SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

London, uk: Qoraal ka soo baxay Beesha Meheriga oo ku wajahan PL

Ku: Isimada Dawlad Goboleedka Puntland- Goobtooda

Ku: Gudiga Ansixinta iyo Khilaafaadka- Garoowe

Ku: Maxkamadda Sare ee DGPL – Garoowe

Og: Madaxweynaha DGPL, Garoowe

Anaagoo ah Beesha Meheriga kana tirsan beelaha soomaaliyeed, kuna caan baxday daris wanaaga, nabad iyo xaq dhawrka ay kala mudan yihiin beelaha soomaaliyeed, Beesha Meheriga oo ah beesha kaliya ee aan wax colaad ah ka dhexeen beelaha kale ee soomaaliyeed, taasuna waxay ku tusaysaa sida ay beesha meherigu u xaq dhawrayaan nabad ku wada noolaanshaha, daris wadaag iyo dhamaan dhawrista danta guud ee degaanadda puntland iyo dhammaan dalka soomaaliyeed guud ahaantiis.

Sida ay taariikhdu qorayso waxay ahayd beesha meherigu  laf dhabarka  soomaaliyeed khaas ahaan degaanada puntland, waxay ka qayb qateen horumarka dalka dhinacyadiisa kala duwan,“ The Meheris are resourceful merchants who took lions share in finding and establishing most of urban Somali communities (city &  towns ) and overall advancement of Somali.  It is well known fact that prominent meheri business people reside in the centre of town and cities of Somalia from coast to coast.

Waxaa marag madoonta ah in beesha meherigu ahayd beelihii ugu horeyay oo meelo badan oo ka tirsn maamul gobaleedka puntland asaasay oo suurta galiyay in ay noqdaan degaan lagu noolaado,  taasoo maanta  wali magacoodii caan ku yahay, meelahaas oo ay ka mid yihiin Gobolka Nugaal oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen arrin aanu ka filayn Isim ah mid ka mid ah isimada sida fiican looga yaqaan maamulka puntland oo ku dhaqaaqay faragalin hawlo uusan shaqo ku lahayn, arrintaas oo ah fara galin  si toos ah loogu sameeyeen gursigii beesha meheriga ay ku lahayd Gobolka Nugaal, kaasoo  si toos ah loogu wareejiyay beel kale.  Waxay Beesha meheriga ku noqotay wax lala yaabo oo ah fajac weyn, waana arrin dulmi weyn ah, waxayna ka mid tahay waxyaalaha laga hantay dawlad iyo sharci la’aanta ka jirta soomaaliya  dib markii dawladii soomaaliyeed ay burburtay muddo laga joogo 18 sano iyo ka badan, maanta waxay  gaartay in uu Isimo ka mid ah Isimada soomaaliyeed uu yiraahdo Gobolkaan cid aan aniga ahayn oo cid ka magacaabi kara ma jiro, taasu waxay ku tusaysa halka maanta ay ka marayso cadaalad darada, dulmiga, eexda iyo qadari la’aanta daris wadaagta. Waxaanu u sheegaynaa reer puntland in aysan ahayn markii ugu horeysay oo beesha mherigu gursi ay lahayd laga qaado sabab la’aan.

Sidaas awgeed waxaan Isimadda Puntland ku wargalinaynaa in ay soo fara galiyaan oo wax ka qabtaan cadaalad darada lagula kacayo beesha meheri , sidoo kale waxaan gudiga khilaafaada, ansaxida iyo musharixiinta ka codsaneynaa in ay arrintaas si qodo dheer leh u fiiriyaan oo ay cadaalad iyo sinaan wax uga qabtaan, maxaa yeelay hadii xildhibaanada baarlamaanka lagu soo xulo cadaalad daro iyo eex wuxuu noqonayaa wax baadil ah, wax baadil ahna  hadii madaxweyne lagu soo doorto, waxaa ka soo baxaya madaxweyne baadil ah.

Sidaas awgeed waxaan mar labaad ugu baaqayna musharixiinta in ay arrintaas si fiican uga fiirsadaan, maxaa yeelay barnaamijkii ay soo badhigeed musharixiinta ayaa hal ku dhigiisu ahaa sinaan iyo cadaalad baan ku soo dabaalaynaa puntland.

Waxaanu hay’daha garsoonka ka codsaneynaa in aysan indhaha ka qarsan dulmiga iyo cadaalad daradda lagula kacayo beesha meheriga oo xuquuqdeedi lagu tuntay, talaabo sharciga waafaqsan ay ka qadaan arrintaas, anagoo aaminsan in ay kudan doonaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Waxaan dhammaan beelaha aanu walaalaha nahay ee reer puntland u sheegaynaa in beesha meheri aysan cidna marti ugu ahayn deegaanaanka nuqaal, cid kasta oo doonaysa in ay ka faa’iidaysato nadaam iyo sharci dara ka jirta dalka aan laga aqbali doonin. Sidoo kale waxaan shacanka reer puntland u sheegaynaa in ay puntland assaaskeed u ka yimid fikarka ay u dhan yihiin dhammaan qabiiladda degaanka puntland, cidkasta oo la timaada hanweyni, afduub iyo ku tagrifal wax aysan lahayn in aan laga aqbali dooni. Waxaan aad iyo aad uga xunahay arrinta ka dhacday Nugaal waana ka soo horjeednaa.

Wa bilaahi Towfiiq

Dahir Hashi Warsame ( Dahir mbc )

UK

dwarsame@Hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS