SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

BAYAAN KASOO BAXAY BEESHA MEHERI EE NORWAY KUNA WEJAHAN PL

KU: Isimada Dawlad Goboleedka Puntland-Goobtooda

Ku: Maxkamada Sare ee DGPL-Garoowe

Og: Madaxweynaha DGPL-Garowe


Anagoo ah Jaaliyada Beesha Meheri ee Norway kana tirsan beelaha soomaaliyeed,kuna caan baxday daris wanaaga nabad iyo xaq dhowrka
ay kala mudan yihiin beelaha soomaaliyeed .
Beesha Meheri oo ah beesha kaliya ee aan wax colaad ah ka dhexeen beelaha kale ee soomaaliyeed,taasuna waxayku tuseysaa sida ay
beesha meherigu u xaq dhowrayaan nabad ku wada noolaanshaha,daris wadaag iyo dhamaan dhowrista danta guud ee deegaanada puntland
iyo dhamaan dalka soomaaliyeed guud ahaantiis.

Sida taariiqdu qoreyso waxay ahayd beesha meherigu laf dhabarka soomaaliyeed khaas ahaan degaanada puntland, waxey ka qeyba qaateen
horumarka dalka dhinacyadiisa kale duwan.

The Meheris are resourcefull merchants who took lions share in finding and establishing most of urban Somali communities (city & towns) and
overall advancement of somali.It is well known fact taht prominent meheri business people reside in the centre of town and cities of Somalia from
coast to coast.

Waxaa marag madoonta ah in Beesha Meherigu ahayd beelihii ugu horeeyay oo meelo badan oo katirsan maamul goboleedka puntland aas aasay una
suurta geliyay in ay noqdaan deegaano lagu noolaado,taasoo maanta weli magacoodii caan ku yahay ,meelahaas oo ay kamid yihiin sida gobolada Bari,Nugaal iyo Mudug.
Hadaba gobola Nugaal maalmihii lasoo dhaafay waxa kadhacay arimo aanan ka fileyn Isim Isimada kamid ah sida fiican looga yaqaan maamulka puntland.
oo ku dhaqaaqay faragalin howlo uusan shaqo kulahayn,arintaas oo ah faragalin si toos ah loogu sameeyay kursigii beesha Meheri ay ku lahayd Gobolka
Nugaal taasoo si toos ah loogu wareejiyay Beel kale.

Waxay Beesha Meheri ku noqotay wax lala yaabo oo ah fajac weyn,waana arin dulmi wen ah,waxayna kamid tahay waxyaalaha laga hantay dowlad iyo sharci la,aanta ka jirta soomaaliya kadib markii dowladii soomaaliyeed ay burburtay mudo laga joogo 18 sano iyo kabadan,maanta waxay gaartay in uu Isim kamid ah
Isimada soomaaliyeed uu yiraahdo gobolkaan cid aan aniga ahayn oo cid ka magacaabi kara ma jiro,taasu waxay ku tusaysaa halka maanta ay ka marayso cadaalada darada,dulmiga eexda iyo qadarin la,aanta daris wadaagta.

waxaan u sheegaynaa reer puntland in aysan ahayn markii ugu horeysay oo beesha Meheri kursi ay lahayd laga duudsiiyay sabab la,aan.

Sidaas awgeed waxaan Isimada reer puntland ku wargalinaynaa in ay wax ka qabtaan cadaalad darada lagula kacaayo beesha Meheri,sidoo kale waxaan madxweynaha maamul goboleedka puntland ka codsanaynaa in uu arintaasi si qoto dheer leh u fiiryooo cadaalad iyo sinaan wax ugu qabto maxaa yeelay
hadii xildhibaanada baarlamaanka lagu soo xulay cadaalad daro iyo eex waxay noqonayaan wax Baadil ah,wax baadil ahna hadii madaxweyne lagu soo doorto waxaa kasoo baxaya madaxweyne baadil ah.

Sidaas awgeed waxaan mar labaad ugu baaqeynaa Isimada iyo Madaxweynaha cusub in ay arintaas si qoto dheer oga fiirsadaan, maxaa yeelay barnaamijkii
ay soo bandhigeen musharixiinta ayaa hal ku dhigeedu ahaa sinaan iyo cadaalad baan ku soo dabaalaynaa puntland.

Waxaan dhamaan hay,adaha garsoorka ka codsanaynaa in aysan indhaha ka qarsan dulmiga iyo cadaalad daradda lagula kacaayo Beesha Meheriga oo xuquuqdoodii lagu tuntay,talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadaan arintaas,anagoo aaminsan in ay kudayan doonaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Waxaan dhamaan Beelaha aanu walaalaha nahay ee reer puntland u sheegaynaa in Beesha Meheri aysan cidna marti u ahayn Deegaanka Nugaal,cidkasta oo doonaysa in ay ka faaiidaysato nadaam iyo sharci daro kajirta dalka aan laga aqbali doonin.
Sidoo kale waxaan shacbiga reer puntland u sheegaynaa in puntland aas aaskeeda uu kayimid fikirka ay u dhan yihiin dhamaan qabiilada degaanka puntland,cidkasta oo latimaada hanwayni, afduub iyo ku tagrifal wax aysan lahayn in aan laga aqbali doonin .waxaana aad aad uga xunahay arinta ka dhacday Nugaal waana horjeednaa gebi ahaanba.

wabilaahi Towfiiq

Oslo,NORWAY

abdiaziz6@hotmail.com

GUD :Abdikadir Noor Farah
Eng:Yasin Haji Musse
Said Ahmed mohamud(saciid carabduur)
Jamac Abdulle ismail (jamac cilaal)
Abdiaziz Abdullahi Shire

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS