SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Erayada Afsoomaliga ah ee loo isticmaalo si ka duwan macnahooda :-

                                      Qaybtii 2aad. 

Abdirisaq Mohamoud Saleiman (Mingiste)

Xafiiska Manchester

Emailka abdi_saleiman@hotmail.com


Sidii aan horeba idiinku soo gudbiyey,in intii ay jirtay luqada Afsoomaligu waxaa markasta soo baxayey erayo cusub oo ku soo biirayey Afsomaliga,waxaan ula jeedaa hadal ahaan iyo macnaha loo isticmaalayo,balse erayada qaarkood way jiri jireen  AfSoomaali ahaan.

Erayada qaarna waa qaar ka dhashay amase  ka soo dhex baxayey xaaladaha kala duwan ee Soomalidu dhex mushaaxaysay  48 sanadood ee ugu dambeeyey.

Erayada caanka noqday waxaa ka mid ah,Tusaalle ahaan erayga KACAAN,weligii waa jiri jiray, waana da, “Cali isku  kacaan yaanu ahayn”oo loola jeedo “isku da’ ayaanu ahayn, balse  Soomalida badankeedu waxay u yaqaaniin “Dowladii dhalatay 21 Okt 1969.

Erayada dhinaca qurbajooga:-

Wuu isdhiibay:- Eraygan wuu jiri jiray,waa eray Afsoomali ah oo sax ah,berigii hore waxaa inta badan loo isticmaali jiray CIIDANKA,oo marka laba ciidan dagaalamaan ee mid laga xoog roonaado,ka kale waa in uu isdhiibaa. Waxaa loola jeedaa in aad dhigto dhamaan wixii aad qalab ciidan ee aad sidatay dhulka dhigto oo aad gacmaha kor u taagto.Haddii aad isdhiibto waxaa go’aanka iska leh cidii aad isu dhiibtay,way ku dili karaan,way ku xidhi karaan, weyna ku sii deyn karaan,wixii ay doonaanba iyaga ayaa go’aanka iska leh. Haddaba eraygan sida loo isticmaalo maanta waa si ka duwan. Qurba jooga Soomaaliyeed maanta erayga waxay isticmaalaan marka ay soo gaadhaan wadamada Yurub iyo North America,dhinaca kalana waa ALBAABKA  laga galo xaalada “QAXOONTINIMO”.

Eraygu waa eray “CULUS”,waxaan u jeedaa marka aad isdhiibto,waxaad dhulka dhigaysaa dhamaan wixii aad la soo gashay wadanka aad iska dhiibtay,sida dhaqankii – caadoooyiinkii –Ubadka  IWM.

“ CARUURTII AYAA LAYGA GAALAYNAYAA”- WAADIGII ISDHIIBAY.

“CARUURTII AYAA LAGA QAATAY- WADIGII ISDHIIBAY.

“HOOYO WIILKAAGII AMA GABADHAADII WAXAY ISKA DHIIBTA DALKA INGIRIISKA – AL-XAMDULILAAH”

Erayga “waan isdhiibay waa eray aad u culus,waxaan u jeedaa,haddii aad isdhiibto waxaad ogsoonaataa in wixii la doonaba lagugu sameyn karo.Tusalle “dad badan ayaa xataa caruurtii laga qaatay.”

Hadal iyo dhamaan eraygan runtii aad ayuu u xun yahay in loo isticmaalo sida hadda loo isticmaalo,waxaana inoo fiican in aynu iticmaalo eray ka fiican eraygan oo runtii sida loo leeyahay ka culus,HABAARNA U DHOW.  

Caydh amase Cayr:- Erayga Caydh hore waa u jiray waxaana loo isticmaali jiray,waa “Qofka aan waxba haysan “ amase  qofka aan wax xoolo ah lahayn”.

Erayga Caydh maanta waxaa loo isticmaalaa “dhaqaalaha  la siiyo amase lacagta  ay qaataan dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadamada  Qurbaha sida  Yurub iyo North America. Lacagta Caydha ee ay qaataan 1 Miyan ee Qurba joogaa Soomaaliyeed  waxaa laga masruufaa  7 milyan ee gudaha Soomaaliya ku nool,markaa wuxuu isu bedelay macnahiisii “dhaqaale joogta”. 

Buufis:- Afsoomali ahaan waa “wax la buufiyey ,amase neef amase hawo  lagu shubay,laakiin maanta waxaa loo yaqaan “XANUUN WAALI AH”,oo ku dhaca  dadka isticmaala waxyaabaha loo yaqaan “MAANDOORIYAYAASHA”.

Beertuu ku jiraa :- Eraygani macno ahaan waa “BEERTA AYUU DHEX JOOGAA-KU DHEX JIRAA”,balse maanta waxaa loo isticmaalaa “WAXBA MA QABTO” MA SHAQAYSTO” AMASE  WAXBA KUMA WANAAGSANA” AMA “BALWADA AYUU U GOAY” “BALWAD AYUU LEEYAHAY” IWM.

Isxambaar:- Afsoomali ahaan waa  eray loo isticmaalo qaadista CARUURTA oo macno ahaan noqonaya marka caruurta  dhabarka lagu sido “DUSHA KU QAADIS”,balse maanta waxaa loo isticmaalaa “ DADKA LA SOO DHOOFIYO”gaar ahaan kuwa “LACAGTA LAGA SOO QAATO”  amase Visaha laga soo iibiyo.

Jaamacada:- Afsoomali ahaan waxaa loo yaqaanaa JAAMACAD oo loola jeedo goob laga barto AQOON SARE,balse maanta waxaa loo yaqaan goobaha laga barto luqada wadamada  ay Soomalidu QAXOONTIGA ku yihiin.

“AYEEYO ISKA SII JOOGA  JAAMACADII AYAAN MAANTA  TAGAYAAYE” Erayada sida qaarkood weli waxay leeyihiin macnahoodii amase dhawaaqoodii luqadii ay ka yimaadeen sida;-

Single mother:- Waa eray Ingiriisi ah,sidisii ayuun baa loo isticmaalaa ee ma aha Afsoomaali,waana eray sidisii Ingiriisi ahaan loo isticmaalo.

Waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan intii emailada faraha badan ii soo dirtay,fadlan erayadu intan kuma koobna,balse waxaan soo qaatay inta aan isleeyahay aad ayey muhiim u yihiin ,waana inta ugu caansan.

mahadsanidin

 Q.1aad: :::Erayada Afsoomaliga ah ee loo isticmaalo si ka duwan macnahooda
………….la soco qaybaha dambe.

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com 
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS