Kooxda Vlaardingen oo ku guulaysatey koobka Amsterdam Futzal Tournament 2008
Sawiro ciyaaraha Halkan ka daawo...
Amsterdam 05.01.2009. Waxaa magaalada Amsterdam lagu qabtey sidii cadaadu ahayd
markii 4aad Amsterdam Futzal Tournament 2008 27 iyo 28 december, sannadkan
koobka waxaa lagu magacaabay Farah Weheliya Cadoow “Sendiko Cup” oo allaha u
naxariistee ahaa Nin sport Soomaaliyeed qeyb ka soo qaatay, dhawaana ku
geeriyooday dalka Masar.
Sannadkan tartanka oo aad u balaarnaa ayaa waxaa ka soo qayb galey 12 kooxood oo
kala ahaa:
Hirda Amsterdam, Somvoa Amsterdam, Vlaardingen, Rotterdam, Alphen a/d rijn,
Nedsom Denhaag, Amersfoort , Nijmegen, Tilburg, Maastricht , Zaandam iyo Sobsi
Belguim
Tartanka inta uusan bilaaban dhalinyarada waxay ka qayb qaateen barnaamij dood
ah (Debate) oo ay soo diyaariyeen ururka Hirda, barnaamijkaas oo looga hadlayay
waxyaabo badan oo ku saabsan waxbarashada iyo Horumarinta Somaliya oo ay soo
diyaariyeen Faduma Farah iyo Suaad Abdi

Tartanka oo aad u xiisa badnaa ayaa kooxahii ka qaybgalay waxaa loo qaybiyay
labo qaybood oo is wada arkay.
Qaybta kowaad A:
Hirda, Alphen a/d rijn, Sobsi, Nedsom, Somvao, Tilburg
Qaybta labaad B:
Rotterdam, Maastricht, Zaandam, Amersfoort, Nijmegen, Vlaardingen
Wareegii labaad (Semi-final) ee tartanka waxaa iskugu soo haray kooxaha kala ah
Vlaardingen 1 V Tilburg 1
Sobsi Belgie 2 V Maastricht 2
Kooxaha isugu soo baxay semi finalka waxay soo badhigeen ciyaaro aad u qurxoon
isla markaana farsamadoodu sareyso. 4 kooxood ee iskugu soo harey Semifinalka
,waxayna isla dhaafi waayeen dhamaantood barbar dhac ugu dambayntiina waxay ku
kala hareen rigoorayaal , halkaas waxaa Finalkii iskugu soo baxay kooxaha kala
ah
Vlaardingen V Sobsi Belguim waxay guushii ku raacday kooxda Vlaardingen oo
dhalisay 3 Goal halka kooxda Sobsi ay dhaliyeen 1 goal oo qura.
Tartanka waxaa kasoo qayb galay dadwayne aad u badan oo ka kala yimid dalka
Holland gobaladiisa iyo wadamada dariska la ah. Dadwaynaha waxay u badnaayeen
dhalinyaro iyo dadka ciuyaaraha xiiseeya.
Gabagabadii tartanka waxaa ka hadashay Fadumo Farah oo ka warbixisay ujeedada
loo qabto tartankaan isla markaana cadaysay inay qaban doonaan sanad walbo
Amsterdam Futzal Tournament ayna u furan tahay cid kasta oo danaynaysa inay ka
soo qayb gasho, kadibna waxaa halkaasi ka hadlay ciyaartooydii ka soo qayb
gashay tartanka qaar ka mid ah oo ka mahadceliyay qabashada koobkan sanad walbo
iyo sida ay ugu faraxsan yihiin , iyagoo amaan gaar ah u soo jeediyay ururka
Hirda.
Koobabka tartanka waxaa gudoonsiiyay dhalinyarada dadka martida sharafka u ahaa
HIRDA iyo mas’uuliyiin ka socotay urrurada HIRDA iyo SOMVAO. Koobabka waxaa loo
kala helay sidatan:
Mudane Cigaal oo ah gudoomiyaha ururka Hirda ayaa gudoonsiiyay abaalmarin
Garsoorihii ugu wanaagsanaa, mudane C/rashiid oo ah garsoore Somali ah isla
markaana noqday garsoorihii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo qabta ciyaaraha
Amsterdam Futzalka, isagoo haysta shahaado garsoorenimo dalka Biljamka.
Magan Dahir Yusuf oo ah xidiga kubada miiska dalka Holand ayaa isna gudoonsiiyay
Ciise laacibka sanadka Amsterdam Futzal tournament 2008
Mudane Kalkaal oo booqasho ku joogaydalka Holland isla markaana ah macalin koox
ka dhisan dalka Norway ayaa kaalinta 3aad gudoonsiyay kooxda Maastricht.
Mudane Ali Ware gudoomiyaha SOMVAO ayaa kaalinta 2aad gudoonsiiyay kooxda Sobsi
Biljamka
Mudane Mohamed Deeqow Jekson oo ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda Horseed isla
markaana ka tirsan bahda Sports Sweden ayaa koobkii kaalinta kowaad Amsterdam
Futzal Tournement 2008 gudoonsiiyay kooxda Vlaardingen. Kooxda Vlaardingen waxay
muujiyeen ciyaar wanaag iyo team spirit taas oo keentay inay noqdaan horyaalka
A’dam tournament 2008.
Kooxda Tilburg oo dhawaan koobka futzalka ee Sweden soo qaaday ahaydna kooxda
haysatey koobka a’dam tournament 2007 aad bay u ciyaar wanaagsanayeen balse
regoore ayaa looga badiyay. Kooxaha Maastricht, SOBSI iyo kooxda HIRDA ayagana
wqaxay muujiyeen ciyaar wanaag iyo edaab. Guud ahaan kooxihii ka soo qaybgalay
tartanka waxay ahayeen kooxo aad iyo aad u ciyaar wanaagsan oo qanciyay dhamaan
dadwaynihii daawashada u yimid.
Tartankii sanadkaan Amsterdam futzal tournament 2008 waxaa loogu duceeyay
looguna tacsiyeey dhamaan eheladii asxaabtii iyo qoyskii uu ka tagay allaha u
naxariistee Macalin Omar Maxamed “Ayeelo” oo ka tirsanaa jaaliyada Soomaalida
Holland isla markaana ahaa saaxiib urrurka HIRDA. Waxaa kaloo isna loo duceeyay
Farah Weheliye Cadoow Sendiko allaha u naxariistee
Maamulka Hirda ayaa si gaar ah uga mahadcelinaayo dhamaan dhalinyaradii ka soo
qayb gashay tartanka iyo dadkii gacanta ka gaystey inuu si wanaagsan ugu
qabsoomo tartanka Amsterdam Futzal tournament 2008.
Tartanka Amsterdam Zaalvoetbal Tournament waxaa lagu qabtaa sanad walbo
aaqirkiisa bisha December magaalada Amsterdam, waxaana tartanka martigaliya isla
markaana dhalinyarada u sameeyo barnaamijyo aqoon is waydaarsi ah ururka Himilo
Development Organisation ‘’ Hirda’’.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor sspamedia
mrsomalia@hotmail.com