SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Banaanbax looga soo horjeedo Gumaadka GAZZA oo ka dhacay Caasimada Dalka Koonfur Afrika Ee Pretoria.

Dadweyne gaaraya kumanaan kun oo qof ayaa maanta isugu soo ban-baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada caasimada u ah dalkaani koonfur afrika ee Pretoria kuwaas oo looga Soo horjeeday Duqaymaha Ay Yuhuudu ka wadaan Marinka GAZZA.

Dadweynaha banaanbaxayaasha ah oo inta ugu badan ahaa dadka wadankaan u dhashey ee Koonfur Afrika iyo kuwo kale oo aad u fara badan ayaa Maanta Salaadii Jimce ka dib isugu soo ban-baxay Safarada Masaarida ay ku taala Magaalada Pretoria, iyadoo amaanka safarada ay si weyn loo sugayay iyo waliba wadooyinka soo gala safarada lagu firdhiyay cidamo boolis ah oo si weyn u fiijignaa, sidoo kale Safaarada wadanka maraykanka ee ku Taala magaalada Pretoria ayaa la sheegey in Iridaha la Isugu Dhuftay sababo lala xariiriyey xaga amaanka ayna codsatey safarada inaysan ka dhicin wax mudahaarad ah safarada horteeda.

Banaanbax oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa waxaa soo wada abaabuley golaha Majmaca Culimada Islaamka ee dalkaani Koonfur afrika, Ururada Dhalinyarada iyo kuwa u dooda bulshada Rayidka iyo xaquuqda insaaka ee Wadankaani Koonfur afrika oo looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta baaxada leh ee ay Ciidamada Gumeystaha Yahuudo kula kacayaan shacabka reer falastiin, dhamaan Shacabka waynaha Reer Koonfur Afrika si kala har aan lahayn ayay uga qayb qateen guud ahaan dalka oo dhan gaar ahaan shacabka ku nool Magaalada Johannesbrug.

Dadkan banaanbaxayaasha ah oo aad u farabadan ayaa socod ka soo bilaabay faras magaalaha Caasimada Wadankaani koonfur afrika ee Pretoria, waxayna Wateen Boorar ay ku qoranyihiin erayo lidi ku ah Xukuumadaha Yuhuuda, Maraykanka iyo masaarida,Waxayna dadkaani ku dhawaaqayeen in ay joojiso xasuuqa ay ka wado dawlada yahuuda xasuuqaas oo xadkiisa dhaafay oo ay yahuudu ka wadaan marinka GAZZA, xasuqaas oo ku dhawaad kun ruux oo u badan caruur iyo haween lagu dilay dhowr kun oo kalana lagu dhaawacay, sidoo kalana kumanaan kale lagu bara kiciyay.

Banaanbaxaan ayaa ah kii labaad oo noociisa oo kale la dhigo,waxay ahayd uun usbuucii hore ayay ahayd markii dadwayne gaaraya Kumaan kun ay isugu soo baxeen Ka soo horjeedka Xafiiska Qunsulka Maraykanka U fadhiya Magalaada Johannesbrug ee dalkaani koonfur afrika, mana ahan oo kaliya inuu ka dhacay maanta banaanbaxaani magalaada Pretoria, balse sidoo kale waxaa xusid mudan inuu ka dhacay Magaalooyinka wayweyn ee wadankaani koonfur afrika sida Cape Twn, Durban, Iyo Port Elizabath halkaasoo ay dadkii banaanbaxayaasha ka muujiyeen dareenkooda ku aadan Gumaadka lagu hayo Reer GAZZA.

Sidoo kale Ururka Ganacsatada wadankani koonfur afrika ayaa usbuucan dhaxdiisa ku baaqey in gabi ahaan la qaadaco shirkadaha Yahuuda ee ka howl gala dalkaani Koonfurta Afrika, looguna baaqey dowlada Koonfur Afrika in ay dalkeeda ka eriso safiirka Israa`iil u fadhiya dalkaani.

Dibed baxayaashan ayaa waxa ay ku gubeen calamada Yuhuuda iyo midka maraykanka , iyo sawirka Madaxwaynaha Masaarida, iyadoona halkaasi lagu arkayay dadka oo si caro leh ugu joog joogsanayay calamadan oo gubanaya kuna dhawaaqayay Israa'iil ha dhacdo,Bush ha dhaco, amerika ha dhacdo, GAZZANA ha guuleysato.Falastiin ha xarowdo iyo erayo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Dadkii halkasi ka hadlay waxaay dhamaantoo isku raacaan inaysan ahayn wax loo dulqaadan karo ahayn inuu caalamku ka aamusao gumaadka ka dhacayo GAZZA misana la leeyahay wa inay joojisaa xamaas weerarada ay ku hayso yahuuda.

Si kastaba ha ahaatee banaanbaxaan aya daba socda banaanbaxyo dalka oo dhan ka dhacaya oo dhamaantood looga soo horjeedo gumaadka ay dawlada yahuudu ku heyso Reer GAZZA,iyadoo dadkii maanta banaanbaxayay ay dhamaantood muujiyaya sida ay uga xunyihiin gumaadka reer Falastiin lagu hayo, iyo qaabka ay wadamada aduunka iyo Qaramada Midoobay ay ugu fiirsanayaan Dawlada Yahuuda,waxana ay dhamaantood maanta si wada jir ah ugu duceeyeen in uu dhibaatada iyo gumaysiga ka dul qaado illaahay walaalaha reer falastiin gaar ahaan dadka lagu xasuuqayo Magaalada GAZZA, iyadoo la wada ogyahay wadamada islaamku inuu ka badin la yahay inuu indhaha ka fiirsado xasuuqa lagu hayo Reer GAZZA.

Mohamed Ismail

mismacil@live.co.za

Pretoria

South Africa

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS