SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax Nuradiin Aadan Diiriye oo ka soo saaray Warsaxafadeed

shir jaraa'id oo si wada jir ah ugu sii daayeen saxaafada taliyaha ciidamada amaanka ee garowe mudada doorashada ay socoto Caydaruus Xaaji Xirsi iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cali Cabdi Xirsi oo ay kaga hadlayeen.

Labada masuul ayaa shir jaraa'id oo si wada jir ah u qabteen ku soo saaray eedeyn iyo digniin ku wajahan qaar kamid ah mushariixinta oo ku tilmaameyn in ay la yimaadeen ciidmo hor leh iyo tikniko faro badan oo ay ka keen sadeen goboladooda.

Warsaxafeedkii uu soo saaray Musharax Nuradin Adan Diiriye oo u qoran sida tan:-

Ku: Dhammaan saxaafadda madaxa bannaan ee ka howlgasha DGPL
Ku: Shacabka reer Puntland meel ay joogaanba.

UJEEDO: WARSAXAAFADEED


Waxaan aad uga xumahay warkii ay maanta wada jirka uga sii daayeen saxaafadda Taliyaha ciidamada ammaanka Garoowe mudada ay socoto doorashada Caydaruus Xaaji Xirsi iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Cali Xersi kaas oo lagu sheegay magacyo musharaxiin ay ku eedeeyeen in ay soo galiyeen magaalada Garowe Tikniko iyo ciidamo.

Waxaan u sheegayaa dadka reer Puntland guud ahaan, gaar ahaana kuwa ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Garowe in warkaasi uusan waxba ka jirin aadna uga fog yahay xaqiiqda. Waxaan ka codsanayaa Taliyaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal in ay dhexdhexaad noqdaan isla markaasna ka fogaadaan wixii xaglin xiyaasadeed ah.

Waxaan mar kale dadka reer Puntland, meel ay joogaanba u caddaynayaa inaan mar kasta u heelananahy, kana shaqaynayno nabadgelyada iyo kala danbaynta, isla amrkaasna aan cid walba kala shaqaynayno sidii doorashdu ku dhici lahayd si nabadgalyo leh.

Mahadsanidiin

Nuuradiin Aadan Diiriye
Murashaxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland


Suxufi: Farxaan Yasin Mire (isqootax)

isqootax@hotmail.com
isqootax1@gmail.cim

garowe:- Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS