SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maamulka Islaamiga ee Gacanta Ku Haya Gobolka Geddo Oo Sheegay Inay Iska Difaaci Doonaan Ciidamada Huwanta

Xoogaga islaamiyiinta ee ku sugan gobolka geddo gaar ahaan magaalada baar dheere ayaa shaaca qaaday inay iska difaaci doonaan ciidamada huwanta ah ee shalay soo galay qaar ka tirsan gobolka geddo .

Madaxa amniga maamulka islaamiyiinta ee gobolka geddo Barre Qooje ayaa saxaafada u uga war bixiyey sida ay ugu diyaar garoobeen ciidamada isku jirka ah ee Ethiopianka iyo soomaalida ah islamarkaana ay doonayaan inay iska difaacaan inta ay soo gaarin degmada baardheere isagoo tilmaamay inay difaaca mujaahidiintu durba ka sii sareeyo deegaanada baar dheere .

Sidoo kale Qooje ayaa intaasi ku daray inay u diyaar garoobeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen ethiopianka iyo kuwa soomaalida ah ee is wata islamrkaana uga saari lahaayeen guud ahaan gobolka geddo .

Dhinaca kale sarkaalka wata milayshiyada soomaalida ah ee ka amar qaata xildhibaan barre aadan shire (barre hiiraale ) Warfaa Sheekh Aadan ayaa tilmamay in ay la dagaalamayaan xoogaga islaamiyiinta ee gacanta ku haya qeybo ka mid ah gobolka Gedo isagoo sheegay inay iska kashanayaan dagaalka ay kula jiraan kuwa uu ku sheegay nabad diidayaasha oo ula jeeday xoogaga islaamiyiinta kooxda la baxday ehlu sunna .

Si kastaba ha ahaatee dagaalada kasoo cusboonaaday gobolka geddo ayaa kusoo beegmaya xili ay shalay soo qabsadeen ciidamada huwanta ah ee isugu jira Ethiopianka iyo soomaalida oo uu hogaaminayo xildhibaan barre hiiraale degmooyinka beled xaawo ,garbahaarey iyo buurdhuubo islamrkaana aysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay halkaasi


Ciidamada Ethiopia Oo Kala Cayriyey Ciidamo Dowlada KMG ah Oo Fariisin Ku Lahaa Ex Kantarool Afgooye

Ciidamada Ethiopia ee saldhiga ku leh degmada afgooye ayaa saaka ciidamadii soomaalida ahaa ee ku sugnaa degmadaasi afgooye kala wareegay bar kantarool oo loogu magac daray baar ismaaciil oo xiligii dowladii hore ee maxamed siyaad ku ooli jiray halkaasi kadib markii shalay qarax miino oo ka dhacay halkaasi .

Ciidamada Ethiopianka ah oo halkaasi lug kusoo gaaray ayaa saaka goor hore isku fidiyey goobtaasi barta kantarool ahayd iyo weliba gudaha degmada afgooye iyo deegaanada ay degan yihiin dadka soo barakacy ee carbiska iyo lafoole taasoo la sheegay inay miino baaritaano ka samaynayeen .

Sidoo kale Ciidamadii dowlada KMG ahaa ee ku sugnaa goobta barta kantaroolka ahayd ee ay la wareegeen ciidamada Ethiopia ayaan la ogayn halka ay jaan iyo ciirin dhigeen islamrkaana saaka waaberigii ku kala cararay goobtaasi kadib markii ay ciidamada Ethiopia kala wareegeen .

Mid kamid ah saraakiisha ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah ee joogay cantaroolka ex afgooye oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay inay ciidamada Ethiopia ku amreen inay baneeyaan kantaroolka tan iyo inta laga sugayo amaanka goobaha uu shalay qaraxu ka dhacay .

Dhinaca kale Gaadiidka dadweynaha iskaga kala goosha gobolada ee isticmaala wadada afgooye iyo muqdisho ayaa soo dhoweeyey arintan islamrkaana aysan jirin wax lacag ah oo saaka laga qaaday kadib markii ciidamadii dowlada KMG ah ee lacagta baada ah ka qaadi jiray oo ka baxay halkaasi .

Maxaakiimta Islaamka Oo Sheegay Inay Aad Uga Xumaadeen Sida Loo Turjumey Degista Saldhigayada Booliska .

Midowga maxaakiimta islaamka ayaa shaaciyey inay aad uga xumaadeen sida looga waramay saldhigyadii ay dhowaan dejiyeen ciidamadooda islamrkaana ku tilmaameen nasiib darro in waxyeelo loo arko degista ciidamada maxaakiimta saldhigyada booliska .

Afhayeenka dhinaca howlagalada ciidamada maxaakiimta islaamka Sh,C/raxiin Ciise Cadoow ayaa nasiib daro ku tilmaamay war dhawaan ka soo yeeray afhayeenka Ururka Al -Shabaab iyo qeybo ka mid ah Bulshada inay maxaakiimta islaamku isku mashquulioyeen qabsashada gobo cusub .

Sidoo kale cabdiraxiin ayaa gaashaanka u daruuray inuusan wararka laga sheegayo maxakiimta aysan ahayn kuwo ay u qalmaan islamrkaana aan wanaagsanayn isagoo xusay in qaar ka tirsan xoogaga islaamiyiinta ay duulaan ku qaadeen deegaano nabdoon oo sharciga islaamku ka jiro waa sdiuu hadalka u dhigaye oo ay bur buriyeen maamulkii xiligaas ka jiray halkaasi .

Sh, Cabdi -Raxiin Ciise Cadoow ayaa intaasi sii raaciyey inay muhiim tahay midnimada Mujaadidiinta islamrkaana maxaakiimta islaamku ay yihiin hooyada muqaawimada oo ay mudan yihiin ixtiraam laakiin aan laga been sheegin howlaha iyo dadaalka ay ugu jiraan dalkooda iyo dadkooda .

Dhinaca kale Afhayeen cabdiraxiin ciise cadoow ayaa carabka ku adkeeyey inaysan mar kala u dulqaadan doonin in dhibaato gayasto maxaakiimta islaamka af iyo adinba oo ay jawaab ka bixin doonaan waxii iminka ka dambeeya .

Hadalka kazoo yeeray afhayeenka maxaakiimta islaamka ayaa kusoo beegmay xili ay hore ugu eedeeyeen qaar ka tirsan bulshada qaybaheeda kala duwani inay abuurayaan kala qayabsan muwaawimada ah oo keeni kara colaad hor leh


yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS