Argagixiso maanta dadkale argagixiso ku sheegayaan mana ahan midaasi mid u qaadmaysa Muwaadiniinta Somaliyeed ee Muqaawmaynaya



Waxaa qodobada aan diidnay ka mid ahaay in ay danbi lagu tilmaamay in lala dagaalamo ciidamada Ethopia adinka ayaan idin weydiinaye arinkaas ma ku qaldanahay waxaana aamin sanahay in qorugu yahay sugida Sharafkeena Xiligan.

Waxaa ka mid in la yiri Ethopia ha idiin Taba barto 10 kun oo ciidan ah arinkaasi Ma idiin cuntamayaa in ethopia ciidan noo daba barto anigu waan diiday cidii yeelaysa ayadaa taqaan .

Waxaa halkaasi laga aqriyay Waraaq lagu sheegay in ay ka turjumayso Hadafka Ethopia ee ku aadan Somalia waxaana ku cadaa waraaqdaasi in Gobolada waqooyi iyo Punland kuwa ay si dadban u maamusho waxayna ku sheregay in dhibku ku ku haray Koofurta oo gumaysiga la qaadsiin la yahay.

Waxaana koofurta Somalia laga dhisi rabaa Hawiyeland waxaana ethopio Aduunka ka gaday Five States salutuins oo Somalia loo kala qaybiyay waxaana dadkeenu yihiin dad aan fahmin sirta Ethopia waxaana ilaa hada aduunka laga gadayaa Hagardaamooyin horleh oo lagu cuuryaaminayo Umada soomaaliyeed. ASMARA waxaa nuugu yimid wadama badan oo Reer yurub ah waxayna noo sheegeen in u jeedada shalay naloo kala dulaalay ay ahayd in awoodeena mudaysan la qaybibyay waxaana hada ay qirteen in shirqool ay ahayd shirkii jabuuti.

Waxaa Kale halkaasi ka hadlay Col. Cumar Saleebaan Cali Kaaliyaha Amniga iyo sirdoonka Isbahaysiga Dib u xoraynta wuxuuna ku dheeraaday xaalada Dalka uu marayo oo uu ku tilaamay mid ciidamada ethopia ay gaareen heer ay dadka meelo fagaara ah ku yiraahdaan Danbi idinkama aanan galin .


Waxaana dalka loo wadaa in laga dhiso dowlad ay leeyihiin Dadka la yiraah Hawiye waxaana taas u jeedadeedu tahay in dalka loo qayb qaybiyo Imaarado Ethopia hoostaga.

Waxaa kale oo ka hadlay halkaasi Imaam Sheikh Bashiir Salaad Dhoola yarre oo ah Wakiilka Arimada Bulshada iyo Siyaasada wuxuuna ka hadalay shirarkii dhex dhaxaadinta ee lasugu keenayay Garabyada Isbahaysiga Asmara iyo Jabuuti Kala fadhiya.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen Isbahaysiga Dib u xoraynta



warsaxaafadeedkaan dadkii shirkaasi isugu yimid ka hor aqriyay Xoghaye ku xigeenka Isbahaysiga Mudane: Maxamed Xaashi oo ahaa sidatan.

1. Waxaan ka xunahay kana soo horjeednaa Dagaalada Macnadarada ah ee ka soo cusboonaaday meela ka mid ah soomaaliya dagaaladaasi oo guul u ah Cadowga .


2. waxaan ka tiiraanyaysanahay dhibaatada Xanuunka Badan ee Caddow u gaystay Shacabka soomaaliyeed oo boqolaakun oo kamkid ahi wali geedo hoos jiifaan.

3. Waxaan aamin sanahay in aysan haboonayn in dadka lagu mashquuliya kursi iyo madaxtinimo ayada oo aan waddan laga xorayn Caddowga.

4. Isbahaysiga Dibu xoraynta soomaaliyeed waa canbaaraynayaa dhaqdhaqaaqyadan foosha xun ee ka socda biya soomaaliya oo isugu jira Burcad badeeda iyo Maraakiibta Dagaal ee shisheeyaha ee klu sugan Badda Somalia.

5. Waxaan soo jeedinaynaaa in shacabka soomalidu u middoobaan caddowgooda kana waan toobaan Tafaraaruqa iyo dagaalka dhexdooda ah.

6 . Waxaan bogaadin iyo amaan u diraynaa afartii Xubnood ee ku Midowday magaalada Muqdisho waxaana ugu Baaqaynaa kooxaha kale in ay ku waasi ku biiraan oo la midoobaan.

7. Waxaan ka xunnahay sida qaldan oon mira dhalka ahayn ee Qaramada midoobay u maamushay Soomaaliya waxaana aaminsanahay in u jeedadeedu ahay in la kala jabiyo Muqaawamada


8. Isbahaysigu wuxuu aamin san yahay in arinta soomaalia lagu dhameeyo wadahadal waxaana soo dhawaynaynaa kana qayb qaadanaynaa isku day kasta oo dhab ah oo xal waara gaarsiinaya soomaaliya

Xaafiiska Isbahaysiga Dib U Xoreynta Asmara.
11/01/2009

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS