Sucaado Siciid Max’ed “Banaanka Iskuulka ayaan keligay
ilmeeyaa Burada dhuuntayda ku taal darteed”
Sucaado Siciid
Max’ed Cali waa 12 Jir mudo afar sano ah ay dhuuntada uga taalo
Buro, waa Agoon qoyskeedu uusan waxba haysan, dhowr jeer ayaa la
damcay in dhakhaatiiru ay ku sameeyaan qalliin hase yeeshee
dhakhaatiirtu waa ay ka cabsadeen madaama aan laga heleyn
wadanka qalabkii lagu qalli lahaa gabadhaasi.
Sucaado waa
Gabar iska faraxsan Cuntadana si caadi ah u qaadataa, mar aan la
kulmay ayaan weydiiyey dhowr su’aalood, iyadoo xishooneysa ayay
igu tiri “Walaal dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha iga
gaarsii si aan uga badbaado halista buradaan igu taal, oo aan u
malaynayo ama noqon karta in ay ka sii cuslaato sida ay haatan
tahay”.
Sucaado waxay
dhigataa Dugsi Hoose/Dhexe, waxayna dugsiga aadaa iyada oo
Dhuuntu u daboolan tahay, mararka qaarkood, marka ay mudo
fadhido fasalka ayay dibadda uga soo baxdaa, waayo xiliyada qaar
waxaa qabta xanuun, waxaana halkaasi ku dhaafa cashirada
qaarkood. Sucaado oo arrintaa iiga warameysa ayaa sheegtay in ay
iska ilmeyso marka uu xanuunka burada dibadda uga soo saaro
fasalka, iyadoo ka tiiraanyeysan casharka dhaafaya, waxayna
sidoo kale sheegtay in gabadha saaxiibadeed ah ay la murugoodaan
markay arkaan Sucaad oo fasalka ka sii baxeysa, waxayna
yiraahdaan “Abaayo iska dul qaado mar baa allaah kuu sahli
doonaa cid kuu miciinta”.
Buradaan marka la fiiriyo waa Buro caadi ah, marinka cunta
waa Caadi oo raashinka wax dhibaato ah oo ay ku qabto ma jiraan,
waxaa keliya oo ay Sucaad sheegtay xanuun ka haysta burada iyo
iyadoo ka cabsi qabta in ay buradu ku sii saa’iddo.
Hooyadeed oo lagu magacaabo Raxmo Max’ed Abiikar ayay waxay
maalin walba la daalaa-dhacdaa sidii ay gabadheedu mar uun
caafimaad u heli lahayd, dhowr jeer oo ayla xiriirtay
dhakhaatiirta waxaa loo sheegay in qalliinku yahay mid sahlan
marka loo fiiriyo dhinaca dibadda, balse aan Soomaaliya waxba
looga qaban Karin, waxayna ka codsaneysaa bulshada Soomaaliyeed
in ay gabadheeda Ka garab siiyaan sidii burada looga qali lahaa
gabadheeda
Kala soo xiriir.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com ama
amiin@swacro.com
Tel 0025215532494