Aqoonyahanada Puntland oo la kulmay Xildhibaanada iyo musharaxiinta
Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Aradayda Puntland (PSA) iyo
Aqoonyahanada Puntland ayaa waxuu ka dhacay Hoolka baarlamaanka Puntland waxaana
ka soo qayb galay xildhibaano, musharaxiin, Aqoonyahano iyo isimada Puntland.
Ujeedooyinka kulankan oo ahayd in lagudbiyo dareenka Aqoonyahanada iyo bulshada
Puntland ee ku wajahan doorashada iyo xaaladay marayso Puntland, laguna wacyi
galiyo xildhibaanda in ay doortaan madaxwayne leh karti iyo aqoon uu kaga saaro
Puntland marxaladan adag ay marayso, Iyo in ay is arkaan ayna is dhaafsadaan xog
xildhibaanda iyo musharaxiinta jagada madaxwaynaha Puntland .

Ugu horayntii waxaa goobta ka hadlay shiikh C/rasaaq Xuseen Ciise waxuuna
xildhibaanada ku waaniyay in ay ilaahay ka cabsadaan doortaana hugaamiye ka
shaqeeya cadaalada iyo hurmar, waxuuna shiikhu xasuusiyay xildhibaanada ahmiyada
iyo culayska Amaanada saaran xildhibaanada iyo in ilaahay kula xisaabtami doono
qofkii amaanada say tahay ugudan waaya.
Waxaa ku hadlay magaca aqoonyahanada Puntalnd Maxamed Yuusuf waxuuna soo
bandhigay argtida aqoonyahanada ee ku wajahan doorashada iyo tilmaamaha
hugaamiyaha loo baahan yahay in la doorto xiligan.
Marwo: caashe geele ayaa kamid ahaa dadkii kulanka ka hadlay waxayna soo
jeedisay shaqada iyo masuuliyada saaran xildhibaanada.
Aqoonyahano, culumo iyo waxgarad kala duwan yaa ka hadlay goobta waxayna
xildhibaanda kula taliyeen in Puntland ay marayso xaalada adag una baahantahay
badbaado laguna bad baadin karo kaliya iyadoo ladoorto hugaamiye karti iyo aqoon
leh oo ka saara xaaladan adag , sidoo kale waxaa xildhibaanda looga digay in ay
qabiil iyo qof jaclaysi wax ku doortaan taasoo horoseed u noqonaysa burbur iyo
dib u dhac soo food saara Puntland,

Waxaa sidoo kale loo jeediyay talo iyo tusaalaba musharaxiinta kana hormariyaan
danta guud danahooda gaarka ah una naxaan shacabka dhiban aysan ka mid noqona
dhibaha shacabka haysata sidoo kale inay muujiyaan tanaasul dhex dooda ah si loo
helo isbadal dhanka fiican ah.
Ugu danbayntii kulanka waxaa ka hadlay qaar kamid ah musharaxiinta jagada
madaxwaynaha Puntland waxayna soo ban dhigeen fikirkooda siyaasadeed oo ay ku
dhaqayaan Puntland.
Gabagadii kulanka waxuu ku dhamaaday qiiro iyo masuuliyad ka muuqatay
xildhaabanada iyo musharaxiinta iyo isfaham dhexmaray aqoonayanada iyo
xildhibaanada.
Abdifitah Mohamed Sugulle
cabdisugulle@hotmail.com
xiriiriyaha Kulanka Aqoonyahanada Puntland
Garowe –Puntland –Somalia