SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Banaanbax looga soo horjeeda Xasuuqa reer Falastiin oo ka dhacay Muqdisho

Sawirada Mudaharaadka halkan ka daawo....

Waxaa salaadii jimacaha ka dib magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax loopga soo horjeedo Xasuuqqa Yahuuda ka wado Marinka Qasa ee loo geysanayo reer Falastiin waxaa uuna ka bilowdey Banaanbaxaas Masjidkas Shiikh Cali Suufi waxaana Khudbad Qiiro leh ka jeediyey Afhayeenka Culimada Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo sheegaye in xasuuqa ka socda Ffalastiin uu ku yimid midnimo la’aanta Muslimiinta wuxuu u soo jeediyey in muslimiinta ay midoobaan oo fadhiga ka kacaan waxaa kaloo halkaas ka Hadley Shiikh Maxamuud Ibraajim Suuleey oo isna sheegay in muslimiinta looga baahan yahay in Baraarugaan oo ay muujiyaan midnimo Guud waxaa kaloo halkaa ka Hadley shiikh Cabdirixiim Ciise Cadow oo sheegay in xasuuqa lagu hayao reer falastiin uu ku yimid markii yahuuda ay kala qaybisey wadamada Islaamka isagoo sheegay in ay ku hamineyso sidii ay u la wareegi lahayd Masjidka Qudus wuxuu u soo jeediyey Muslimiinta caalamka in ay wadajir isu urursadeen Caddowgooda meel uga wada soo jeestaanBanaanbaxaas ka dib waxaan ka diyaariyey Faaladan aan ugu magacdarey Falastiin: Geesiyaal Garab waayey

Falastiin: Geesiyaal Garab waayey!!!

Dadka reer Falastiin mudo 60 sano ah ayay ku jireen dagaal si ay ku helaan xoriyad iyo dal madax banaan, waxa uuna halgankaasi soo maray marxalado kala duwan, waxaana sabab u ah in uu halganka daba dheeraado kadib markii xili kasta loo soo bandhigo qorshayaal aan u cuntami Karin, waxa uuna halgankii uu noqday in uu mudadaas oo jiitamo, sanadihii sideetameeyadii ayay ahayd markii Israa’iil ay dadka reer Falastiin ku qasabtay in ay deegaanadooda ka cararaan ama ka barakacaan, waxaase la yaab leh in dowladdihii walaalahood ahaa ee carbeed ee ay u carari lahaayeen ay diidaan in ay qaxootigaas reer Falastiin qaabilaan, taasina waxay keentay in Israa’iil ay bilowdo in Hogaamiyaashii reer Falastiin ku ugaarsato Adduunka, sidoo kale reer Falastiin waxay bilaabeen in halganka ay wadaan inta ay gabari ka nooshahay ilaa ay ka helaan xoriyad buuxda.

Halgankaasi waxaa hor kacayay Allaha u nxariistee Yaasir Carafaat oo dhowr jeer isku dayay in uu heshiis la gaaro Israa’iil, hase yeeshee taasi ma noqon, waxayna aakhiritaankii noqotay in isaga la go’doomiyo, madaafiic lagu garaaco xaruntiisii, kadibna isaga oo tacbaan ah uu ku geeriyoodo dalka Faransiiska, xaaladdahaasi wadamada carabtu waa ay daawanayeen marka sidaas loo galayay hogaamiyihii reer Falastiin.

Gabar Falastiiniyad ah oo u dulqaadan waysay dhibaatada lagu hayo dadkooda ayaa waxa ay goosatay in ay is qarxiso, waxayna iska duubtay Cajalad ay kula dardaarmeyso qoyskeedii iyo carruurteedii, waxayna tiri “Markaad maqashaan qaraxaas, waa inaad mashxaradaan” Markii ay qoysku maqleen is qarxinta gabadhooda, hooyadii qoyska mashxarad ayay ku dhifatay, waxaana ku soo yaacay dadkii dariska ahaa waxayna yiraahdeen “ma arroos baa qabtaan maxay tahay Mashxaradu , waxayna ku ugu jawaabtay “Maya gabadhaydii ayaa is qarxisay oo laysay Israa’iiliyiin fara badan”, is qarxiinta gabadhaasi waxay keentay in gabadho kale oo fara badan oo reer falastiin ah ay ku daydaan gabadhaasi .

Sanadihii Sideetameeyadii ayaa nin Yahuudi dad ku Tukanayay Masjidka Al-Qudus, waxa uu albaabka kala fariistay qoray AK-47 ah, waxa uuna ku laayay dadkii halkaa ku Tukanayey, markiiba waa qabtay Booliiska waana la waydiiyay sababta uu dadka ku laayay, wuxuu ugu jawaabay “Sow Falastiiniyiin ma ah sidaas ayaan ku laayay maadaama ay khatar nagu yihiin”, Nin Booliis ahaa ayaa ku qoslay ninkii oo yiri “Maxaa u door biday in yar oo Salaad subax Tukanaysay, waxaadba heli kartay Duhurkii oo dad fara badani Tukadaan, maxaad kuwaa u sugan waysay oo aad u layn waysay”, ninkii oo ka yaaban ninka Booliiska qudhiisa ayaa ku jawabay “Saaxiib kuwa Salaadda subax Tukada ayaa Israa’iil halis ku ah, oo u baahan in la Khaarajiyo, madaama ay firfircoon yihiin oo ay soo toosaan xili qabow ah oo ay hurdadoodii ka soo tagaan si ay u cibaadeystaan”.

Dadka reer Falastiin waxa ay bilaabeen in ay sameystaan ururo diini ah kuwaas oo bilaabay in ay dagaal kala hor tagaan oo ah mid naf hurnimo ah, waxaana ururadaas diiniga ah ugu weynaa Ururka Xamaaz oo isagu bilaabay in uu dadka reer Falastiin inta ay halganka ku jiraan wax bartaan, sameystaan xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo ku saabsan bulshada, waxayna arrintaasi soo jiidatay shacabka reer Falastiin, waxayna caalamku aakhiritaankii qorsheeyeen in doorasho laga abaabulo dalka Falastiin soo loo doorto madaxdii hogaamin lahayd.

Dalka Mareykanka oo isagu gacan siiya Dowladda Yuhuuda ayaa doorashadaasi waxa uu ku bixiyey lacag gaareysa 50 Milyan oo Dollar oo uu siiyay ururka Fatax ee uu hogaaminayo Maxamuud Cabaas si uu doorashada ugu guuleysto, hase yeeshee lacagtaasi waxba ma tirin oo waxay shacabku doorteen Ismaaciil Haniya oo ah hogaamiya ururka Xamaas, doorashadaas waxaa si weyn looga soo dhaweeyey beesha Caalamka, haddana Dowladda Mareykanka iyo Israa’iil waa ay diideen, waxaana la bilaabay in la iska hor keeno ururada Fatax iyo Xamaas, waxaana dhex maray iska hor imaadyo ay dad badani ku dhinteen, hase yeeshee arrintaasi waxay Xamaas u suuragelisay in ay la wareegaan Marinka Gaza oo ah deegaan ay ku nool yihiin Falastiiniyiinta ugu badan, waxaana lagu qiyaasaa ilaa iyo 2 Milyan oo Qofood.

Wadamada Carbeed oo la doonayey in ay gacan siiyaan walaalahooda reer Falastiin indhaha ayay ka daawanayeen, waxaana moodaa in ay u hogaansameenba qorshayaashii Israa’iil ee ahaa in Xamaaz meesha laga saaro, waayo marka laga reebo shacabka Dowladaha wadamadaasi ka taliya ma ogola ururada ku dhisan Diinta , waxayna ka goosteen taageeradii ay markii hore ballanqaadeen, waxaana la bilaabay in magaalada Gaza la go’doomiyo, shacabkii labada milyan gaarayeyna ay waayaan wax ay afka geliyaan, mudo sanad ku dhawaad ah ayay arrintaasi ku jireen, wadamada carbeed waa ay daawanayeen xaaladdaas ay dadka reer Falastiin ku jireen, waxayna ku ekaayeen oo keliya banaabaxyo, waxaana dhaliisha ugu weyn la saaray wadanka Masar oo isagu lagu eedeeyey in uu wax ka ogaa qorshaha go’doominta ee Marinka Gaza inkastoo madaxdoodu ay arrimahaasi dafireen. Waxay go’doomintaasi socotaba waxay Israa’iil bilowday in ay mid mid ugaarsato hogaamiyaashii Xamaaz, waxayna kadibna u xuub siibatay in ay dagaal cirka ku qaado marinka Gaza kaas oo socday mudo labo asbuuc, waxayna kadib bilowday in ay ciidamadeeda lugta ah galaan deegaanka Marinka Gaza, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal aan waxba la iskula harin, iyadoo wadamada carbeed ay weli sidii u daawanayaan, la yaab ma lahoo waayo hogaamiyihii hore ee Ciraaq Sadaam Xuseen ayaa barqo cad lagu daldalay Magaalada Baqdaad, wax diirimaad ah kama aysan samaynin, marka laga reebo mudaaharaadyo ay shacabku sameeyeen

Dagaalka oo haatan si aad ah u qaraaraaday ayaa wadamada carbeed waxa ay dhibaatadaas reer falastiin loo gaysanayo ka daawanayaan taleefishinada caalamka, waxaana dhacday in Israa’iil ay burburisay masaajido fara badan oo ku yaala Gaza iyo waliba Iskuulaad, waxaa taleefishinada caalamka soo bandhigeen iskuul ay ku geeriyooday 40 arday oo Falastiiniyiin ah, xasuuqaasi ilaa iyo hadda wadamada Carbeed cid ka gilgilatay ma jirto, marka laga reebo shacabka, hase yeeshee dagaalka oo sii socda, waxaa laga cabsi qabaa in kacdoon shacbi uu ka dhaco dhamaan wadamada carbeed si meesha looga saaro dhamaan talisyada aan marnaba u naxeen dadkooda.

Nin odey ah oo u dhashay dalka Masar ayaa sheegay in xasuuqa lagu hayo dadka reer Falastiin ay keeni karto faa’iido weyn, waayo ayuu yiri marba marka ka dambeysa oo la cadaadiyo Muslimiinta waa ay ku sii bulaalaan, marka waxaan leeyahay ha adkeystaan mar bay xoriyad heli donaan.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in dowladaha carabta oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo 21 dal oo ay ku nool yihiin dad aad u fara badan in ay indhaha ka fiirsanayaan gardarada Israa’iil, waxaana ugu dambaysay dhawaan iyadoo Dowladda Masar is hor taagtay shir ay isugu imaan lahaayeen Wadamada Islaamka soo looga hadlo xaaladda Falastiin, sidoo kale waxaa la yaab leh in wadanka Masar oo ay ka soo baxeen geesiyaal fara badan in maanta walaalahood lagu hor gowraco laguna xasuuqo, waagii Dowladda Liibiya la go’doomiyey wadamo Afrikaan ah ayaa Cunaqabateyntaas jabiyay maanta maxaa loo la’ yahay in wadan carbeed oo jabiya cunaqabateynta Israa’iil ay ku hayso Marinka Gaza, xitaa waxaa waayay dowlad Carbeed oo cambaareysa falalka ay ku kaceyso Dowladda Israa’iil, halka dowladda Venezuela ay dalkeeda ka soo saartay safiirkii Israa’iil arrimo la xiriira xasuuqa ay Israa’iil ka wado Gaza, sidaa darteed waxaa muuqata in carabi ceebaysan tahay, sidoo kale waxaa ammaan mudan ururka XISBULLAH oo ka dagaalama dalka Lubnaan ayaa isagu hanjabaad kulul u diray Dowladda Israa’iil, waxayna yiraahdeen “Waynu u aari doonnaa Dadka reer Falastiin”, guntii waxaan dhihi karnaa Falastiin waa geesiyaal garab waayey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS