SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

TACSI: Mudane Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaalle.

INAA LILAAHI WA INAA ILAHAY RAAJICUUN


Aniga oo ku hadlaya magaca odayaasha, aqoonyahanada, culimo-aw-diinka, waxgaradka, kayga shaqsi ahaaneed iyo dhamaanba shacanka reer Somaliland ee ku nool dalka Maraykanka waxa aanu tacsi u diraynaa dhamaanba qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Xoghayihii Guud ee Xisbiga Udub Mudane Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaalle, oo Janaayo 8, 2009 ku geeriyoodey Jabuuti.

Waxa kale oo aanu tacsi u diraynaa dhamaan umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogtaba, gaar ahaan dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha sharafta leh ee xisbi qarameedka Udub.

Waxa aanu ilaahay uga baryaynaa Marxuumka in uu Ilaahay janaddii ka waraabiyo, dhamaan qoyskii, ehliyaddii iyo qaraabaddii uu ka tegayna samir iyo iimaan kasiiyo. Aaamiin.

Gudoomiyaha Udub-USA
Mudane Yusuf Budle
udubparty@gmail.com

Sawirka hoose waa Qaar ka mid ah xubnaha UDUB USA oo Tacsida diraya

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS