SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqaawaada Somaaliya waxay u baahan tahay Bad-baadin si aysan u Fashalmin.

Waa lagayabaa sababta ugu weyn ee Xarakaadka Islaamiga ah Maalin walba Fashalka u keena in ay ka mid tahay,in aanan marna dib loo eegin,ama marnaba la soo saarin Taariikh farabadan ay soo mareyn Xarakaadka Islaamiga ah, ayada oo isla markaa laga fiirinayo dhinacyo badan,wax yaabihii ay ku gaareyn wanaaga, islamar ahaan taasana Fashalka u keenay,waxayna aheyd in tajaarubta Islaamiga ah in ay isbuuxayaan oo ay is dhameystiraan kuwii hore kuwa maanta jira,ayada oo laga qaadanayo wanaaga,lagana fogaanayo qaladaadkii ay horay ugu dhaceyn.balse waxaan arkeynaa tajruba walba oo islaami ah bilaabanto in ay ka bilaabaneyso meel biloow ah,dibna ay markale ugu dhaceyso isla qaladaadkii ay horay ugu dhaceyn kuwii ka horeeyay,Godkii ay kudhaceyn ay kudhaceyso,sababta ugu weyn ay arimahaas ku dhaceyn ayaa waxay tahay ayada oo aanan marna lagu noqoneynin la fiirineyni,la qiimeynin la toosineynin Tajruba walba goonideeda.Hadaan Tusaalo Ahaan u soo qaadano Tajrubadii Islaamiga aheyd ee ugu horeesay wakhtiga aan noolnahay waxay aheyd Tajrubadii Jihaadkii Afganistaan,midaas oo ku bilaamatay kadib markii ay ku soo duuleyn Shuuciyadii (Russia) markaa jirtay Dhamaadkii 1979,waxaana la isku raacsanyahay in ay tahay Tajrumo mida ugu qaalisan wakhtigaan marka la eego dadkii kala gadisanaa ee ka qeyb qaatay,Xarakaadkii kala gadisanaa,Dawladihii kala gadisanaa ee ka qeybqaatay iyo Rajadii baaxada weyneyd ee laga sugaayay,hadaba hadaan dib ugu laabano waxii darasaad laga suubiyay,inta waxyaabood ee lagu amaanay,inta shay ee lagu dhaliiyay inta uu socday Jihaadka iyo marka uu dhamaaday,dhamaan intaba waxaan ka heleynaa faa’iido farabadan oo aanan halkaan marna ku soo koobi karin,bad baadina u noqon karta Muqaawamada barakeysan ee maanta wadankeena ka jirta.

Hadaan dib ugu laabano Da’raasaadka laga suubiyay Tajrubadaas waxaa noo cadaaneysa in bilowgii Jihaadka Afghaan ay ka bilaamtay meel Sifir ah (bilow ah),sidaas darteedna ay mamnuuc aheyd waxii SIXID iyo TOOSIN ah ayada oo laga baqayay in ay keento Fidno iyo kala qeybsanaan ku timaada Muslimiinta dhaxdooda,markalana hadaan dib ugu laabano dhamaadkii Tijrubadaas Barakeysneyd Da’raasaadkii laga qoray markii la igu soo wada aruuriyo waxaan ku tilmaami karnaa taqriiban waxay ku dhamaatay Sifir,(Halkii ay ka bilaamatay) ayada oo ay suuragal tahay in ay jiraan dad badan oo aan ila qabin aragtidaas.waxaa jiray Fasaad fara badan dhinaca Ciidanka,Maamulka,Dhaqaalaha,Suluuga,Qabyaalada,Madhabo kalagadisan…….Boqolaalka Da’raasad ee laga suubiyay intaas oo shay is wada’diidan iskana wada hor imaaneysa,ayaa waxay keeneysaa in Xarakaadka Islaamiga ah ay ka faa’iideystaan,dib ugu laabtaan,waloow ayba yartahay cid dib ugu laabato,intabadan waxay iska noqotaa wax Shaqsi ah,Tusaalo ahaan waxaan soo qaadan karnaa Tajrubadii Inqilbaaka Suudaan ka dhacay,Jabhada Al Inqaad ee Xasan Turaabi maalintaas waxa uu ku tilmaamay Ragii uu kala wareegay Maamulka Rag kursi jecel wax walbana u marayaan sidii ay kursigaas ugu sii fadhisan lahayen!!!!! Waa tusaalo yar iyo ifin kaliya,Amaanta iyo Isdaahirada Turabi waxay aheyd maanta in uu asaga ka muuqdo oo uu ka fogaado,Ragii wada’dii dheereyd ay isla soo mareyna marna aysan ku kalatagin arin uu shalay isku amaanayay,maanta aan aragno sida uu qeyb weyn uga yahay Bur Burka Suudan!!!.

Dhibaatada Tajaarubta islaamiga ah hadii ay noqon laheyd Algeria,     Afghanistan, Sudan,fashalka ku yimaada marna kuma ekaanto Maamulka Islaamiga ah iyo raga ka tirsan,bal waxay raad ku yeelataa wadanka oo dhan,sidoo kalana waxaanan ka bad’baadeyn dhamaan waxii ku nool mandiqada oo dhan.Markii ay kabaxeyn Shuuciyadii(Russia) Afghanistan,ayna soo dhawaatay xiligii laguran lahaa mirihii Jihaadka,waxaa dhacay Afghanistan in ay u qeybsantay Tuulo Tuulo,ayna kala heystaan Najiibu llaah,Ahmed Mascuud,Xikma Tiyaar,Sayaaf,Rabaani……..kadibna waxaa soo baxeyn Daalibaan oo qabsaday inta badan wadanka oo dhan,marka laga reebo Waqooyiga oo gacanta ku hayay Ahmed Mascuud,kadibna waxaa dhamaaday gacan kuheyntii Daalibaan, si kadis ahna waxaa u dhacay dhacdadii 11/Setempar/2001,dhamaadkii sanadkana waxay gacanta u gashay Mareekanka,natiijadiina waxay noqotay dhibkii dhacay in aysan ku ekaanin xarakadii Daalibaan kaliya balse ay saameysay Afghanistan oo dhan iyo dhamaan madanqada oo dhan,marlabaadna Afghanistan waxay noqotay wadan gacanta gumeysi gashay,mida labaadna waxii kheyraad uu lahaa wadanka waxa uu gacanta u galay Mareekanka,sidoo kalana Sudaan markii ay isku dhaceyn Madaxdii Jabhadii Al-INqaad ayna u qeybsameyn Labo qeybood,qeyb uu hogaaminayo Cumar Al-Bashiir,iyo qeyb kale ee uu hogaaminayo Hasan Turaabi,dhibkii dhacay kuma ekaanin kalajbka iyo kala qeybsanaan ku yimid jabhada kaliya ee waxa uu sabab u noqday Bur burka Suudan oo dhan.waana tan maanta aan wada aragno wada ay Suudan ku socoto in loo kala gooyo Gobal gobal,horayna waxaa u go’ay Koonfur,Waqooyina gooni laga dhigo,sidoo kalana reer Galbeedba waxa ay hada  wadaan  in Daar’foor laga Gooyo Galbeedka,Natiijada ugu dambeysana waxay noqoneysaa Midnimadii Suudan oo lawaayo,dhanka kalana waxaa meesha  kabaxay Yididiiladii Muslimiinta ay ku xisaabtamayen Dhulbeereedkii Suudaan in uu yahay mid kuwada filin.Sidoo kalana waxaa maanta marqaati ma doonta ah wadankeenii Somaamliya kala qeybsanaanta aan kala qeybsanhay dhibka ay u keentay wadankeenii in uu u kala go’o Gobal gobal iyo waliba wadankeenii oo maanta gacanta u galay Gumeysi waligii ku taahayay in uu qabsado.

Hadaba aan u soo laabto Ragga Muqaawamada Soomaaliya kawado aana waydiiyo Su’aal ah malagayabaa in uu Fashil ku dhamaado kacdoonkan Barkeysan ee wadnaka lugu Xoreenayo,uuna ku dhamaado sidii Xarakaadka Islaamiga ahaa ay ku dhamaadeyn,dhibkana uusan intaas ku ekaanin ee uu wada gaaro Somaaliya oo dhan,sidoo kalana sidee baynu uga bad’baadi karnaa arintaas,waliba ayada oo ay maanta jirto isku dhacyo Muqaawamada dhexdeeda ah,Dagaal Dhinaca warbaahinta ah,Goobo loo kala tartamaayo,Goobo lakaa qabsanayo,Ragii Shalay wada socday oo maanta iswada tuhmayo.Waxaan uga bad’baadi karnaa waxay ila tahay waxaa ka mid ah anogoo soo nooleyna dibna ugu laabano inaan baarno waxii dhacdooyin iyo Ficil ahaa ee naga horeey,waxayna ka mid tahay Wadoonyina guusha aan u mareeyno,hadaan wax yar aan dib ugu laabano waxii naga horeeyay waxaa noo soo baxaya dhamaan qaladaadkii ay ku dhaceyn una keenay in ay dhaxdooda is dagaalaan, qolo walbana qolada kale dhiigeeda ay baneesato ayada oo wado kasta u mareysa.

Ugu dambeyntii waxaan ku talin lahaa dhamaan Ragga muqaawamada iyo inta tageerta ee wanaageeda jecel in dib loogu laabto dhamaan Dhacdooyinkii iyo Ficiladii horay u soo dhacay inta ay jirtay Muqaawamada,sifiican loo Rog’rogo dhamaan balaasha ay ka koobantahay oo dhan ,luguna suubiyo Baarid, Saxid,iyo Toosin marxalad walba ay soo martay,si loo gaaro waxa ugu wanaagsan uguna faa’iidada badan,isla mar ahaan taasna waxaan ku guuleysaneynaa Insha Allaah in aysan marna Fashalmin Muqaawamada barakeysan ee wadankeyna ka socoto.

***Qof walboow Qeyb ka qaado in uu sii baxo Iftiinka aan gacmaheyna ku Suubinay,Marna ha noqon qofkii ugu horeeyo ee iftiinkaas Damin lahaa***

Fawsi Ahmed

fawsi22@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS