Ogeysiis : Waa maxay khatarta ku soo socota Soomaaliya?
Kulan lagu qaban Doono Jaamacadda Preston Ajman
Soomaalida ku nool wadanka Imaaraadka Carabta waxaa la
ogeysiinayaa in lagu qaban doono kulan ku saabsan warbixintii
ugu danbeysay ee arimaha siyaasadda, bulshada, waxbarashada,
nabadgalyada, dhaqaalaha iyo khatarta weyn ee ku soo fool leh
Soomaaliya.
Waxaa warbixintaas ka hadli doona rag badan oo aqoonayahanda,
siyaasiinta iyo waxgaradka soomaaliyeed, kuwa ugu firfircoon,
aad iyo aad ayay u farabadan yihiin aqoonyahanada, siyaasiinta
isugu imaan doona kulankan, laakiin waxaa ugu horeeya:-
Dr Zakariye Maxamud Haji Abdi, Gudoomiye ku xigeenka
isbahaysiga Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Garabka wadaniga.
Waxaan laga codsanynaa jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan
wadanka Imaaraadka in ay ka soo qeyb galaan dhamaan rag iyo
dumarba, fadlan wakhtigana ilaaliya, si aan uga tashano
khatarahaas halista ah.
Xaruntu waa, Jaamacadda Preston Ajman
Preston University in Ajman
Waxaa ay u dhow dahay Safeer Mall Ajman
Wakhtiga iyo maalinta:- 08/01/2009 Khamiista
16:00pm ---19:00pm
Salaada Casar waxaan ku tukankarnaa jaamacadda
Masaajidkeeda.
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriiri kartaan:-
Dr Hassan Mattaan
0504909413/ 0558314815
mattaan007@gmail.com