Tartankii koobka Daahfurka wargeyska Xog-Maal oo
lasoo gabogabeeyey, laguna kala baxay.
Sawirada Halkan ka daawo....
Kooxda Banaadir Stars ee ah laacibiinta kubbada ciribta
ku laada ayaa xayuubsaday koobkii daahfurka wargeyska
Xog-Maal ee Cape halka kooxda xidigaha Isafaham Stars ee
balooniga hawada ku maamula ay ku hartay wax lagu
tilmaami karro nasiibka oo ka hiiliyey kadib gool ku
laad (rigooro) lagu kala bixinayay kooxaha markii 90kii
daqiiqo ay gool iyo gool isku mari waayeen.
Tartankani oo ay ka qeybgaleen 4 kooxood oo Cape Town ka
dhisan ayaa biloowdey 28 dii December sanadkii hore,
wuxuuna soo gabogaboobey 3 dii janaayo goortaas oo
ciyaartii kama dambeysta ahayd ay ku laactameen kooxaha
Banaadir Stars iyo Isfaham Stars waxayna ciyaartani ku
dhamaatay Bandir Stars 4-3 Isfaham Stars, waxaana
koobkii xayuubsaday Banaadir Stars oo taageerooyaashooda
iyo ciyaarooyda ay garoonka si layaab leh ugu
damaashaadeen iyagoo wada jibeysan.
Kadib ciyaarta waxaa la qabtay xaflad gaaban garoonka
dhexdiisa oo ay hadalo ka jeediyeen gudiga maamulka
isboortiga Western Cape iyo maamulka Xog-Maal,
gudoomiyaha maamulka isboortiga Cabdi Gaab oo ahaa
ciyaartooy hore oo qaran, isla markaasina ciyaartaasi
garsoore ka ahaa ayaa ciyaartooyda ku booriyey
isboortiga in uu ka reeban yahay wax kasta oo takoor ah
ama qabyaalada ah, sidoo kale waxaa meesha ka hadlay
Salaad Duwe, Yuusuf UK, iyo Garsoore Abuubakar oo
dhamaantood gudiga ka tirsan, waxaa sidoo kale hadal
gaaban ka jeediyey Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir
saxansoxo, agaasimaha Wargeyska Xog-Maal oo hadalkiisa
ku sheegey in talaabadani ay koobka ku qabteen ay oga
gol leeyihiin sidii ay dhalinta ugu dhiirigalin
lahaayeen isboortiga wuxuu yiri "qalabka warbaahinta waa
awooda shanaad ee aduunka, Xog-Maal waa curdun waxaanan
oga gol leenahay in aan kor u qaadno aqoonta, cilmiga
iyo wacyiga bulshada, umad kasta waxay hormar ku gaartaa
illaa heerka ay hesho macluumaad iyo xog wanaagsan" ayuu
yiri Saxansoxo .
Waxaa xaflada koobkii qalinka ahaa lagu gudoonsiiyey
banadir Stars, halka abaalmarin shahaado sharaf kooxdii
ugu asluubta badneyd ahayd lagu gudoonisiiyey kooxda Jay
United oo kabtankooda u gudoomey shahaada.
Ciyaartii tan ka horeysey ayaa malaha ahayd tii ugu
xiisaha badneyd ee wareega, sida uu wargeyka Xog-Maal
bogga 11 aad ku qorey cadadkii 3 aad ee Isniintii soo
baxay, ciyaartani waxay ahayd mid xiiso iyo xamaasad
kullansatay kooxahana ay muujiyeen ciyaar wanaag iyo
looltan adag, waxay dhexmartay Isfaham Stars iyo
Bellville Stars oo 90 kii daqiiqo ku dhamaystey gool
la'aan illaa rigoore ama gool ku laad lagu kala saaro,
halkaasina waxay guusha ku raacday kooxda Isfaham Stars
4-3 Belville Stars.
Ciyaartii furitaanka oo dhacday 28 dii Decebber oo
dhexmartay Jay United iyo Banadir Stars ayaa iyaduna
ahayd ciyaar kullansatay astaan kasta oo ciyaar wanaag
ah marka laga eegayo asluubta iyo dhaqan wanaaga ay
ciyaartooyda muujiyeen, gaar ahaan kooxda Jay United oo
abaalmarin asluub wanaag ah Xog-Maal kaga heshay
ciyaartaasi, waxaa la gudoonsiiyey Jay United shahaado
sharaf ah xaga asluubta ay ku muteysteen.
Wargeyska Xog-Maal ayaa balan qaaday in ay sii wadi
doonaan tartana ay qabanayaan taasina ay kala tashan
doonaan gudiga isboortiga.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo),
SomaliTalk.com, Cape Town,
Email: Saxansoxo1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009
|