Xaflad ku saabsan Kor u qaadista Garaadka Wax barashada
Gabdhaha oo ka dhacday Magaalada Boosaaso.Kulankan loogu
magacdaray kor u qaadista wax barashada gabdhaha ayaa waxaa soo
ababulay ururka Peedo oo ka hawlgala gobolada Puntland waxana
kasoo qaybgalay ururada Bulshada rayidka ah ,hay,adaha
kahawlgala Puntland oo isugu jira kuwa calamiga ah iyo kuwa
dawlada oo ay kujiraan Bahda Wax barashada Gobolka Bari Iyo
Mas'uliyin kale.
Waxaa sidoo kale Xafladaasi ka soo qayb galay Waalidiin aad u
fara badan iyo arday tiradoodu ay gaarayso 200 oo arday oo isugu
Jira Wiilal Iyo Gandho
Waxaa halkaasi hadalo kala duwan ka soo jeediyay
Mas'uliyiintii ka qayb gashay Xafladaasi iyaga oo dhamaantood
hoosta ka xariiqay in ay Muhiin Tahay wacyi galinta Garaadka
Hablaha Somaliyeed

waxaana ay intaas sii raaciyeen isala markaasina ay dhiiri
galiyeen Gabdhaha Ardayda ah iyaga oo Mas'uliyiintaasi ugu
baaqeen Hablaha Somaliayeed in ay arintani tahay hormar la
taaban Karo oo lagu Talaabsaday
iyaga oo Gabdhaha Somaliyeed Ugu baaqay In ay sii wataan Wax
barashadooda Maadama Ay Waxbarashadu tahay Aasaaska Qofka Bini
Aa'damka
Dad kii halkaasi ka hadlay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha
Ururka Peedo Eng Max'ed C/qaadir (Mullah) waxaana uu ka war
bixiyay Ujeedka Xaflada isaga oo Sheegay in loo baahan yahay in
dhexda loo guntado Sidii loo wax bari lahaa Gabdhaha Somaliyeed
isago oo intaas sii raaciyay in ay Jiraan Mas'uliyiin Fara Badan
oo Doonaya in Ay Wax Baran Gabdhaha Somaliyeed waxaa Sidoo kale
intii ay socotay Xafladaasi hadal ka Jeediyay Madaxa
Mashaariicda ee Ururka PEEDO Faysal Cabdi Cartan waxaana uu
Sheegay in ururka PEEDO uu deeq wax barasho siiyay 10 Gabdhood.
Munasibadaan loogu tagalagalay kor u qaadista garaadka
waxbarashada Gabdhaha Somaliyeed intii ay socotay waxaa kale
hadal Kooban ka soo Jeediyay Sargaal katirsan Jimciyada Tadaamud
oo lagu Magacaabao C/risaaq C/rixmaan ayaa waxa uu ka hadlay
Ahmiyada Ay wax Barashadu u leedahay Gabdha waxaana uu Gabdhaha
kula dardaarmay in ay ku dadaadlaan Wax barashadooda isla
Markaasina ay ka faa'idaystaan fursadahada waxbarasho ee
soomara.

Urururka Peedo waxaa kale oo uu ku guulaystay inuu u helo 1o
hablood waxbarasho bilaash ah ayado qaarkamida masuliyiinti
kasoo qaybgashay munasibadaan lagu dhirigalinayay waxbarashada
haweenka ay ayana ku dhiradeen oo ay ku balan qadeen inay qayb
kaqadaan doonanaan dadaalada lagu tageerayo waxbarashada
gabdhaha oo ay wado Peedo waxana kamid ahaa masuliyiintaas
Dr. Max'ed may oo ah madaxa ugu sareya hay'ada Tools four
Humanity oo isagu goobtaasi kasheegay inuu bixin doona Feega
waxbarasada 10 gabdhood arintaani oo u muuqata talabo wanagsan
Ururka PEEDO ayaa waxa uu yahay Urur u Heelan danaha Bulshada
iyo kaqayb qaadashada Mashaariicda Nabada Waxaana ay horey u
qabteen Munasibado kale duwan oo lagu tagerayo
waxbarashada,Nabada iyo barnaamijyo kale oo muhiim u ah
horumarka bulshada rayidka ah.
Mursal abdi dahir
mdirie9@hotmail.com
Bosaso