SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

KU:DHAMAAN SHACABKA REER PUNTLAND
GAR'AHAN: ISIMADA/ WAXGARADKA/ AQOON
YAHADANA EE PUNTLAND


UJEEDDO: XADGUDUBKA LOO GEYSTAY BEESHA MAHERI ISMACIIL

Anigoo ku hadlaya Magaca Dhalinta Beesha Maheri Ismaciil ahna Afhayeenkooda kuna sugan Wadanka Kenya Qasatan Gobolka Reft Valley, waxan cabareenaya Isimada, Xukuumada, iyo Gudiga Khilafaadka Doorashada Puntland oo iska dhaga tiray Baaqyada ka soo baxaya Beesha Maheri Ismaciil iyo Beesha Reer Cumar oo ah Beelo daga Gobolka Nugaal oo si cad oo geed magabato ah looga qaaday kuraas toodi loona siiyey Beelo kuraas ku laha Maamulka loogu kordhiyey taasi waxan oranaya maahan waxa ay aqbali doonto Beesha maheri ilaa ay hesho Kur sigeedi Gobolka Nugaal

Waxa nasiib daro ah Baaqyadii ka soo baxay Beesha wilina aysan helin wax jawaab ah oo ka imaanaya Isimada, iyo Godiga Khilafaadka Doorashada Puntland

1. Axdiga u dagsan Maamulka Puntland waxa uu sheegaya in lugu dhisay Puntland qaab Beeleed, Beel Beel kale in aysan fara galin ayadoo wax lugu qeybsaday qaab Beleed

2. Labadii Doorasho ee ka dhacday Puntland waxa lugu qeybsaday qaabka uu qabo Axdiga majiraan wax laga badalay oo hada ay ku wayeen Beesha Maheri Ismaciil Ku sigeedi.

3. Isimahada Reer puntland waxa lugu yaqanay in ay ahayeen dad ka dhowrsan Dulmiga kana nahdan in lugu xadgudbo xaquuq ay leedahay Beel kale lakinse tani waxa ay noqotay mid nasiib daro ah markii ay wax ka qaban wayeen


4. Beesha Maheri waxa lugu yaqana Nabad, Daris wanaag, Dulmi la'aan wilina waxa ay ku taagan tahay sideedi hore ayadoo wada, wada hadalo ay u soo jeedinayso Shacabka Reer Puntland in ay ilgaar ah ku fiiriyaan arinkaan foosha xun, wili Isimahada, Odayaasha, Nabadoonada, aqoon yahanada, waa in ay wax ka qabtaan

5. Inta ay helayso Beesha Maheri Ismaciil Hursigeeda ma aqoonsana Maamulka hada lugu dhawaqay inta ay helayso Xaquuqdeedi.

Baaq

Hadii aan wax laga qaban oo aan lafaragalin Xadgudubka loo geystay Beesha Maheri Raali galina laga siin waxa la gudboon in ay tilaabo kasta ay qaadi doonto

Waxan usoo jeedinaya in Xumnaha hada ka qeeb galay Barlamaanka ay ku leedahay ay dib iskaga Baxaan, hadii ay ku dhaga adkaystaan ma matalaan Beesha Maheri inta ay helayso Xaquuqdeedi sida gardarada ah looga qaaday.

Afhayeenka Dhalinyarada Beesha Maheri Ismaciil oo ku sugan wadanka Kenya qasatan Gobolka Reft Valley Caasumadiisa Eldoret

Eng. Mohamed Ali Maslah
Mohalimaslah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS