SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Gudi Soo Qeymeeyo Burburka Baaxada leh ee Soo gaaray 23 Buundo oo ku Yaal Inta u dhaxeysa Baladweyne Ilaa Garisaani oo ku taliyay in si deg deg ah wax loga qabto ka hor xili Roobedka

Sawirada Buundooyinka burbursan ka daawo halkan

Gudigan Qeymeynta ku soo sameyay Buundooyinka ugu daran ee uu Burburka soo gaaray ayaa waxaa hogaaminayay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaask Khaliif Ugaas Rooble waxaana ka Mid ah Ganaacsato Duqow dhaqameed Iyo Injinerka aqoontiisa ugu deeqay dhismaha wadooyinka iyo Buudooyinka Burbursan ee Gobalka Hiiran Cali Xaaji Shirwac .

Buundooyinka la soo qeymeyay ee 23 ka ayaa ah kuwa ugu daran ee burburka uu soo gaaray kuwaas oo xiliyada qaar sababa in ay gaadiidka xamuulka qaaday ay ka dhacaan dadna ay ku dhintaan.

Waxaana ku jira buundooyin ay si aad ah u burburiyeen Tangiyada Ciidamada Ethiopia xiligii ay soo galayeen dalka 2006-da dabayaaqadeeda, Buundooyinkaan ayaa mkuwo si aad ah ugu baahan in lagu sameeyo dayir balaaran, si wax looga qabto burburkaasi ayay gudigaan isku xilsaareen dayactir in loo helo wadooyinkaan.

Waxaa ay sidoo kale Gudiga uu horkacayay Ugaas Cabdiraxmaan ay la kulmeen Odayaasha Tuuloyinka ku teedsan wadada laamiga sida Baar dheere Beer Xaano Teri Janto Nuur Fanax Iyo Garasiyaani waxaana dhamaan ay ka Codsaneed in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadada halbowlaha u ah Isu socodka Gobalada Waqooyi Iyo Koonfurta Somaliya waxaana ay u balanqaadeen in ay Ugaaska iyo Ekhyaartii kale ee la socotay ay la garab istaagayaan hiil iyo hooba .

Safarka Qeymeynta ah oo lagu soo ogaanayay baaxada uu la egyahay burburka soo gaaray Buundooyinka faraha badan eek u yaal wadada dhexmarta Gobalka Hiiran ayaa ku soo aadeysa xili laba cisho ka hor xariga laga jaray qeybtii u horeysay wado dherirkeedu dhanyahay 400 Mitir oo ay dayactireen gudiga gaadiidleyda Gobalka Hiiran.

Darawalada Gaadiidka ku safra wadooyinkaasi ayaa sheegay inay talaabadaan tahay mid si weyn ay u soo dhaweynayaan, waxeyna carabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay Bulshada kuwada dhaqan Gobolka Hiiraan ay u guntadaan sidii wadooyinkaasi loo samayn lahaay.

Howlahaan dayirka loogu samaynaayo wadooyinkaan ayay Bulshada ku dhaqan Gobolkaasi si weyn us oo dhaweeyeen, waxeyna amaan u soo jeediyeen gudigii isku howlay in wax laga qabto dhisida wadadaasi oo ay sheegeen inay qabteen howlo baaxad leh oo raali laga wada yahay.

Dhinaca kale waa markii ugu horaysay howshaan oo kale laga qabto wadooyinka bur bursa nee Gobolka Hiiraan, waxeyna dadka ku safra wadadaasi cadeeyeen in halkaasi ay ku rogmadeen gawaari fara badan oo sababay inay ka soo gaarto qasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laba Booqol iyo sideetan ruux oo ku nool Degmadda shangaani oo maanta loo qeybiyay deeq lacageed oo dhan 1000. US$ Doolar.

Sawirada deeqda halkan ka daawo...

Deeq Lacageed oo ay soo direen Jaaliyadaha Banaadiriga ah ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Swiserland oo ay ka wakiil ahaayeen Muxsiniinta kala ah shariif Axmed shiinno, Cabdulqaadir Shiiqay iyo Axmed Shaamoow ayaa maanta loo qeeybiyay dad gaaraaya laba boqol iyo sideetan ruux oo ku nool Degmadda shangaani ee Magaaladda Muqdisho kuwaasi oo isugu jiray qoysas faqiir ah iyo kuwo ay xaaladoodda caafimaad ay aheyd mid liidato.

Xubnahaan soo gaarsiiyay Qooysaskaas ku nool degmadda shangaani ayaa waxay u soo wakiisheen Xildhibaan Caamir Axmed Maxamed Shakeyti, ayaa waxaa loogu qaybiyay si cadaalad ku jirto, iyadoo qooskasta ay u gaartay lacag u dhiganta 4$ doolar qooskiiba.

Munaasbadaan oo ka dhacday Xarunta dugsiga shariif Qulateeyn ee degmadda Shangaani ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno isugu jiray Odoyaasha Dhaqanka ee Beesha Banaadiriga iyo Qaar ka mid ah Haweeynka iyo Dhalinyaradda Degmadaasi.

Xildhibaan Caamir Jakeeti oo ka hadlay Munaasabadaasi lagu gudoonsiinaayay deeqdaasi lacageed ayaa u sheegay qooysaskii ka soo qeyb galay in ay lacagtaan u soo direen walalahoodda Reer Shangaani eek u dhaqan dalalka Imaaraadka, Ingiriiska iyo Swaserland wuxuuna sheegay in loogu talagalay in qoys kasta ay gaarto oo ku nool degmadda Shangaani, waayo ayuu yiri Reer Shangaani Dawladi wax ma siiso, Hay’addo sidoo kale wax masiiyaan waxay wax ka sugaan Ilaah, ka sukow waa walalahoodda reer Banaadiriga ee ka soo jeedda degmadaasi Shangaani .

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyinka ka jira degmadaasi sida caafimaadka, waxbarashadda iyo guud ahaan arimaha bulshadda oo uu sheegay in aysan jiin wax cusbitaal ah oo ka furan degmadaasi marka laga reebo hal MCH oo ay Dawladda federalka ah ka furtay, balse aanan wax daawo ah aaneysan oolin, sidaas darted dadka ma waxaa lagu daaweynayaa waa la furay oo kaliya, taasi suurtagal ma noqomeyso ayuu yiri Xildhibaan Caamir

Waxaa kale oo uu sheegay in degmadaasi uu ka jiro hal School oo kaliya oo ay hergeliyeen jaaliyaddasi Soomaaliyeed ee ku abtirsadda Banaadirga kuna dhaqan dalka dibadiisa, kaas oo ay dhigtaan 400. oo Arday ah kuwaasi oo aan wax lacag ahi laga qaadir.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray in loogaga baahan yahay jaaliyadda ka soo jeedda beelaha Banaadiriga ee ku dhaqan dalaka dibadiisa in ay wax u qabtaan walaalahoodda reer Shangaani oo ah dad aanu cidna u maqneyn oo ah Ceelna uma qodna Cidina uma maqnna.

Deeqdani lacageed ee maanta loo qeybiyay dadka ku dhaqan degmadda shangaani ayaa soo dhaweeyay deeqdaasi iyagoo si weyn uga mahad cveliyay dadkii soo diray oo ay sheegeen in aysan weligood iloobi doonin.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS