SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

2824 13th Ave S.Minneapolis, MN 55407  Website: www.imaams.com

Tel: 612-644-5570. Fax: 612-436-0259     E-mail: somimams@yahoo.com

Shirkii Golaha Imaamyada waqooyiga America oo ku soo dhamaaday Guul

Jan2-Jan 4, 2009

Golaha imaamyada ee masaajida waqooyiga Maraykanka oo la aasaasay sanadkii 2001 waxaa ku midoobay in ka badan 15 masaajid oo ku yaala gobolada kala duwan ee wadankan mareykanka iyadoo looga gol lahaa inay iska kaalmaystaan khidmada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Mareykanka. Iyadoo ay kuu guulaysteen inay dhisaan masaajido iyo xarumo badan oo Islaami ah taas oo ah mid ka mid ah ujeedooyinkii ugu waaweynaa ee loo aasaasay golaha isutaga masaajida.

Kulankan oo sanadkan ka dhacay magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa waxaa martigeliyey masaajidka Ibnu taymiyah oo si diiran usoo dhaweeyey culimadii iyo xubnihii ka kala socday maamulada Masaajida kala duwan iyadoo ay shirka garab socotey muxaadaraat iyo baraarujin diini ah oo ay ku diirsadeen muslimiinta ku nool gobolka.

Golaha ayaa falnqayn dheer kadib soo saaray qodobadan:

Goluhu wuxuu isku raacay in dardar lageliyo korna loo qaado dacwada lana adeegsado habab kala duwan sida in lafuro macaahid cilmi ah, in la soo saaro manshuuraat, in la dhiso website-yo laga baran karo manhajka saxda ah  iyo in la adeegsado luqadaha kala duwan. Sidoo kale waxaa la dhiiri geliyey in barnaamij dacwo loo sameeyo dadka aan muslimka ahayn.

In lahaqab tiro baahiyaha kala duwan ee ka jira gobolada qaarkood sida in loo helo imaamyo iyo in la dhameystiro maraakizta qabyada ah ee u baahan dhameystirka. Iyo in maraakizta ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulsho weynta maraykanka.

In la sameeyo barnaamijyo dacwo oo ku aadan dhalinta da’da yar si loo hubiyo inay kabadbaadaan dhibaatooyinka bulsho ee ku soo wajaha wadankan  sida barashada daroogada, ku biirida kooxaha xumaanta iyo xadgudubka “Gangs” iyo waliba in laga ilaaliyo qaadashada afkaaraha khaldan ee diinta loo tiiriyo.

Goluhu wuxuu si buuxda u cadeynayaa in isqarxinta iyo falalka argagixisadu ay ku tahay xaaraam diinta Islaamka. Sidoo kale wuxuu goluhu kasoo horjeedaa fikradaha iyo falalka xag jireenka ah taas oo wax u dhimaysa magaca iyo sharafta diinta Islaamka islamarkaana saamayn weyn ku yeelan karta bulshada muslimka ah.

Goluhu wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa bulshada muslimka ah ee Soomaaliyeed inay sii wadaan la qabsashada degaankooda cusub ee wadankan mareykanka iyagoo ku dadaalaya dhaqan wanaaga iyo darisnimada ay boorisay diinta Islaamku. Goluhu wuxuu utaagan yahay u adeegida bulshada Soomaaliyeed iyo horumarinta danaha bulshada Soomaliyeed ee muslimka ah.

Goluhu wuxuu ugu dambeyntii u dardaarmayaa bulshada soomaaliyeed inay ilaahay u soo noqdaan kuna toosnaadaan wadada toosan ee islaamka, kana fogaadaan wax kasta oo wax udhimaya midnimadooda dhaawacayana magacooda iyo jiritaankooda sida qabyaalada iyo danaysiga shakhsiyadeed  anagoo xasuusanayna hadalkii suubanaha nabadgelyo iyo naxariis korkiisa Alle ha yeelee

“ Ninkuu camalkiisu dib dhigo, nasabkiisu ma hormariyo.”

Xoghaya Guud ee Golaha Imaamyada/ Sh. Abdullahi Abulfadli

Tel: 612-644-5570. Fax: 612-436-0259     E-mail: somimams@yahoo.com


 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS