SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maamulaha Xarunta Quudinta ee Xaafadda Nasiib Buundo ee Magaalada Muqdisho oo ka warbixiyay sida xaaladu tahay iyo dadka yimaada Xaruntooda.

Sawirada Halkan ka daawo...

Dr. Daahir Kulmiye Axmad oo ah Maamulaha Rugta Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed (Medical Community Relief of Somalia) ayaa daboolka inay soo badanayaan dadka la keenaayo xaruntooda, kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwo si weyn u liita oo nafaqadu ku yar tahay.

“Wax kaalmo ah kama helno Hey’adaha samafalka, waxaana kaalmo ka helnaa Ganacsato iyo dad kale oo soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Daahir Kulmiye Axmad oo ah Maamulaha Rugta Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed oo sheegay inuu ugu baaqayo Hey’adaha Samafalka ah inay gar gaar la soo gaaran dadka tabaalaysan ee ku jira Xaruntaasi uu madaxda ka yahay.

Xarutaan ayay wariyaashu soo booqdeen, waxeyna indhahooda ku arkeen sida ay u tabaalaysan yihiin dadka ku jira xaruntaasi, iyadoo halkaasi ay tahay mid ay ku badan yihiin dadka ay macluusha hayso.

Xaruntaan ayaa waxaa ku soo qul qulaaya caruurta u baahan quudinta ee sida aadka ah u tabaalaysan, waxeyna xaruntaasi tahay mid ay sidoo kale hayso caruur badan oo qaba Shuban Biyoodka.

“Raashinka nafaqadaysan ee aan siino caruurta ku jirta xaruntaan , waa mid aan jeebkeen ka soo iibinay, mana jirto wax Hey’ad ah oo na caawisa” ayuu yiri Dr. Daahir Kulmiye Axmad oo ah Maamulaha Rugta Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed oo sheegay Guriga weyn ee Xaruntaan degan tahay inuu ugu deeqay Dr. Maxamed Yarow oo horay u ahaan jiray Gudoomiye ku xigeenka G/Bnaadir.

Caruurta ku jirta xaruntaan ayaa ah mid si weyn u liidata, waxaadna arkaysaa in caruurta qaarkood ay yihiin kuwo la suraayo Filibooyin, iyadoo xarunta sidoo kale ay tahay mid lagu quudiyo caruurta tabaalaysan

Mahamud Ahmed Hassan

xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS