SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Doorashada madaxweynaha Puntland, ee daaha gadaashiisa ah.

Waxay ahayd doorasho lagu dooranayay madaxweyne cusub oo uu yeesho maamulka goboleedka Puntland. Hase yeeshee waxay ahayd mid daaha gadaashiis ah oo aanan la garanayn waxa ka dambeeyey.

wax noqon lahaa hardan siyaasadeed oo si weyn loogu hardamo ayaa kusoo gabogaboobey si layaab leh oo aan marnaba la filleyn.

Waxa dadka ka yaabiyey waxay ahaayeen Cadde Muuse oo wareegii hore aanan kasoo gudbin, sidaasina ku lumiyey kursigiisii, isla markaasina aqbalay natiijada, halka musharixiinta, gaar ahaan ninkii wareegii ugu dambeeyey soo gaaray uu aqbalay natiijada.

Wallow doorashadani ay ahayd tii ugu heerka saraysay dalka oo loo fasaxi lahaa kormeerayaal iyo saxaafada ayaa hadane la goostey in daaha gadaashiisa lagu maamulo, taasoo keentey shakiga ah in wax isdaba marin ay timid.

Saansaanta jirta marka dhinac kasta laga eego waxaa si cad u muuqanaysa in natiijada la ogaa inta aaban la guda galin doorashada, taasoo micnaheedu yahay in banaanka lagu soo dhameeyey arrimaha.

Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegaya in Cadde Muuse uu kol horaba ka tanaasuley xilka balse uu doorashada isu taagay si uu u quusiyo musharxiinta laga yaabo in ay natiijada dafiraan.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ahaa kormeeraha kaliya ee fadhiyey gudaha meesha wax lagu dooranayay, dabcana wuxuu ahaa ninka fiidsoohay natiijada oo saameynta ugu weyn lahaa.

Siyaasada Puntland oo halka qadka ka xariiqo ay tahay amuuraha qabiilka iyo hadba sida loo kala murqo roonyahay ayaa lagdanku uusan ka marneyn dublumaasiyad iyo aragtiyo isbadal doon ah oo musharixiinta ay la yimaadeen, taasoo dadka qaar ay ku sheegeen in Puntland ay usii durqeyso dhankii dimoqoraadiyada maldahan ee codka lagu kala baxo.

Cabdikariim Faroole markii la doortey kadib wuxuu sheegey in midnimada Soomaaliya uu taageerayo, hadalkaasi wuxuu ahaa mid dad baddan neef kasoo saaray waayo waxaa la filayay in Puntland ay u dhaqaaqday dhanka gooni isu taaga sida Somaliland oo kale, hase yeeshee Faroole wuxuu ku baaqay in goblada Dhexe iyo kuwa koonfurta qaarkood ay sameystaan maamul goboleedyo si buu yiri loo sahlo qaran Soomaaliyeed oo la askumo, taasina waa astaan muujineysa sida Puntland ay ola dhacsantahay nidaamnka Federaalka oo ay dadbadani dhaliilayaan balse ma jirto dooq kale oo iminka furan.

Isbadalkani cusub ee Punland ka dhacay wallow wajiyo cusub iyo jiho cusub uu leeyahay hadane marnaba ka marnaan doono siyaasadihii hore iyo ku xirnaantii Ethiopia.

Faroole si uu u dajiyo xaaladaha kacsan ee Puntland wuxuu u baahanyahay in uu ka fiirsado ereybixinta marka uu ka hadlayo xoogaga kacdoonka shacabka ee koonfurta ka dagaalamaya, Puntland-na dhaqdhaqaaqyo iyo saldhigyada ku leh.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo) Faalo Qore

saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS