Hey'ada cogwo oo markii 20aad dad cuduro hayaan
dhaqtaro dibada ah u qadaymaanta
Ahmed
Adan Abdi oo 24 Hour guduhood gurmad caafimaad lagu
geeyey Kenya iyo hay.adda cogwo oo ugu baaqeysa dadka
xaaladoodu liidato ee dalka gudhiisa wax looga qaban
waayey in ay la soo xiriiraan .
Kadib markii Madaxda hay.adda COGWO Kula xariirtey Abdi
Muuse Maaxaay Qadka telephoonka ayaa waxaa loo sheegay
in uu jiro Canug yar oo madaxa biyo kaga jira oo u
baahan xaalad caafimaad oo deg ah.
Waxaa arintaan iska kaashadey COGWO iyo Abdi Muuse
Maaxaay oo ah u shaqsi caawiyo dadwaynaha Somaliyeed ee
dhibaataysan waxayna u sameeyeen gurmad caafimaad .
Sahro Maxamed Axmed “Dhamaan umada somalilyeed waxaan
ugu baaqeynaa in ay fiiryaan dhibaatada heysata caruurta
iyo haweenka”sahro ayaa ku dartay intaa arintaa hoos
haloo fiiriyo nabadana ha lagu dadaalo xili ay
sagootineysay hooyo soomaliyeed oo wiilkeeda dalka
gudihiisa wax looga qaban waayey loona dulinayey
isbitaalka kajaba eek u yaal dalka Kenya.
Gudoomiyaha hay.adda cogwo Sahro Maxamed Axmed “canugaan
yar waa kii 20aad ee aan ku guleysano una qaadno kajaba
hospital iyo kuwo kale oo dalka dibadiisa ah ka dib
markii dhaqaatiiru wax ka qaban waayeen “
Cuduradaan ayaa waxay ka dhashaan baaruuda iyo rasasta
urta ka timaada oo iyaga laga sameeyo waxyaabo kiimiko
ah si ay naflayda u dhibaateyaan
Dalka somaliya ayaa wheel u noqday ridida xabadaha iyo
madaafiicda waxaana sahlan in aad aragto qof la dilay,
la dhaawacay ama madfac uu ku dhacay dabadeedna cad cad
u kala go.ay waxaana soo badanaya cudurada ka dhasha
baruudka faraha badan iyo qaraxyada inta ay ku dhacaan
waxaa u sii dheere cudurada laga qaado sida ay
xaqiijiyeen in badan oo ka mid ah dhaqatiirta fara ku
tiriska ah ee joogo dalka gudihiisa
Maama sahra ayaa u mahad celisay Maaxaay iyo kooxdiisa
samafaasha ah reer maraykan kuwaas oo suurta galiyey in
uu meel mar noqdo gargaarkaan deg deg ah ee loogu
gurmanayey wiilkaan la ildaran xanuunka dalka gudihiisa
wx looga qaban waayey
Sidoo
kale sahra ayaa ilaah uga bariday in uu wiilkaan oo
caafimad qaba uu dalka dib ugu soo laabto .waxayna
shegtay in dhamaan dadkii ay qaadeen lagu guuleysta
daaweytooda marka laga reebo Xasan Cali Isaaq oo dhawaan
loo qaaday dalka Kenya cudurka haayana la cadeeyey in
aan waxba laga qaban Karin .
Hooyo Iisha Xasan Cabdala iyo wiilkeedii madaxa ka
weynaaday oo gargaar bini aadanimo ka helay hey.adda
cogwo .Cabdi Muuse Maaxaay .qaar ka mid ah jaaliyada
daha menabulis , texas, Canada iyo websiyada qaar oo
bulshada u soo bandhigay dhibatada heysa in badan oo ka
mid ah caruurta somaliyeed oo ka dhashay qoysas aan heli
Karin dhaqaale iyo fursad ay ilmahooda ugu radiyaan
dhaqaatiir cafimad oo qibra u leh cudurada sidaan oo
kale ah
Waalidiinta wiilkaan yare e 8 bilood jira ayaa saxaafada
ugu sheegay gudaha garonka diyaradaha ee adan cade
international airport oo ay ka dhofayeen hoyadaan iyo
wiilkeeda iyaga oo gargar caafimad viso iyo tikit ka
helay qaar ka mid ah jaaliyada somaliyeed eek u nool
dalalka maraykanka iyo Canada.
Hooyo iisha ayaa u mahadcelisay intii ka qeyb qaadatay
suurta galinta safarkooda aanay fileyn waxayna sheegtay
in ay dhaqtar Nairobi ah u socoto loona soo dhameeyey
isbitaalkii wiilkeeda la geyn lahaa iyo sidoo kale
qarashkii ku bixi lahaa
Iisha “Wiilkeygu hada wuxuu jiraa 8 bilood cadurkaanune
wuxuu ku dhacay isaga oo bala bilood jira aniga waxaan
ogaaday wiilkeygu in uu madaxa ka weynaanayo sadax
bilood ka hor meel ksatana waa geeyey hase yeeshee waa
lagu guul daraystay in la daweeyo cudurka haaya
wiilkeyga .waxaana u bandhignay bulshada somaliyeed oo
noogu soo gurmaday sidii aan u badbadin laheyn wiilkeyga
waana u mahadcelinayaa sdhamaan dadkii ka qeyb qaatay .
Wiilka iisha ayaa Mudo lix bilood ah xanuunsanaa iyaga
oo waayey cid u daaweyso iyo qarash ay ku geeyaan
isbitaalo dibada ah waxayna ahaayeen qoys somaliyeed oo
danyar ah kuwaas oo aan awoodin in ay daweeyaan
ilmahooda .
Maxamed Adan Mursal oo ah aabaha dhalay wiilkaan ayaa
sheegay in ay u awoodi waayeen in ay daaweystaan
wiilkooda wuxuuna intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii
wato in uusan weligiis ku fikirin hey.adda cogwo iyo
Cabdi muuse maaxaay waxaana arintaan suurta galiyey qaar
ka mid ah website_yada somalida oo aduunka ku faafiyey
sawirkiisa oo laga naxayo waxaana intaa ka dib suurta
gal noqotay buu yiri in ay gar gaar u fidiyaan
muwaadiniin Somali ah oo uu hormuud ka yahay Cabdi Muuse
Maaxaay wuxuuna codsaday aabahaan in hooyada wiilka
dhashay ku filneyn xanaanayta wiilka xanuunsan uuna
jeclaan lahaa in uu raaco isaga oo cidii gacanka siin
karta ka codsaday in ay tikit u soo diraan
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009
|