SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dardaaran ku socda Xildhibaanada cusub ee Puntland 
 

Sidaan ka aragnay war baahinta maanta ayaa la idiin dhaariyey xilka culus ee aad xambaarteen. Halkaas oo aad dhaar ku marteen inaad xilkaas u gudaneysaan si hufan oo cadaalad ku jirto Ilaahay iyo ummadda xilka u qaaddeena raali galineysa.

Halkaan waxaan idin kula dardaarmayaa inaad Ilaahay ka cabsataan oo xilka sida la idin kugu dhiibay uga soo dhalaashaan? Waxaa dhici karta in la isa su’aalayo xilka aan ka soo dhalaalno waa kee? Xilkaas waxaa weeye inaad ka fiirsataan oo aad ka fiirsataan oo aad mar saddexaad ka fiirsataan ruuxa aad codkiina siinaysaan. Mudane xildhibaan Ilaahay ka baq codkaaga ha ku bixin qabiil, saaxiibnimo iyo manfaca adduun toona. Sii codkaaga Musharaxii aad is leedahay dadka, dalka iyo diinta ayuu wax u qabanayaa. Ku salee caddaalad codkaaga, hana ku saleyn eexasho, maxsuubiyah iyo waxa soomaali meeshaas dhigay. Mudane Xildhibaan yaan lagu qalin daarin? Qalin daarkuna inuu caado Somaali noqday wad la socotaa. Mudane Xildhibaan maanta ayuu codkaagu miisaan leeyahay 8da January ka dib xoog yeelan mahayo.

Waxaan soo xusuustay 2004kii ayaan maalin jamca ah soo galay Masaajid ku yaal xaafad ka tirsan xaafadaha London ee dalka Ingiriiska, Khudbadii Jamcaha ayaa bilaabatay, Khadiibku waa Muslim Pakistani, Markaas waxaa socda Doorashooyinkii Xisbiyada Ingiriiska, Khadiibkii oo hadaladiisa caluushu ku rogmaneyso ayaa dadka wuxuu ka codsanyaa inay codkooda siiyaan Xildhibaanka la yiraahdo George Galloway oo xildhibaan ka ah Xisbiga (Respect). Hadaladii Khadiibka maalintaas waxaan ka xasuustaa ‘’ War Muslimow codkiinu maanta ayuu qaymo leeyahay ee beri ninna kuma yaqaan. Kaad dooratidna beri xafiiskiisa ma gali kartid. War nimaan ummadda Islaamka waxba u qabaneyn codkaaga ha siin. War guryaha ka soo baxa oo codkiina bixiya, war ha is oranina gaalo ha u kala eexanina . War codkiina siiya George Galloway isagaa dantiina wadee…IWM’’. Saacaddaan aan maqaalka qorayo MP George Galloway wuxuu ka mudahraadsan yahay oo ka qaylinayaa weerarada gardarada ah ee Qaza (Falastiin) lagu hayo. 
 

Ugu dambeyntii Xildhibaanow yaan lagu qalin daarin, arladu waa dhiiqo ha sidban, Yaan Card lagu marsan. Mas’uuliyad weyn baa ku saaran, yoolka loo socdo waa sidee ummaddaas silicsan wax loogu qaban lahaa, dadkii wax u qaban lahaa inaad ka mid noqoto ayaana laguu doortay (khalad iyo sax sidii la rabo ha laguu soo doortee). Maanta ayey kalimaddaadu miisaan leedahay beri wax lagaa akhrisan mahayo. Haddeer nin ummadda wax u qaban kara sii codkaaga.

Wa salaam. 
 

Said Hashi Warsame (Master of Islamic Banking & finance)

shwarsama@hotmail.com 
 
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS