SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jamhuuriyadda Somalia
Maamul goboleedka puntland

Taariikh 04 /01/009

Ujeeddo: Baaq ay wada jir u soor saareen labadda beelood ee kala ah Reer cumar iyo Meheri ismaaciil

Sida la wada ogsoonyahay, taariikhda soo yaalkeeduna xusayo labada beelood ee meheri iyo Reer cumar waxay ka mid ahaayeen beelihii ugu faca wayn beelaha daga dooxadii la oran jiray Nugaal ama ahaaba dadkii loogu yimid dooxada Nugaaleed.waxayna ahaayeen beelihii u horeeyey ee aasaasay deegaanka magalo madaxda puntland ee Garowe

Waxayna ilaa iyo hadda ka mid yihiin beelaha ugu hufan ee dega gobolka nugaal oo ku caan baxay lxtiraamka dadka deegaanka la ah iyo xaqdhawrka deriska.


Hadaba sida loo wada goobjooga ahaa dhismihii Maamul Goboleedka puntland ee 30 june 1998 kaas oo ay dhisteen beelaha puntland deeegaanka u ah.waxayna ku heshiiyaan beelahaasi axdigii ku meelgaarka ahaa ee looyaqaan axdiga puntland kaas oo ay beelihii wada dhistay puntland ku heshiiyey wada saxiixeen kaas oo ah kan kaliya oo ilaa hadda wax lagu maamulo maamul-goboleedka puntland

Waxa kaloo la qaybsaday xubnihii golaha baarlamanka oo ka koobnaa 66 xubnood kuwaas oo qaybtoodu martay labo marxaldood

Marxaldii hore waxaa wax loo qaybsaday sadexdii urur (jabhadood) oo dhistay puntland oo kala haa SSDF, SNDU iyo USP
Marxaladdii xigtayna urur walba isaga ayaa u sii qaybshay beelihii taageeri jiray
Beel walbaana waxay qaadatay saamigeedii

Waxaana axdiga ku meelgaarka ah lagu qoray sidii wax loo qaybsaday oo lagu heshiiyey in aan waxba laga bedeli Karin ilaa laga gaarayo afti dastuur iyo axsaab demoqoraadi ah

Mudadii labada jeer ahaa ee dib loo soo dhisay Baarlmaanka puntland sidaa ayey u soo xusheen beelihii lahaa xubnahoodii, markaana sidii oo kale ayaa gobolada iyo beelaha kale ee puntland u soo xusheen marka laga reebo gobolka nugaal oo gaboodfal xuni ka dhacay


Hadaba, waxaa la yaab iyo fajac noqotay in aan idin la socodsiinaynaa in ay dhaceen arrimahaan soo socda.

1. in xubnihii ay lahaayeen labada beelood ee meheri iyo reer cumar ay si bareer ah u dhaceen isimada beesha ugu badan gobolka Nugaal siiyeena labo beelood oo kale oo hore baarlamanka puntland ugu lahaa xubnahodii looguna siyaadshay kuwii anaga nala ka qaaday, taas oo dhaawac wayn u gaysanaysa miisaankii isu dheelitirnaa ee xubnaha Beelaha puntland degan

2.. waxaa si toos ah loogu tuntay axdigii ku meel gaarka ahaa oo ay ku heshiiyeen beelaha maamul goboleedka puntland dagan

3. waxaa ayaandarro taas ka sii daran oo lama filaan ah noqotay in ay ka dhaga adaygeen in ay wax ka qabtaan dhammaan hay'adihii u xilsaarnaa ilaalinta axdiga iyo qawaaniinta dalka loo dejiyey kuwaas oo aan u gudbinay dacwadyadii ayna ka mid yihiin:

Madaxwaynaha puntland
xeer ilaalintii puntland
Maxkamadda sare ee puntland
Gudigii ismada ahaa ee loo magacaabay in ay xalliyaan khilaafaadka beelaha
Guddigii dowladda iyo musharaxiintu u wakiisheen, khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamanaka oo ansixiyey xubno ay ogyihiin in ay khaldan yihiin

4. waxaan ummada reer puntland u sheegaynaa in ay dhacday arrin ugub ah oo aan hore loogu arag dhaqanka suuban ee ummada somaaliyeed,tan diinta islaamka, tan deriswanaaga iyo xushmadda baniaadamnimo midna taas oo ah in labadayada beelood ee baaqaan soo saaray magacodii, guurtadoodii, cuqaashoodii iyo isimadoodiiba la xaqiray si cadna loo ilhaameeyey ka dib markii si boob ah looga qaaday xildhibanadoodii ay u gudbisteen guddiga khilaafaadka loona siiyey beelo kale.

Gabo gabo
Waxaan u soo jeedinaynaa uguna baaqaynaa dhaman isimada, maamulka iyo maxkamada sare ee puntland iyo dhamaan bulsho waynta waxgaradka ah ee puntland in si deg deg ah lanoo ku soo celiyo labadii xubnood ee baarlmaanka oo aan lahayn iyadoo la ixtiraamayo axdigii iyo qawaaniinta aynu ku heshiinay 30 Juun 1998, kaas oo labada beelood wax ka saxiixeen.



Beesha Reer Cumar Beesha Meheri Ismaaciil

Garoowe, Puntland, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS