SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Dagaalo Kulul Oo Sabtidii Markale Ka Qarxay Magaalada Guray Ceel Ee Gobolka Gal-guduud

Dagaalo lagu hoobtay ayaa manta mar kale ka dhacay magaalada guray ceel ee gobolka gal guduud kuwaasoo u dhexeeyey ururka al-shabaab iyo kooxda la baxday ehlu suna kuwaasoo sababay dhimashada inta laga war bixiyey 7-qofood oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamayey iyo dhaawaca oo la sheegay tiro intaasi ka badan .

Dagaalka oo la sheegay inuu ka qarxay duleedka magaalada guray ceel ayaa lagu soo waramayaa in kooxda magaalada gacanta ku haysay ee la baxaday ehlu sunna ay weerar ku qaaday fariisin ay deganayeen kooxda al-shabaab islamrkaana dagaalkaasi laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan .

Sidoo kale isbitaalka magaalada guray ceel oo ay saxaafadu la xiriirtay ayaa la sheegayaa inuu iminka marayo xaalad uu la ciir ciirayo dhaawaca dagaaladan ay dhaliyeen kuwaasoo ay gabaabsi ka tahay daawada balse ay dadaalayaan masuuliyiinta isbaitaalkaasi islamrkaana ay sheegeen in dhaawacyada maanta soo gaaray ay kor u dhaafayaan ilaa tobaneeyo qof oo xaaladoodu aad u liidato .

Dhinaca kale ma jiraan warar dhex dhexaad ah oo laga helayaa dagaaladaasi ilaa iyo iminka halka laysla marayo waloow ay jiraan goob joogayaal saxaafada uga war bixiyey dhimashada iyo dhaawaca oo ay sheegeen inay tirada dhaawaca iyo dhimashadu inay intaas ka badnaan karto.

Dagaalka maanta ka dhacay magaalada guray ceel ayaa kusoo beegmay xili mudo sadex maalmood ahi uusan dagaal ka jirin goobaha maanta dagaalku ka dhacay islamrkaana ay dadka rayidka ahi ee deegaanaasi ay ku naaloonayeen in dagaalku uusii qaboobayo


Afhayeenka Ciidamada Maxaakiimta Sh,C/raxiin Oo Sheegay Inay Amaanka Muqdisho Sugi Doonaan

Afhayeenka golaha Maxaakiimta islaamiga u qaabilsan dhinaca Howgalada Ciidanka Sh, C/raxiin Ciise Caddow ayaa shaaca qaaday la wareegi doonaan saldhigyada ciidamada booliska si loo adkeeyo amaanka dadka shacabka ah .

Sh,Cabdi raxiin oo la hadlayey saxaafadda maanta ayaa war bixin kka bixiyey ciidamada saaka la wareegay sadex goobood oo ka tirsan saldhigyada degmooyinka huriwaa ,Hodan iyo howl-wadaag islamarkaana cadeeyey in ciidankani uu ka tirsan yahay xoogaga maxaakiimta islaamka ee mucaaridka islamarkaana la doonayo inay wax qabtaan amaanka magaalada caasimada ah ee muqdisho .
Cabdi raxiin Ciise caddow ayaa sidoo kale sheegay in goobaha ay iminka gacanta ku ahayaan ay sugi doonaan amaankooda waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana aysan cidna ugu dan lahayn la wareegista goobahan cusub oo xiliyadii hore saldhigyo milatari u ahaa ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia oo iminka iskaga baxay.

Mar ay saxaafadu wax ka weydiisay Cabdi raxiin inay hadii ay ciidamada Ethiopia ay wada baxaan magaalada muqdisho ay gacan ku haynteeda la wada wareegi doonaan iyo in kale ayaa ka gaabsaday su,aashaasi .

Dhinaca kale afhayeenka maxkamadaha islaamka dhinaca milatariga ayaa carabka kusii adkeeyey inay sii wadi doonaan sugidda amaanka caasimada muqdisho iyagoo kaashanaya shacabka ku dhaqan gobolka banaadir islamrkaana meesha ka saaray inay inay cidna kazoo horjeedaan ,tilmaamayna inay culumo udiinka soomaaliyeed looga baahan yahay inay xaliyaan khilaafka ka dhex jira culumo udiinka .

"waxaan jeclahay in dhamaan Mujaahidiintu ay midowbaan maadama ay ka guuleysteen cadowgooda". ayuu yiri Sh, Cabdi raxiin Caddow

Si kastaba ha ahaatee magaalada muqdisho ayaa manta laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo milatari oo ay ku talaabsadeen ciidamada mucaaridka dhinaca sh shariif taasoo ay dadka badankiisu soo dhoweeyeen waloow ay dayow kalena qabaan inay keeni karaan khilaaf siyaasadeed oo kale oo ka dhex abuurma xoogaga islaamiyiinta .


Yaasiin Maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS