SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

AL-shabaab yaa macallin u ah ???!!!!

Maqaalkan oo daba socda maqaallo xariir ah oo ku soo baxay Hiiraan on line ayaan markaan akhriyey seddexdii maqaal ee iga horeysay ayaan garwaaqsaday in arrinku yahay nin bukaa Boqol u talisay ama maahmaah xirfadeed ah afar nin oo indhoole ah ayaa ninba meel ka taabtay maroodi kii dhagta taabtay ayaa ku tilmaamay wax ballaaran oo jilicsan,kii lugta la taabtayna wuxuu ku tilmaamay wax adag oo la mid ah geed jiriddis,kii ka taabtay duudka weyna wuxuu ku tilmaamay wax qara weyn oo guri oo kale ah,kii ka taabtay dabada seynta wax dhuuban tin leh.

Arrinkaas waxa la mid ah sida dadka soomaaliyeed ugu wareereen dhallinta cusub ee Al-shabaab.

Maqaalkii abuu Alxaaji wuxuu ahaa mid ku khaldamay ku sheegidda uu ku sheegay Al-hijra wal takfiir mid aan sax aheyn oo la mid ah in uu maroodigu yahay wax adag,waana kaaf iyo kala dheeri ,wey jiraan Qaar soomaalida ka mid ah oo Al-hijra wal takfiir ah waliba waa labo nooc ah mana ka qeyb galin guud ahaan dagaaladaas ka socda maanta soomaaliya.waxaana si fiican u radiyey cusmaan oo waliba sheegay magaca uu isku qariyey ee A-haaji.

Maqaalka muuse yusuf wuxuu ahaa mid ka tarjumaaya su,aalo fara badan oo jacbur ah oo lagu wax yeeleynaayo wax qabadka islaamiyiinta guud ahaan naguna soo celinaayo dhaqamada ka hor imaanaya islaamka guud ahaan sida suufiisamka iyo Qaar ka mid ah dhaqankii awoowayaasha ee diinta khilaafsanaa.

Haddaba Al-shabaab waa dhalin Qaarkood ay la xiran yihiin xarakada jihaadiyiinta ee ka jirta Afqaanistaan ee uu madax u yahay Usaama bin ladin iyo Dr. Ayman Al-dhawaahiri.

Haddaba waa kan Maqaalkeygii aan wax kaga iftiiminaayey dhallinta Al-shabaab.

Horudhac:

AL-shabaab waa magac ku soo biiray saaxadda soomaaliya sannadkii 2006 kii ,waana cudud islaami ah oo tiigsanaaya xukun islaami ah in dalka laga hirgasho.

macnaha Al-shabaab waa erey Af carabi ah oo micnihiisu uu yahay dhallinyaro,sababta loogu bixiyeyna waxaa laga yaabaa in ay dhallinyaro u badan yihiin.

AL-shabaab maxay gudaan:

AL-shabaab waxay muujiyeen inta ay jireen in ay difaacaan dalka oo ay ka difaacaan Cadawga ku soo duulay ee soo jireenka ah waa cadawga ethiopia.

Taasna waa mid ay ku amaanan yihiin dhaawaca ay u geysteen cadawgaas,waxaana Allaah uga baryeynaa kuwii ku shahiiday difaaca Diinta & dalka in Allaah janandii fardowso galiyo,kuwa dhaawaca ahna uu Allah shaafiyo.

Runtii kooxaha dibi xoreynta soomaaliyeed oo idilba maanta soomaaliya waa ku fakatay, Allaahna wuu jabshay Amxaaradddii iyo kuwii kalkaalaayey.

Maanta soomaaliya lagama difaacin somaliland & puntland ee waxaa laga difaacay Muqaawamada ka dagaalameysa gobolada koonfureed oo idil,marka lagu daro Al-shabaab.

Al-shabaab maxaan ka fileynaa markii wadanka la xoreeyo:

AL-shabaab waxaan ka fileynaa in ay dadka soomaaliyeed wax la qeybsadaan oo talo soomaaliyeed ku shaqeeyaan,markaas waxay noqonayaan dad ka mid ah hormuudka soomaaliyeed iyo halyeeyadii dibi xoreynta soomaaliyeed sidii SYL.

Haddiise ay la yimaadaan talo ka baxsan soomaalinimada oo ay dhahaan debbadda ayaa nalaga maamulaa,waxaan ku xiran nahay Afqaanistaan oo Alqaacidaa na maamusha ,taas waxay noqoneysaa mid aysan soomaalida xorta ah aysan ku raacin.

waxaanna leenahay aayaddii Quraan ka aheyd :( wamaa qowmu Luudhin minkum bi baciid) !!! oo macnaheedu yahay reer luudh wixii ku dhacay idinkama foga !!!

haddaan jilciyo waxaa waaye Talibaankii Afqaanistaan khaladkii ay galeen ma soo celin karno !!! muddo lix sanadood ah ayey Afqaanistaan ka talinmaayeen,adduunkoo dhanna waa u darbanaa Pakistan & Sacuudi Carabiya & khaliijka oo dhan ayaa ictiraafay, meeshii ay ku danbeeyeena waan aragnay.

AL-shabaab macallinkiina dhageysta haddii aad wax Akhrisaan :

Bishii hore ee sep.17,2008 keedii ayaa wargeyska codka dheer ee AL-sharqi Awsad ee afka carabiga ku soo baxa ayaa wuxuu qoray maqaal dheer uu kaga hadlaayo warqad uu madaxa labaad ee AL-qaacidda DR. Ayman AL-dhawaahiri uu u diray Ninkii la dilay ee AL-zarqaawi ee Ciraaq ka dagaalamaayey 2005, markii ay isku soo dhawaadeen kooxdii AL-zarqaawi ee xarakatu Tawxiid iyo AL-qaacida , warqadaas oo aheyd dardaaran uu DR.Ayman AL-dhawaahiri kula dardaarmay AL-Zarqaawigii Ciraaq ( Maantana ay mudan tahay AL-shabaab in ay ku dhaqmaan ileeyn ayagaba wey khuseysaa haddii DR. Ayman uu macallin u yahay )!!!!(1)

Waa kan Dardaarinkii DR. Ayman AL-Dawaahiri ee AL-shabaab dhagaha fura:

[ AL-zarqaawi ha ku dhicin khaladkii ay galeen AL-Taalibaan markii ay xukumaayeen Afqaanistaan, waxay sameeyeen xukunkii ayey isku koobeen ayaga iyo xoogaa reer Qandihaar ah oo dadkii kale ee afqaaniga ahaa wey takooreen siyaasaddana kama qeyb galin,taas ayaa keentay in AL-taalibaan la noco oo la isku baheysto in la rido.

marka dadka reer ciraaqna sidaas oo kale haka dhigin ee dadka soo dhawee .

waana in aad isticmaashaa dagaalka & siyaasaddaba. Dagaal siyaasad la,aan ah ma soconaayo ,dadka reer ciraaqna ha iska fogeynin kuligood soo dhawee.

Jooji dagaalka aad ku heyso shiicadda reer ciraaq siiba in aad masaajidadooda qarxiso.

waxaad kaloo joojisaa dadka Ajnabiga ah ee aad gowraceyso, ha ku sirmin dhallinta xamaaseysan ee falkaas ku faraxsan ee kugu magacaaba Shiikhii Gawraca] !!!!.(2)

Runtii dardaarankaan ka soo baxay DR.Ayman waa mid qaadasho mudan oo ay habooneyd in uu qaato AL-zarqaawi,haatanna ay mudan yihiin in ay AL-shabaab ay qaataan waa haddii uu DR. Ayman uu yahay macallinkooda.

waxaan dhageysanay qaar ka mid ah oo leh waxaan nahay ardadii shiikh Usaama & DR.Ayman ,marka dardaarankaas qaata haddii aad tihiin arday dhago fudud ,haddii kale miyaa ha u abtirsanina xarkadaas oo loo yaqaano xarakati AL-Jihaad oo asalkeedii ka soo aasaasantay Masar.

Marka waxaan maqaalkeyga AL-shabaab yaa macallin u ah?ku soo gabagabeynayaa in aysan AL-shabaab noqonin labaatan jir intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa,marka marnaba talada Soomaaliyeed ha ka dhex bixina ayaan leeyahay.

fii amaani laah

Sahid maxamed yusuf,VA USA

Mutakhasis fil xarakaat Al-Islaamiyah

sahid_yusuf@yahoo.com .

  • 1) jariidada AL-sharqi AL-awsat cadadkeedii 17 sep,2008.
  • 2) AL-shabaab waa in ay macallinkooda ka danbeeyaan.
  • 3)AL_shabaab kuma amaanna in ay wax garadka soomaaliyeed dilaan haddii uu fikradooda ka soo jeesto,waana in ay iska dheereeyaan dadka magacooda ku qaraabanaaya.

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS