SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Damaca Itoobiya iyo Dareen habawga Soomaalida

Kolka hore waxaan salamaya umada Soomaaliyeed inteeda wanaaga iyo Soomaalinimada jecel guud ahaan waxaanan Ilahay ka rajaynayaa in uu umada Soomaaliyeed meel ay joogtaba dhibka ka saaro una soo celiyo haybadii iyo sumcadii ay dunida ku lahaayeen,ha ahaato Soomalida Ogaadeenya lagu dulaynayo ama ahaato tii xorta ahaan jirtay oo aan maanta wax badan ku dhaamin kuwii gumaysiga ku hoos jiray.Intaa dabadeed waxaa maanta ii suntan Maqaalkan aan ugu wan qalay Damaca Itoobiya iyo Dareen habawga Soomaalida,
Waxaanan gogol uga dhiagyaa bal in aan ifiyo aqoonta aan u leeyahay gumaysiga Itoobiya, xadgudubka aan kala go'a lahayn ee uu ku hayo shacbka Ogaadeenya iyo sida uu aniag ii saameeyay.

Waxaan ka mid ahay da'da lagu anqariyay khadhaadhka gumaysiga iyo colaada raagtay ee joogtada ah ee ka dhalatay Damaca Abasiiniyiinta boobka iyo boolyashada ku caan baxay iyo Shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo waligood diidan in ay ogolaadaan muquunsiga, waxaan ka mid ahay dadka ku hadal bartay erayo ka dhan ah dulmiga iyo awood sheegashada oo muujinaya diidmo iyo go'aan qaadasho aan xornimo mooyee jawaab kale loo haynin waxaan ku garaad iyo caqli yeeshay mayd goglan iyo dhiig sida laagaha u duraabaya waxaa maskaxdayda ka buuxda xusuu aan marnaba iga maydhmin oo dul taagan dhacdooyin xanuun badan igu reebay oo isugu jira kuwo aan u soo joogay iyo kuwo aan taariikh ahaan u dhaxlay, dhacdooyinkaas oo qaarkood ay ka dhaceen Soomaalida dhexdeeda waxay igu leeyhihiin saamayn aan la qiyaasi karin waxaana daqiiqad walba i danqata boog aan bogsanin oo ila da'ah.

Sidaas awgeed maankayga iyo uurkayga kama baxo ku hamiga iyo baadi goobka aan ugu jiro in xal waara loo helo arimaha aan ka sheekeeyay ee raadka weyna igu leh waxaa ubaal ah in ay dadbadani ila qabaan u hanqal taaga iyo ku hawlanaanta sidii loo gaadhi lahaa madasha gobanimada waxaan iyana igu fududayn oo igu culus kudhaadashada jinsiga Soomaaliga ah gaar ahaan inta ila aragtida ah waana dhab in aan aad u jeclahay midnimo iyo wada jir Soomaali oo dhan ay wadaagto waxaanan si aad ah ugu hanweynahay in uu rabitaankaygu guulaysan doono Insha allaah,sidoo kale waxaan jeclahay in ay dadyawga Geeska Afrika ku dhaqani wadaagaan dariswanaag nabad iyo horumar iyadoo qolo waliba si xor ah aayaheeda ugu madax banaantahay laysna xaq dhawrayo.

Waxaan si kooban u guud maray una muujiyay sooyaalkayga nolosha adag u badan waanan garwaaqsanahay in ay waajib igu tahay in aan Illahay ku mahadiyo,waxaan liqayaa wax badan oo aan nolashayad kula kulmay iyo waxa laabtayda ka hugmaya waxaanan ogahay waxbadan oo aan jeclahay in uu ay dad badani tabayaan hortayna looga dhaartay dadbadan oo ay labada waalid ee aniga i dhalay iyo labadoodii waalid ka mid yihiin oo intuba sidayda oo kale aysan ku caano dhamin nolosha caadiiga ah oo ay dadku si iskumid ah ugu baahanyihiin waxaana shacabka Ogaadeenya laga xayuubiyay xoriyada ay xaqa u leeyihiin ee lala soo dhasho llahayna uu Aadamaha gudoonsiiyay iyadoon cidna cid looga wakiil dhigin.

Arimahani waxay qasab ka dhigeen in loo hawl galo ka gun gaadhsita yoolka looga guurayo noloshan xaalufka iyo oolinka ah ee ay la dariska yihiin shacbka Ogaadeenya waxaana si xidhiidh ah u socda halgan hubaysan oo lagu doonayo xoriyada ay Ogaadeenya u oomantahay wuxuuna weerar iyo difaac u dhexeeyaa Isticmaarka dhiigyacabnimada ku barbaaray oo haysta gardaro kalkaalyo dulmiga ugu garbeeya iyo diidmo qayaxan oo ay kala hor jeedaan jiilal kala dambeeyay oo ka soo dhex baxay shacabka lihiinta iyo tayada badan ee Ogaadeenya isuna qori dhiibay waxaana ilaa eegga socda halgan soo jireen ah oo aan wax xoriyad kayar ku hakanaynin.

Sida taariikhda laga bartay gumaysigu wuxuu leeyahay u jeedo fog oo uu marwalba cusboonaysiiyo wuxuu ku dadaalaa in uu dayr ku wareejiyo damaciisa iyo laacdin dheeridiisa wuxuuuna bulashada uu gumaysto u kala sameeyaa qoqobe uu ku kala ilaaliyo kuna kala qaybiyo maskaxdooda, maalkooda iyo muruqooda wuxuuna kala dagaalamaa in ay xoogooda mideeyaan kadibna ay iskaga faydaan xanuunka, dulmiga iyo boobka uu ku hayo bulshada uu ka dul baxaay.

Geeska Afrika qalalaasha ka bixi waayay waxaa la ogyahay in aan Itoobiya lala wadaagin waxaa kale oo xaqiiqo ah in aysan maranba ka qancaynin yoolkeeda in loo awood sheegto mooyee,damaca waalan iyo hungiriga aan indhuhu la soconin waa wax ay Itoobiyaanku ka simanyihiin oo ay dhaqan u leeyihiin sikasta oo ay qoomiyado kala jaad jaad ah u yihiin isuna neceb yihiina waxay ka midaysanyihiin dhul boobka kamana dhargaan dhiiga dadka doonistooduna kuma eka dhulka ay gumaystaan ee Ogaadeenya waxayna aaminasnyihiin in ay iyagu asal ahaan leeyihin gabi ahaanba dhulka Soomaalidu dagto waligoodna way ku taamayeen in ay calankooda ka taagaan wayna u rumawday riyadii mudada dheer ay naawilayeen Soomaali oo dhana waxaa maseeyay isku sina u bah dilaya askar Tigeer ah oo aan xabada iyo kutumashada xuquuqda mooyee caqli kale lahayn.

Isticmaarku sida la ogyahay umada uu gumaysto wuxuu ku beeraa fikirkiisa waxaana xambaara kuwo uu ku rabaystay khidadiisa iyo xeeshiisa u aasan una laylaymay oo uu dhiigooda xulay iyaguna isu haysta in ay sidii caadiga ahayd u fikirayaan waxayna u sahlaan in uu darbi walba ku jabiyo iygaoo marwalba dadkooda u looga waraabaha waxna aan ula hadhin oo dabada iska maray aakhirkana wuxuu abaal uga dhigaa in uu gawraco ama uu god ku rido,gumaysigu marka uu gacanayrihiisa sidaas u bahdilo ee uu meel ku hubsado maxaa xiga?

Mar haday cadaatay in uusan gumaysigu quusanin ilaa laga gaadhayo xiliga ay awoodiisu ku egtahay waxaa u dajisan qorsheyaal aan gabidhac lahayn oo xidhiidh ah wuxuuna cosobsadaa kolba adeege uu ka astaystay bulshada uu gumaysto oo uu ku badalo kii uu horey u dilooday inta uu kani u raranyahayna wuxuu sii sahamiyaa kii uu ku badali lahaa balse qaababka uu wax u kasbado ma aha wax mutaxan oo lawada fahmi karo wuxuuna ku dhex qarsoonyahay qoqobaha iyo xayndaabka uu ku kala ooday dareenka dadka uu gumaysto,

Hadaba inta uu dulmi jiro waxaa jira diidmo diidmadaasna waxaa ka dhasha sidaan xusay halagnka hubaysan ee dhulka Ogadeenya ka socday mudada dheer in ay guushiisu raagto qadarta eebbe ka sokow waxaa sabab u ah Dareen Habawga aan kor ku sheegay oo ay soomaalidu ka midaysantahay waxaana kow ka ah iyadoon fursad la siinin inta isu xil qaantay in ay dhiigooda umada gobanimo ugu iibiyaan dhanqaryna aan laga daynin.

Sidaas si lamid ah ayaa ka muuqata kacdoonki Soomaaliya ka bilowda kadib markay Itoobiyaanka damacooda la jiidheen Jamhuuriyadii xorta ahayd iyagoo kaashanaya siyaasiyiinta dareen hawabwsan waxaana cad inuu cadawgu adeegsanayo tabwalba oo uu ku furfurayo xoogaga ka soo horjeeda arintan oo ka mid ah midhaha gumaysigu uu beertay ee cimrigiisa sii dheeraya ayaa aha fursada ugu weyn uguna qaalisan ee ay umada la gumaystaayi cadawgeeda siiso, wakhtigii ay ahayd in cadawga lagu wajaho waxaa lagu lumiyaa is garab orod iyo eedayn lala dabo taaganyahay cidii in wax walaba lagu taageero gol duleelo kasta oo ay leeyihiina la qariyo mudnayd dadka sidaas yeelaya badan koodna siday ila tahay qasdigoodu waa in ay wax wanaajiyaan balse xiligan adag waxay umadu kaga bixi kartaa in dhaliil kasta oo jirta lagu qiimeeyo duruufta iyo waaqica.

Waxaa ii muuqda dhib Soomaalida dhamaanteed taabtay oo guri walba gaadhay hadaad u fiirsato dhulalka ay Soomaalidu dagto waxaad dareemaysaa sida ay dadkani isa sudhanta u yihiin,tusaale Soomaalida Ogaadeenya waxaa mudo dheer haystay gumaysiga guunka ah ee aan arxan u galaynin Jamhuuriyadii Soomaaliya waxay burbursantahay ku dhawaad 20 sano Jabuuti iyo NFD waxa ku haawaday garabkoodii ay ka dugsanayeen cadaw iyo nacaba waxaa ku soo banaanaaday tusmadii Qaranka Soomaaliyyeed kaga gufaysnaa waxayna la daalaa dhacayaan qaxoontiga alanba'a ah ee soo miciin bidaya waxaa intaas u dheer dadaalada ay ugaleen in mar uun dib loo soo celiyo Soomaalinimadii garab laanata ay ka baxaan iyo sida aysan waanadu ugu duxaynin dadka Soomaaliyeed ee ay dawlad la'aantu caadiga la noqotay.

Waxaakale oo murugo leh dhalinta maalin iyo habeen ku le'anaysa badweynta iyagoo hortooda isaga dhaqaayaya kolkay waayeen wax kale oo ay nafta ku maaweeliyaan iskuna biimeeyay meel ay og yihiin khatarta ay kala kulmayaan sidoo kale Soomaalida qurbaha ku butaacday waxay kala kulmeen dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo ruuxii dheehdaa uu qalbi jab ka qaadayo.

Intaasoo xaaladood oo ay sii dheertahay barokicinta, kufsiga, gawraca, iyo boobka hantidooda oo ay Soomaalida Ogaadeenya kali ku hayeen ayay hada lawadaagaan in badan oo kamid ah Soomaalidii xorta ahaan jirtay.arimahan aan sheegay oo ay kawada dhalanayso uur ku taalo aan damiirku is ilowsiin karin dadka Soomaaliyeed badankood way danqaysaa balse waxyar oo aan macno badan ku fadhiyin ayaa ku gudban lagana hor marinayaa xalkii umadan lagu bad baadin lahaa waana meeshaas meesha la dhaafi la'yahay ee aan u idhi Dareen Habaw bal u fiirso Siyaasiyiinta,Culimada Aqoonyahanka iyo Hogaamiyeyaasha dhaqanka oo intuba ah meeshii masiirku ka unkami lahaa waxay mashquul ku wada yihiin dhaliil aan ahadan la asxaynin mana jiro mid midka kale u tanaasuli kara.

Waxaan ugu dambaysiinayaa cod dheerna aan ku lalinayaa Soomaaliyeey Itoobiya waa inoo cadaw inoo nacab inama kala jecla waxaana ka go;an in Soomaaliya iyo Ogaadeenya ay noqdaan kililka 5aad iyo 6aad tabari meel ay dhigtaba ku talagalka Itoobiya waa sidaas oo la hubo haday taag weydana xeelad ayay isticmaali oo marnaba laagma sugayo inta ay dadka Soomaaliyeed sidan u yaalaan in ay faraha kala baxdo waxayna maanta ku hawalnathay in ay samaysmaan kooxo magacyo badan wata oo marka dambe u xuubsiibta qabiil qabiil iyo in dib loogu noqdo 1991 waxaan u malaynayaa in arintaas laga wada dharagsanyahay balse uu Dareenku habawsanyahay oo uu dhinac kale u fikirayo .

Haliimo Ibrahim kamaydho@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS