SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Deeq Lacageed oo maanta la gaarsiiyay Qoyska Aabe labada gacmood ka Go’an oo dhalay 7-caruur ah.

Qoys ka kooban 7-ruux iyo Aabahood oo ka Go’an labada Gacmood, islamarkaasna qaba dhaawac dhinaca Caloosha ah, ayaa maanta la gaarsiiyay Deeqdii lacageed ee ugu horaysay oo ay soo diraan qaar ka mid ah Muwaadiniin Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka dibadiisa.



Lacag dhan 250-doolar oo ay soo direen Muwaadiniin Soomaaliyeed aya waxaa 150-doolar oo ka mid ah lacagtaasi ayaa waxaa soo diray C/raxmaan Maxamed warsame oo jooga dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalda Fulham , halka 100-ka kalena uu soo diray Ciise Xaaji Faarax, iyadoo lacagtaasina ay Muwaadiniintaasi Soomaaliyeed u soo wakiisheen ganacsade Cali Cadow Cali (Cali Jamiil) oo jooga Muqdisho.

Qoyskaan oo Aabihii dhalay uu ku waxyeeloobay Dagaaladii sokeeye ee ka dhacaayay dalka gudihiisa gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaanay u suurtagelin inuu helo wax gar gaar ah oo la mid ah midka uu hada helay, iyadoo nolasha qoyskaasina ay tahay mid aad u liidata una baahan in lala soo gaaro gurmad deg deg ah.

Munaasabadda Deeqdaasi lagu gudoosiinaayay deeqdaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah warbaahinta ayaa indhahooda ku arkay dhibaatada ka muuqata qoyskaasi, iyadoo Aabaha Qoyaskaasi oo u waramay saxaafadda isaga iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Marwo Maryan Sheekh Maxamuud ay si weyn ugu mahadceliyeen deeqdaan ee soo gaartay.

Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay ganacsade Cali Cadow Cali (Cali Jamiil) oo sheegay inuu ugu baaqayo, ganacsatada Soomaaliyeed jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Dhamaan intii Ilaah wax siiyay inay gar gaar la soo gaaran Aabahan labada gacmood ka Go’an oo lagu magacaabo Maxamuud Fiidow Maxamed oo haysta Caruur aad u yar yar oo uusan u shaqaysan Karin.

Sidoo kale waxa uu Aabahan Gacmoolaha ah u mahad celiyay Saxaafadda oo uu sheegay in markii ugu horaysay oo ay soo bandhigaan dhibaatadiisa, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay dhamaan intii gar gaartay oo kaalmaysay, wuxuuna Ilaah uga baryay inuu Ilaah u abaal gudo Ajar iyo xasanaad Ilaah ka siiyo.

Hadaba Qofkii qoyskaasi inuu gar gaaro doonaya waxa uu ku soo hagaajin karaa Telafanka ganacsade Cali Cadow Cali ( Cali Jamiil) oo ah : +2521-5577980


Aabe dhallinyaro ah kana go’an labada gacmood oo ku dacdarreysan magaalada Muqdisho

Maxamuud Fiidow Maxamed, waa aabe dhalay 7-caruur ah, isla markaasina dagaaladii ku waayay labadiisa gacmood, iyadoo ay u sii dheer tahay dhaawac culus oo jirkiisa ka muuqda, gaar ahaan dhinaca caloosha ilaa feeraha, taasi oo marmarka qaarkood khatar ku keenta xaaladiisa caafimaad.

Haddaba mar aanu booqanay Maxamuud Fiidow Maxamed hoygiisa ayaa waxa uu inooga warbixiyay qaabka uu ku nool yahay mar haddii ay ka go’an yihiin labada gacmood, iyo guud ahaan xaaladda qoyska uu aabaha u yahay.

“Way iga go’een gacmaheygii aan ku shaqeysan jiray, waxaaba taas iiga sii daran dhaawac caloosha iga soo gaaray oo xilliyada qaarkood igu soo kacaya markaasi oo miyirka iga tegayo xanuun dartiis” ayuu yiri Maxamuud Fiidow oo dhinaca kale sheegay inuu isagu la mid yahay qof aan waxba qabsan karin.

Aabahan dhalay 7-da caruurta ah, ayaa qoyskiisa waxay ku nool yihiin xaalad adag, bacdamaa aanu jirin aabe u shaqeeya, isla markaasina hooyada ilmaha aanay awood u lahayn inay iyadu shaqeyso, “Walaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waxaan ka codsanayaa inay igu soo eegaan il naxariis leh” ayuu yiri aabe Maxamuud Fiidow.

Ka sokow curyaannimada soo wajahday Maxamuud Fiidow, ayaa waxaa uu sheegay inuu ka codsanayo Hay’adaha samafalka, shacabka Muslimiinta ah, ganacsatada, Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadaha ku dhaqan iyo ruux kasta oo leh damiir bani’aaminimo inay la soo gaaraan gurmad samatabixin oo dhinac walba.

Haddaba qof kasta oo Alle SWT dartii u baxsaneysa sadaqo waxay la soo xiriiri karaan Telefoonka Nambarkiisu yahay +2521-5577980 oo laga helo Cali Caddow (Cali Jamiil) ama +2521-5573321 oo laga helo Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS