Hay'ad u dooda Suxufiyiinta oo saddex kun oo
doolar ugu deeqdey Qoyskii uu ka geeriyoodey Weriye
Xasan Mayow Xasan
Sawirada halkan ka daawo....
Lacag ay ku deeqday Hay'ad u doodda Suxufiyiinta oo
xarunteedu tahay Magaalada Doxa ee dalka Qatar (Doxa
Center For Media freedom), ayaa maanta la gudoonsiiyya
qoyskii uu dhawaan ka geeriyooday ALLAHA u naxariistee
Wariye Xasan Mayoow Xasan oo ka tirsanaa Idaacadda
Shabelle.
Deeqdan
lacageed oo la soo marsiiyay hay'adda Suxufiyiinta NUSOJ
ayaa qoyskan lagu gudoonsiiyya xarunta Idaacada Shabelle
ee Muqdisho, iyadoo suxufiyiin badan ay ku suganaayeen
goobta lacagta lagu bixinayay.
Lacagtan oo gaaraysay 3-kun oo Dollar ayaa waxaa
qoyska uu ka geeriyooday wariyaha guddoonsiiyay
agaasimaha Idaacadda Shabelle Muqtaar Maxamed Hiraabe,
iyadoo lacagta la gudoonsiiyay Marwadii Marxuumka oo
lagu magacaabo Ubax Muuse Max'ed, waxaana la socday
hooyadiis oo lagu magacaabo Milko Jaamac Cumar iyo
caruurtii uu dhalay.
Xogahay Warfaafinta NUSOJ C/raxmaan Cumar Madoobe
(Dalmar) oo xaflada ka hadlay ayaa aqriyay magacyada
caruurtii uu ka geeriyooday Xasan Mayoow, kuwaasoo kala
ahaa: Aamino Xasan Mayow oo 10-jir ah, Max'ed Xasan
Mayow oo 8-jir ah, Rowda Xasan Mayow oo 6-jir ah,
C/kariin Xasan Mayow oo 2-jir ah iyo Faadumo Xasan Mayow
oo 3-jir ah.
Sidoo kale xaflada ayaa waxaa ka hadlay Xoghaya
Shaqada NUSOJ C/rashiid C/llaahi Xaydar, wuxuuna sheegay
isagoo ay wajigiisa murugo ka muuqato in deeqadan ay
tahay mid loo baahnaa in lasoo gaarsiiyo qoyskii iyo
caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Xasan Mayow oo
kooxo hubeysan ay si bareera ah u toogteen.
Agaasimaha Idaacada Shabelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe
oo isna ka hadlay gudoonsiinta deeqda lacageed ayaa si
ku nuuxnuuxsaday inay tahay deeqadan tii ugu horreysay
ee lasoo gaarsiiyo Qoyskii uu ka baxay Xasan Mayow,
isagoo uga mahadceliyay hay'adda soo dhiibtay lacagta
deeqdan.
Hooyada Marxuumka oo lagu magacaabo Milko Jaamac
Cumar oo iyaduna hadal kooban jeedisay ayaa sheegtay
inay aad ugu faraxsan tahay gacanta ay walaalaheeda Doxa
u soo taageen, iyadoo dunida oo dhan u dirtay codsi ah
in gacan la siiyo qoyskii uu ka geeriyooday Xasan Mayow
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com