SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa ii bixiyay 0.5? 
 

Su’aal ayaa in mudo ah madaxayga ku noqnoqonaysay oo aan jawaab u waayay waxaan jeclahay in aan jawaabtaa aan ka heli doono akhristayaasha sharafta leh iyo cida ay sida gaarka ah u khusayso  
 

Waxaan ahay nin ku abtirsada beesha Soomaali ay u bixisay 0.5 kaas oo aan garan waayay sababta ay Soomaali waxgaradkeedii oo idil ay isugu raaceen arinkan: 
 

Waxa aan ku dadaalay bal in aan arinkan ka baxo maxaa yeelay waa uu i dhibaa oo ma jecli in aan isu arko in aan ka hooseeyo Soomaali inteeda kale waxaan ku dadaalay in aan naftayda aan ka dhiso sadex arimood oo aan u arkay in ay tahay muhiim marka laga eego ummadaha kale iyo sida ay wax u qiimeeyaan waxaan iska dhisay

  1. Educationally
  2. Spiritually
  3. Physically

Waxaan ka mid noqday dadkii nasiibka u helay in ay tagaan wadamada reer galbeedka halkaas oo aan markii aan tegay markiiba ka bilaabay in aan wax barto ILLAAH mahadii waxaan ku dadaalay waxbarashada waxaana ka qaatay shahaadada PhD taas oo aan hada ku shaqeeyo, markii aan shahaaadada qaatay ka dib ayaan waxaa ii cadaaday in aana wali ka bixin calaamadii ay Soomaali i saartay oo ay wali i daba socoto 
 

Waxaan u mahad celinayaa waalidkii i dhalay, macalimiintii wax i soo baray gaar ahaan macalinkaygii Qur’aanka kariimka i baray aniga oo yar wax barashada ii furan tahay oo aan wali High School dhameen ayaan waxaan dhameeyay Quraanka laba jeer waxaana ku dhameeyay Soomaaliya, markii aan imid wadamada reer galbeedkana waxaan sii xoojistay barashada diinta Islaamka halkaas oo aan ka noqday macalin Qura’aanka kariimka caruurta u dhiga, kutubtana ku raacday ALLE mahad ha ka gaarto waxaa ii furmay cilmiga iyo barashada Islaamka Alxamdu Lilaah waxaana isku tiriyaa in aan ka mid ahay dadka aqoontooda diinta Islaamka ay dhisan tahay oo waxbadan ka yaqaaan dadka kalena uga faa’iideeya, taas ma aysan sababin in aan ka baxo darajadii 0.5  
 

Qofka muslimka ah waxaa fiican oo ay diinteena na baraysaa in uu yahay qof dhisan oo mar walba u diyaar ah jihaad kaas oo ah kii nafta iyo kii jismiga labadaba, hadana sida aanu wada ogsoonahay jirka oo la dhisaa waxaa ku xiran caafimaadkaaga oo waxaad ka helaysaa kalsooni nafsi ah iyo mid aad diyaar ugu tahay in aad ku difaacdo naftaada, ehelkaaga, maalkaaga iyo diintaada, taasina waa ay iga reebi wayday in aan ka baxo qaytaas foosha xun oo aad ii dhibayso 
 

Hadii aan arimahan aan soo sheegay aan uga bixi waayay qaybta foosha xun ee dusha la iga saaray ayaan is waydiiay horta khaladka xagee ayuu ka yimid waxaa ii soo baxay sadex arimood mid un oo aan jawaab u waayay waxayna kala yihiin 
 

Horta yaa kuu bixiyay ama sabab u ah in aad ka mid noqoto qaytan laga wada cararay?

  1. ALLAAH
  2. Waalidkii I dhalay
  3. Soomaali
 
 

Ma arin ay ku saxsan yihiin oo ay la cuskanayaan daliilo kutub hore ku qoran miyaa? 
 

  1. Haa
  2. Maya
 
 

Maxaa ila gudboon oo aan sameeyaa hadii aan ku dulmanahay magacan sinana aana uga baxayn miyayna ahayn arin aniga ii taal wax walba oo aan la imaadana ay qaadi doonaan dadkii dulmigan geestay maadaama aanan qaadi karin culayskiisa oo ay dhib wayni igu tahay?  
 

Hadaba maxaa keenay in ay qolo walba oo soo baxda oo Soomaali ka tirsani ay isu dhinac raacaan miyayna ahayn arin wax weyni uu ku jiro  
 

  • TFG waxa ay ku qanacsan tahay oo ay soo saartay qaybsiga 4.5
  • Maxkamadaha, garabka Jabuuti iyo TFG waxa ay heshiis ku saxiixdeen qaybsiga 4.5
  • Maxkamadaha garabka Asmara iyo Al Shabaab waxa ay ku gowracan yihiin halkii loo batay maadaama aysan ka soo saarin mowqifkooda ku aadan 4.5
 
 

Akhristoow miyaysan jirin wax iga qarsoon oo Soomaali isku raacday nin baa laga sheegay oo yiri “in aan waalanahay waxaan ku gartay dadkoo idil baa I soo fiiriyay” 
 

Hadaba wax baa qaldan ee ma waxaan ku raali noqdaa duli iyo naga hoosee mise waxaan la imaadaa wado kale oo aan heeryada duliga aan isaga qaado, taas oo yeelan karta qaraar iyo macaan hadaba tii laga dhaxlo 
 

Horey baa Abwaan Ayax Maxamed Dhawre ALLAHA U NAXARIISTEE arintan uga dhiidhiyay maantana waa markeeda

  • Qabiltiyo nikaax naagahaa, qaata meherkiiye 
    Qabaanimo ninkii iga damciyo, ii qasaal marada  
    Allaylehe Illaah iguma qaban, qoorye xeradaye  
    Waaryaan aniga xaajo aan i qaban, la ila soo qaadin! 
     

Waxaan digniin iyo wacyi galin siinayaa dadka waxgaradka ah ee isku hawlo arimaha Soomaaliya iyaga oo mar walba oo ay raadiyaan wax xal u eg, taas oo keenta in ay madaxa uga istaagaan dad aan iska celin karin kana maqan madasha qaybsiga ama aan markaas lahayn cod xoog badan oo keeni karta in la maqlo ama la qiimeeyo codkooda, taas oo sabab u keenta in ay keento dhibaato ka wayn tii hore colaad iyo xaqdi aan harin

Waxaa la yiri beenta hadii lagu celceliyo waxaa la moodaa run waxaan aad ula yaabaa marka aan arko dad badan oo mujtamaca ku leh magac oo si Public ah u qeexaya in ay wax ku qaybsanayaan 4.5 hadaba waa yaabee yaa ka liita oo aan ku dhalan 9 bilood ma qaybtii dumarkaa marka laga hadlayo dhaxalka oo ay leeyihiin bar mise waxaa jira daliil kale oo ay u haystaan arinkan, miyaa la istiriyay oo miyaa la kala badan yahay, mise waa jaahilnimo, kursi jeceel, iyo qabiilkooda oo ay u raadinayaan sad bursi iyo wixii la mid ah

Ugu dambeyntii waxaan u soo jeedinayaa dhamaan umada Soomaaliyeed “Libaax nin gano iyo nin gudo og” waxa aanu ku diiwaan galinay dhamaan cid kasta oo uun ka qayb qaadatay kacaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waqtiga dheer madaxa looga taagnaa kii ka gaystay arin waxtar leh iyo kii ku soo siyaadiyay arin dhib iyo quursiba leh waa ay qoran yihiin waxaana ay dhici doontaa in ay xisaabtooda la hor keeni doono waqti ka horeysa tan aakhiro Insha ALLAAH

Qoraalkan oo ah mid ka yimid dareen shaqsiyadeed oo daacad ah oo aan filayo inta badan in ay ila qabaan dad fara badan oo Soomaaliyeed ayaan waxaan u sheegayaa in inta laga helayo daacadnimo, sinaan ay Soomaali ay isugu mid yihiin in aanu taaganahay oo aanu xaquuqdeena raadsanayno kana raadsanayno meel kasta oo ay dantayda ku jirto taas oo keeni karta wax aan la filanayn ama aysan mahdin kuwii dhibka sida ula kaska ah u sameynayay

Waxaan leeyahay Soomaali waa hal qabiil oo isku mid ah, isku diin ah, isku af ah, qofkii ama qolodii kala saartaana waa qolo si cad dagaal kula jirta dadkaas ay isku mid ka yihiin wixii nala gudboon oo ay diinta iyo shuruucda aduunka ay qoreen baan kula dhaqmi doonaa hadii Alle Idmo 
 

Qore Abu Cabdullaahi Mohamed Ahmed

E-mail: abucabdullaahi@gmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS