Barnaamijkii Radio Xoriyo
07 January 2009.
JWXO oo u digtay sharikada Patronas
Itoobiya oo ansixisay sharci NGO-ga lid ku ah
Dadwayne ku Xiran Jigjiga oo Qaar ka Mid ah la Sumeeyay.
Ciidamada Itoobiya oo Geel badan Xero Oodey
Gudoomiyaha H/arimaha Gudaha iyo Amniga ee jwxo N/Hure
Cabdi Cabdullahi oo ka warbixinaya xaaladaha Ogadenya
iyo mida halæganka
======================
JWXO oo u digtay sharikada Patronas
JWXO ayaa soo saartay qoraal ay ugu digayso sharikadaha
isku dayaya inay hawlo batrool qodis ah ka billaabaan
dalka Ogaadeenya, iyadoo sheegtay inayna marnaba
oggolaan doonin in dalka Ogaadeenya Gaas ama Batrool
laga soo saaro inta dadkii dalka iska lahaa loo diiddan
xaquuqda aaya ka talineed.
JWXO waxay qoraalkan ku sheegtay ina ayna marnaba u
dul-qaadan doonin haddii ay dhab noqoto in sharikada
Patronas ay shidaal qodis ka billaabayso Ogaadeenya.
JWXO waxay uga digtay sharikadaha damaacigu kaga jiro
inay shidaal ama Gaas ka qodaan dalka Ogaadeenya, inay
haddaba ogaadaan in Ogaadeenya ay tahay goob dagaal ka
socdo, taliska gumaysiga Itoobiyana aanuu gacanta si
buuxda ugu haynin, isla markaana aanuu xaq u lahayn inuu
heshiisyo shidaal qodis ah la galo sharikado kale,
sababtuna ay tahay in taliskaasi aanuu matalin
dadwaynaha Ogaadeenya.
Qoraalkan waxaa lagu soo gabagabeeyay in sharikada
Petronas loo arkayo mid ka qayb qaadanaysa xasuuqa iyo
gumaadka uu gujmaysiga Itoobiya ku hayo dadwanaha
Ogaadeenya haddii ayna wax ku qaadanin digniintan.
Itoobiya oo ansixisay sharci NGO-ga lid ku ah
Baarlamaanka ku sheegga Itoobiya ayaa ayaa ansixiyay
sharci ay dunidu aad uga dhawaaqday, oo mamnuucaya in
ururrada NGO-gu ay ka hadlaan arrimo ay ka mid yihiin
xuquuqda aadanaha, sinnaanta iyo xal u-helidda isku
dhacyada siyaasadeed.
Sharcigan, oo wadammada reer galbeedku ay mar hore uga
digeen xukuumadda Itoobiya, ayaa dhigaya in ururrada
gargaarka iyo kuwa NGO-ga loo yaqaano ayna marnaba
faraha la gali Karin arrimaha ay ka midka yihiin
xuquuqda aadanaha, arrimaha sinnaanta dadka iyo diimaha,
xuquuqda carruurta, xal u-raadinta isku dhacyada la
xidhiidha arrimaha siyaasada iyo denbiyada dagaalka.
Ururrada arrimahan laga mamnuucay inay ka shaqeeyaan waa
ururrada shisheeyaha ah, hase yeeshee waxaa sidoo kale
laga mamnuucay inay arrimahan ka shaqeeyaan ururrada
maxalliga ah ee dhaqaalaha y ku shaqeeyaan 10% ka badan
ka hela waddanka dibadiisa.
Sharcigan, oo in muddo ah laga dooday, ayaa ujeedadii
loo sameeyay waxay ahayd in ururrada samafalka ah laga
mamnuuco inay ka hadalaan ama ka shaqeeyaan arrimahan
aan kor ku soo xusnay.
Xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah, oo u warramayay
wakaalada wararka ee AFP, ayaa sheegay in sharcigani uu
yahay aalad uu xisbiga talada haya ee EPRDF u
siticmaalayo cadaadinta cid kasta ama urur kasta oo uu
ka baqayo inuu awoodiisa liiliijiyo.
Xukuumadda Itoobiya waxay hadda ka hor dagaal adag la
gashay ururrada samafalka iyo xuquuqul insaanka ka
shaqeeya ee gaar ahaan ka shaqayn jiray Ogaadeenya,
iyadoo guud ahaanba ururradii caalamiga ahaa ee gayigaas
ka hawlgali jirtay ay waddanka ka cayshisay, arrintaasoo
si wayn loogu canbaareeyay.
Dadwayne ku Xiran Jigjiga oo Qaar ka Mid ah la Sumeeyay.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya
in Dad wayne badan oo ku xirnaa magaalada Jigjiga ee
Maamulka Deegaanka Xarun u ah la siiyay cunto sun ku
jirto.
Arrinkan ayaa la ogaaday kadib markii mudo 10 bari ah
loo diiday in la booqdo maxaabiista halkaas oo la
baarayay cunto sun ku jirto oo dadka qaar la siiyay ilaa
hada ma cada cida dhabta ah ee ka danbaysa arrinkan.
Dadkan ayaa qaar ka mid ah la geeyay Hosptal balse loo
diiday in dadku ogaadan arrinkan ayaa la sheegay inuu ka
soo yeeray nin ka mid ah Illaalada Xabiska
Ciidamada Itoobiya oo Geel badan Xero Oodey
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Doollo ayaa sheegaya in
maalmahan ay Ciidamada gumaysiga Itoobiya ay magaalada
Wardheer kusoo xareeyeen Geel gaaraya ilaa 1000 halaad
iyo xoolo kale.
Geelan la Xero Oodey ayaa waxaa iska leh nimanka lagu
kala magacaabo Moxamed Ali Cagarog, Moxamed Barre,
Cabdilaahi Xaashi Cagarog iyo Ilma Sh Muuse.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xoolahan dadkii lahaa
qaarkood ay Ciidamada Itoobiya ku laayeeny deegaanada
Gobalka Doollo hoos yimaada mudo aan dheereyn.
Geela ayaa ah halbowlaha dhaqaalaha ee Ogadeniya,
xukumada Itoobiyana ayaa in badan lagu eedeeyey xasuuqa
dadka iyo duunyada ku dhaqan Ogadeniya.
07 January 2009
Halgan Guuleed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 25 MB
iyo 31 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Habeenada Khamiista & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga