SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

BAAQ: AQOONYAHANKA KU DHAQAN DALKA UK OO BAAQ U SOO JEEDINAYA KOOXAHA KU DAGAALLAMAYA GOBOLKA GALGADUUD.

 

B A A Q

KU: Kooxaha ku dagaalamaya gobolka Galgaduud KU: Maxaweynaha ah ee TFG Mudane Adan Maxamed Nuur

KU: Ra'isalwaasaraha xukuumadda ku meel gaarka ah Mudane Nuur Xassan Hussein - Nuur Cade

KU: Odayaasha, Waxgaradka, Indheergaradka, aqoonyahanka, Culumaa'udiinka gobolka galgaduud iyo dalka oo dhan

UJEEDO: BAAQ KU SOCDA DEEGAANADA DAGAALKU KA SOCDO

Shir maanta ka dhacay Koofur waqooyi ee Magaalada London ee dalka Ingriiska, oo lagu soo dhoweeyey Professor Ahmed Ismail Samater, ayaa si Aaad ah looga hadlay dagaallada ka soo aloosmay dalka gudahiisa, gaar ahaan Gobolka Galgaduud ee ay isaga soo horjeedaan laba kooxood oo magac Diineed huwan.

Dagaalkaas oo bilaa macnaha ah ee ka socda magaalooyinka Dhusamareeb, Guri Ceel iyo Galinsoor ama meela kalaha kale ee dalkeenna ka mid ah oo uu ku dadaadanayo dhiigga dad walaalo ah oo biri ma gooyso ah, ayaa ah mid aan loo baahneyn xilligaan oo waddankii uu weli joogo cadow soo jireen ah iyo kuwii Soomaali ku sheegga ah ee u shaqeeya oo weli dhibka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Dadkii madasha shirka ka hadlay ayaa ka wada xumaaday dhibka loo geysanayo dadka rayid ah ee maatida ah oo ay horay u aafeysay dagaallo, qax, abaaro, gaajo iyo dan-maritime dhaqaale, ayaa dadkii shirkaa ka soo qayb galay ugu baaqeen in la joojiyey dhiigaasi daadadanaya.

Shrika ka dib ay qaar ka mid ah aqoonyahanada Somaaliyeed ee Reer UK oo ku kulmay guriga Dahabo Dowlo, ayey isku afgarteen in BAAQ loo jeediyey kooxaha magaca diimeed ku dagaallamaya iney dagaalka joojiyaan oo u naxaan dadka rayidka ah ee Biri magooyda ah.

Iyaga oo sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan aysan maanta baahna dagaallo kale oo ku soo cusboonaada guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka galgaduud iyo meelaha kale ee ay dagaalladu ka jiraan, maadama ay 18 sanno ku jireen dagaallo sokooye oo arxan darro ahaa iyo kuwa shisheeye oo galaaftay naf iyo maalba, ayna ka wada shaqeeyaan nabadda iyo sidii dowlad midnimo Qaran loo gaari lahaa.

Sidoo Kale aqoonyahanka UK waxa ay ka codsanayaan Madaxweynaha KMG ah Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aaden Madaboobe) iyo Ra'isalwasaaraha Soomaaliyeed Mudane Nuur Xassan Xuseen - Nuur Cade iney awooddooda oo dhan dul dhigaan sidii daagaalada gobolka galgaduud loo joojin lahaa, loona dhexdhexaadin lahaa dadkaas walaalaha ah, iyadoo isla markaasna laga shaqeeyo sidii uusab dagaal danbe uusan ugu soo noon hobolka galgaduud iyo meelo kale oo dagaallo sidan oo kale ahi ay ka aloossan yihiin, iyo sidii Ciidamda Itoobiya ee ka soo buuxsamay gobolada dhexe ay uga bixi lahaayeen, xilli shacabka Soomaaliyeed ay wada sugayaane in Ciidamada Itoobiya ay dalka gebi aanba ks baxaan.

Waxaana aqoonyahnka Reer UK ee ka damqaday degaalada gobolada dhexe ay ayaa soo jeediyey qodobadan:-

In Dagaalka si deg deg ah oo shuruud la'aan ah lagu joojiyo

In wada hadal lagu dhexdhexaadinayo kooxaha is haya loo furo.

In odayaasha dhaqanka iyo culumaa'udiinka gobolku ay isutaagaan sidii ay heshiis dhaxalgal ah uga sameeyn lahaayeen gobolka, si aanu dagaalku ugu soo noq-noon.

In Shacabka Reer Galgaduud iyo meelaha kale ee khilaafaad ka jiraan ineysan la kala safan kooxaha isjaya, kana shaqayaan sidii nabad buuxda ay uga dhalan lahayd gobolka Galgaduud iyo meelaha kale ee soomalaaliya ee colaadu ay ka hol ceyso.

Dadka Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa iney baaqyo iyo waano u diraan kooxaha magaca diimeed ku dagaalamaya oo shacabka Soomaalidu waa islaame aan dhiigooda la xalaaleysan.

Dadka reer Galgaduud iyo ummaddaha deggan goobaha kaleba waxa ay baahan yihiin nabad iyo caano ee xabad iyo barakicin umma baahanna ee halaga joojiyey dada biri ma gooysada ah.

Dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga waxaa laga codsanayaa meel kasta oo ay joogaanba iney gurmad dhaqaale u fidiyaan dada maatada ah ee ka barakacay dagaalada ka soo cusboonaaday gobolka galgaduud.

Ugu danbeyn aqoonyahanka Reer UK, waxa ay tacsi u dirayaan dadkii ku geeriyooday dagaalada gobolada dhexe ee magic diimeed maato loogu xasuuqay iyagoo ilaahey uga baryaya in Alle u naxariisto, dadkii ay ka tageen samar iyo iimaan uu siiyo, kuwii dhaawaxmayna uu ilaahay ka shifeeyo.

Magacyada hoos ku qoran ayaa ku hadlay afka Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee reer UK.

  • 1. Dahabo HajI Isse (Dahabo Dowlo)
  • 2. Ahmed Abdi Dahir (Ahmed Shell)
  • 3. Sahra Cali Hassan (Sahro Daanduush)
  • 4. Mahamed Moalin
  • 5. Kamaal Hersi
  • 6. Cusmaan hajI cumar (Faalko)
  • 7. Said Ahmed (Saciid Nabadoon)
  • 8. Cumar Saleebaan Cali
  • 9. Amed Askir Cabdi
  • 10. Said Ahmed Kediye
  • 11. Mahamed Cabdi (Afweyne)
  • 12. Abdirahman Macallin Cali (Runkinet)
  • 13. Mahamed Xaji (Ingriis)
  • 14. Jaamacay
  • 15. Mohamed Diini
  • 16.Jaamac
  • 17. Mohamed Warsame
  • 18. Khalif Bidaar
  • 19. Mohamed Khayrre
  • 20.MuseAli Abdullah Cali Hiirad
  • 21. Ducaale Ciise Yusuf
  • 22. Cabdulrahaman Yusuf Mohamoud
  • 23. Mohamed Warsame Cali Barre (Xoogweyn)
  • 24. Xaji Xassan Nuur (col-u-joog)
  • 25. Yaasin Bulsho
  • 26. Abuukar maxamed Cabdi
  • 27. Mohamed Cawaale
  • 28. Mohamed Salaad
  • 30. Cabdillahi Agid

Wixii faahfaahin ah kala xiriir Dahabo HajI Isse (Dahabo Dowlo)

Dahaboisse@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS