Xikmada ku jirta kala soocidda Caado iyo DhaqanXilli
walba waxay bani aadamka ku qasban yihiin in ay isdul taagaan
dhibaatooyinka nolosha kala soo darsa iyagoo isku dayaya sidii
ay dhibaatooyinkaasi xal ugu heli lahaayeenn, tiiyoo ujeedada
kadambeysa raadinta xalkaasi yahay, tiigsashada badhaadhaha ay
bulshadaasi ku naalooneyso. Dhaqanka iyo caadadu waxey doorweyn
ka ciyaaraan gabi ahaanba hab nololeedka bulshooyinka aadanaha.
Sidaa darteed hadii lagu guuleysto kala shaandheynta labadan
erey “Dhaqan Iyo Caado”, oo aan isleeyahay baraaruga noocan ahi
bulshada Soomaaliyeed maanta wey u baahan tahay si ugu yaraan
meesha la’inaga haysto aynu u garan laheyn, taas oo fure u ah
kabixitaanka dhibta dabada dheeraatay ee bulshada Soomaalieed ku
gedaaman. Hadaba qoraalkan kooban waxaan kusoo bandhigi doonaa
kala duwanaashaha labada erey ee “Dhaqan iyo Caado”, sida ay u
kala duwan yihiin, micnaha ay xambaarsan yihiin iyo sida
bulshada Soomaaliyeed adeegsigooda ay isugu qasaan inta nadan.
Ereyga caado wuxuu cabirayaa wax mar inta ay bilowdeen
dadkuna caadeysteen yuusanba wanaagsanaanine. Tusaale ahaan
ereyga “Nasab Dhiman” oo micneheedu yahay hebel waa Midgaan,
Tumaal, Gabooye iyo Yaxar dhamaantood waa caado bulshada
Soomaalieed da’ba da’da ay ka dambeysay ka dhaxashay. Iyadoo
aynu wada ognahay saamenta foosha xun ay ku leedahay ruuxa
Soomaaliga ah ee bulshadu ugu yeedho weedhahaasi, hadana
bulshada Soomaaliyeed wey caadeysteen, in ay katagaana wax
sahlan agtooda kama aha. Hadaba hadii aynu eegno dhanka luqadaha
ajnabiga sida midda ingiriiska; ereyga Caado wuxuu ku yahay
“Tradition” asalkiisu waxa uu kasoo jeedaa Latin “Traditio” oo
micneheedu yahay, “To betray to deceive to surrender”. Hadaba
ruuxa Caado raaca ah, waa ruux khiyaamay mustaqbalka nolashiisa,
halkii uu buuga noloshiisa waagii baryaba baal cusub ka furi
lahaa ayuu baal qudha ku celceliyaa, mustaqbal lasheegaana ma
jiro markaa, kol hadii wixii tagay la’iso dhiibo, jiilba jiilka
ka dambeeyana waxey ku gowracan yihiin wixii kuwii ka horeeyay
wakhtigu ku seegay in ay meeshaas kasii wadaan.
Balse ereyga Dhaqan ingiriis ahaan waa “Culture” wuxuu ka
yimid ereyga “Cult” oo lamid ah “To cultivate, which corresponds
virtue, goodness and integrity of peasant life”. Waxwalba oo
fiican hadii ay sifo kuu noqoto waxey kamid noqotaa dhaqankaaga,
ruuxuna wuu ku faani karaa, sida; runta, cadaalada, deeqsinimada
iyo marti galinta IWM. Micnaha af Soomaali ahaanna kaa ayuu ku
dhowyahay, oo wuxuu ku yahay, “Dhaqan” oo lamid ah hufnaan,
nadaafad ama ceeb ka saliim “To be clean, fresh and
unblemished”. Waxaan xusuustay ujeedada ka dambeysa magaca
“Dhaqane” in loola jeedo “Qof xumaan ka nadiif ah” oo hadii aanu
sidaa aheyn, maxaa loo arki waayay ruux labaxa magaca “Caado”?.
Yacnii farqiga u dhexeeya waa mid muuqan kara markii nolosheena
lagu dabbaqo labadan erey ee “Caado iyo Dhaqan”.
Hadii aan si kale doodan u yarehe caddeeyo, “Caado iyo
Dhaqan” isgoys ay ku kulmaani ma jiro, balse halka Caadadu ku
dhamaato ayuu dhaqanku kabilowdaa. Hadii taxliilka Ibnu Rushdie
ee labadan qodob lagu qanco, wuxuu dhalinkaraa in lagu baraarugo
khatarta caadadu ku hayso qiyamka insaanka/dhaqanka.
Hadaba muxuu ka aaminsan yahay Ibnu Rushdi “Dhaqanka iyo
Caadada”?
Kitaabkiisa layidhahdo “Fasl al-Maqaal” wuxuu ku leeyahay
Ibnu Rushdi, Taqliidku “Waxa qoorta laguu sudho” waxey
fasahaadisaa Fidrada/Dhaqanka, maxaa yeelay Ibnu Rushdi ma aanu
aaminsana in, fidrada/dhaqanka labadeli karo (Laatabdiila
likhalqi laahi), balse in taqliidku/caadadu wasakheyso
fidrada/dhaqanka.
Luqada Carabiga Caado waxay ku noqotaa Taqliid oo micno ahaan
ku ah, wax qoorta laguu sudho, lagugu astaansado, waa adigoo
lagu yidhaahdo waxaas baad tahay, walow aadan dooranin, lagana
yaabo in aanad dooneynin, hadana laguu tuso inaad ku khasban
tahay. Sidaadarteed rasuulku (SCW) wuxuu yidhi waxaa la’iisoo
diray dhameystirka makaarimil akhlaaq/dhaqanka wanaagsan,
islamarkaana dadka luquntooda laga furfuro silsiladaha
taqliidka/caadada.
Hadaba waa maxay Caado?
Marmar wey dhacdaa, qofku isagoo ujeeda inuu yidhaahdo, caado
xumo, inuu dhaqan xumo yidhaahdo, balse waa adigoo dhanka kale
yidhaahda, “Wanaag xun” ama “Xumaan fiican”, dhaqanku ma xumaan
karo, sida aaney caadadu u fiicnaan Karin. Sidan ayaana loo kala
sooci karaa;
Dhaqan |
Caado |
Ixtiraamka |
Xaqirista=(Midgaan, Tumaal iwm) |
Iscafinta |
Aanada |
Runta |
Been |
Naxariista |
Utunta Cadaawada |
Qalbi wanaaga |
Ciil kama koranimada |
Midnimada |
Qabiilka/qabyaalada soocan |
Marti galinta |
Marti heyb ku dhibaateynta |
Xishoodka |
Sariig la’aanta |
Xalaal quudashada |
Xaaraan cunista |
Sinnaanta |
Eexda |
Alla kacabsiga |
Aakhiro moognimada |
Caqliga wanaagsan |
Caadifada sumeysan |
Damaca wanaagsan |
Damac xumada |
Akhristow maxaad ku fasirikartaa markii Cumar BInu Khadaab uu
kawaramayay caadadii soo jireenka aheyd ee uu awowyadii ka
dhaxlay, kuna saabsaneyd gabdhaha oo lanolol xabaalo,,,? Eeg
taasi caado Carbeed oo xitaa Qur’aanku si ba’an u weeraray bey
aheyd!. Midda kale Caado cusub oo dhanka siyaasadda Soomaalida
baryahan kusoo biirtay bal iyana is dultaaga. Maxaad ku tilmaami
kartaa “Point five” ka “Others” Soomaalidu (Afarta kale) ku
sunteen dad walaaladood ah oo Soomaali ah, waxaan kawadaa “4.5”
dhanka awood qeybsiga laxidhiidha.
Caado waa wax dadku joogteystaan, iska dhaxlaan, isku kala
soocaan, isku dulleystaan oo ay kukala sad bursdaan. Tusaale
ahaan markii Qu’aanku dhaleeceynta usoo jeediyay qolyihiin
caadooyinka aabayaashood ay kasoo gaadheen ku dhegenaa, oo
markii lagu yidhi waxan aad caadeysteeni muxuu yahay? Waxey ku
jawaabeen “Innaa wajadnaa caleyhi aabaa’anaa, awalow kaana
aabaa’uhum laa yacqiluuna shey’an walaa yahtaduun”, bal kawaran
buu Ilaahay Yidhi; hadii aabayaashu aaney caqli/intuition iyo
hadyi/reflection midna aaney wadan.
Qore Nuradiin Askar Ibraahim
nuradiin_as@yahoo.co.uk