SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Wasarada Amniga Puntland oo howshedi amniga ku kobtey 4 Guri oo bosaso kuyaal

Iyadoo ay puntland ku jirto xiliyadii ugu xumaa ee soo mara xag amni iyo xag dhaqaalaba, ayaa mudooyinkii danbe waxaa soo shaac baxaysay in maamulka puntland uu faraha ka qaadey wax ka qabashada amniga gobolada puntland, maamulkuna uu awoodii isugu geeyay magaalada bosaso, haatan oo waqtigiii maamulku sii gababsi yahayna oo ayba ka harsantahay wax yar hal asbuuc ayaa waxaa soo baxaysa in howshii maamulka oo dhan kusoo ururtey guryo bosaso kuyaala

Waa maalin isniin ah waxaana kasoo dagey air-portiga magaalada bosaso oo ay iigu danbeysay mudo 1 sano kahor ah daqiiqado kadib markaan usoo dhaadhacey dhanka magaalada ayaan waxaan ku arkey isbaarooyin yaala guryo xiga dhanka air-portiga bosaso, kolkaas ayaan waydiiyey tagsiilihii aan lasocday waxa ay yihiin isbaarooynkan iyo inay yaalaan magaalada oo dhan, wuxuuna iigu jawaabey

Maya maya guryahan waxaa iska leh wasiirka aminiga puntland iyo ilma adeertiis sidaas ayaa waardiyaha khaaskaa loo saarey magaadada inteeda kalana waa iska caadi oo wax isbaaro ah mayaalaan amnigeduna waa wanagsan yahay

Waxaan ku dagey hotel kuyaala magaalada bartamaheeda mudo laba asbuuc ah ayaan bosaso kusugnaa mudadas aan joogay bosaso kumaan arag wax isbaro ah oo yaala magaalada inteeda kale

Kolkaan mudo ku dhex waregay magaalada aana arki waayey wax isbaaro ah ayaan waxaan kala sheekaystey dadwaynaha bosaso waxa ay yihiin isbaarooyinka yaala qaar kamida wadooyinka magaalada oo marka aad aragto soo xasusaneyso isbaarooyinkii muqdisho laga sheegi jirey,

Runtii waxaaa iisoo baxdey inay tahay arin ay dadka bosaso ula yaaban yihiin sida aan ula yaabey,

Oo qofka ugu roon uu ku dhahaayo wasiirka amniga oo waqti yar uu u harey ayaa guryihiisa iyo kuwa tolkiis amaankooda ku sugaya,

Waxaan dadkii waydiiyey wasaarada amniga ee puntland waxa ay amniga ka qabatey maadaama lagalaayo xili kala guur ah, oo doorashooyin ay puntland kusoo fool leeyihiin

Waxay dadwaynuhu ii sheegeen in dadka reer puntland ay yihiin dad nabad jecel oo ay iyagu nabadooda ilaal sadaan laakiin dowlada iyo wasarada amniga qaabilsan midna aysan arimaha amniga wax ka qaban, ayna ku mashquulsan yihiin dano sahqsiyadeed iyo ilaalinta guryahooda

Aadan Mahamed Aadan
Aadan bililiqo
London UK
adenbililiqo@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS