SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muwaadinkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo Sanadkaan Cusub Lagu Diley Dalka Koonfur Afrika.

Kooxo burcad ah oo kasoo jeeda dalka Koonfur Afrika ayaa dil u geystay mid kamid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka ganacsada Dalkaani Koonfurta Afrika.

Saaaka abaarihii Saacada Johannesbrug Markay ahayd 7:30 ka ayaa kooxo burcad ahi ay toogasho ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kusugan goobtii uu ku ganacsanaayey oo ku taala Xaafad ka mid ah Xaafadaha Magaalada Johannesbrug .

Marxuumkan ayaa la oran jirey Kaad Cabdi Samad oo ahaa dhalin yarro Soomaaliyeed ayaa caawo meydkiisa lagu aasay magaalada Johannesburg kadib markii koox burcad ah ay tacshiiradeeyeen taasoo uusan naf dhul la dhicin.

Marxuumka ayaa dilkiisa la sheegay in ay ka danbeeyeen koox ku hubeysnaa bistoolada kuwaasi oo aanan waxba ka qaadanin dukaanka guud ahaan wixii yiilay isagoo xiligaasi ku sugnaa goobtii uu ku ganacsanaayey oo ku taala Xaafad ka mid ah Xaafadaha Magaalada Johannesbrug .

Sida uu xaqiijiyey mid ka mid ehelada ninka dhintey oo joogey aaskiisa ayaa ii sheegey in kooxda ninka Soomaaliga ah dishay ayanan wax hanti ah ka qaadan tukaanka, oo inta eey dhibka geysteen isaga cararay goobtii shilku ka dhacay, sidoo kale waxaa uu intaas raaciyey in kooxdani tuugada ah ee dhawaanahanba qalqal galineysay dadka soomaalida ah ee Xafadaani dagan , wuxuu sheegey in tukaamo dhowr ah oo aaga ku yaala eey u dhaceen bilihii dhawaa, oo eey dad jir dil ku sameeyeen kadibna lacago iyo hanti kale kala baxsadeen.

Ururka Al-Bayaan oo ah kan u xilsaaran aaska marxuumiinta dhintey ayaa marxuumkani uu noqanayaa midkii ugu horeyey sanadan Cusub ee 2009 uuna ka mid noqonayo boqolaalka Soomaalida sidani oo kale loo diley ee ay aaseen sanadadii hore.

Salaadii Casar kadib ayaa dad ku dhaw Boqolaal qof oo soomaali ah ay kasoo qayb galeen aaska Kaad Cabdi Samad oo ah nin dhalin yaro Soomaaliyeed oo saaka koox hubeysan eey ku dileen Xaafad ka mid ah Xaafada Magaalatan Johannesbrug ee Koonfur Afrika, ka dibna ay kula tukadeen salaadii janaasada meydka marxuumka, kadibna u wehliyeen qabriga oo 10km u jirra xaafada Mayfair iyagoo gawaari ku jooga.

Si kastaba ha ahaatee dilkani waxa kusoo aadayaa xilli la galay sanad cusub oo inta baddan la islahaa sanadkaani waa uu dhaami doonaa kii hore balse ay noqotey mid u bilow ah dilkaani soomaalida ku nool dalka koonfur afrika, sidoo kale dalka Koonfurta Afrika ayaa noqdey gawaan lagu gawraco Soomaalida u nolol raadsadey Dalkaas. arintan ayaa u muuqata mid aysan waxba ka qabanin falalka noocaan oo kale ah dawladuna waxay u muuqataa mid ay faraha ka laabatay dhibta lagu hayo dadka qaxootiga ah ee ku nool Koonfur Afrika.

Mohamed Ismail

mismacil@Live.co.za

johannesbrug

South Africa


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS