SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Afhayeenka dhaqanka beesha Muddulood oo qeyla-dhaan heer caalami ah ka soo saaray xariga Maxamed Dheere

Waxaa weli si is daba joog ah u soo baxaya baaqyada iyo codsiyada lagu dalbanayo in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Guddoomiyihii hore ee maamulka G/Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere), iyadoo saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen bannaanbaxyo lagu dalbanayo in lagu sii daayo Maxamed Dheere.

Sidoo kale bannaanbaxyo looga soo horjeedo xariga sharci darrada ah iyo waliba hubka sida sharci darrada ah looga qaaday Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa waxay maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayeen Muqdisho, iyadoo dadweynaha isugu soo baxay bannaanbaxyadaasi iyo waliba mas’uuliyiinta ka hadashay ay dalbadeen in si degdeg ah oo aan shuruud ku xirneyn xoriyadiisa dib loogu soo celiyo, isla markaasna loola dhaqmo sidii qof muwaadin ah oo Soomaaliyeed.

“Ciidamada Itoobiya xaq uma laha, sharcigana ma ogola in muwaadin Soomaaliyeed oo dalkisa ku sugan ay xabsi u taxaabaan, taasina waxay keeneysaa cawaaqib xumo” ayay yiraahdeen mas’uuliyiin ka hadlayay bannaanbaxyadii ka dhacayay Muqdisho.

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka beelaha Muddulood Xasan Cali Maxamuud (Waranto) ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku dalbanayo in la sii daayo Maxamed Cumar Xabeeb, iyadoona qoraalka afhayeenka beesha Muddulood loo kala diray Ururka IGAD, Dowladda Itoobiya, AMISOM, Midowfa Yurub, Dowladda Mareykanka qeybteeda qaabilsan arrimaha Afrika, waxaana qoraalkaasi oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Odayaasha dhaqanka beesha Muddulood Md. Xasan Cali Maxamuud (Waranto) isla markaasina sidiisa aan idinkugu soo gudbinay uu u qornaa sidatan:-



Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS