SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano

Halkan ka akhri (pdf)



Barnaamijkii Radio Xoriyo
02January 2009.

Itoobiya: Maraykanka oo ka walwalsan hoggaamiyihii mucaardka ee la xidhay
Goobjoogayaal sheegay in ciidammada Itoobiya isku sii ballaadhinayaan Soomaaliya
Budhcad badeed soomaali ah oo markab afduubay
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa sanadkii 2008
Ururka dhalinyarada Ogadenya oo uu gudoomiyhiisu ka hadlay shirkii ka dhacay Denmark.
Magacyadii qaar kamid ah shacabkii uu gumaysigu ku xasuuqay Mooyaha.

======================

Itoobiya: Maraykanka oo ka walwalsan hoggaamiyihii mucaardka ee la xidhay


Safaartada uu Maraykanku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ayaa arbacadii soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay si wayn uga walwalsan tahay xidhaygii la xidhay haweenay madax ka ahayd xisbi mucaard ah, oo la xcidhay, ka dib markii uu kaligii taliye Meles Zenawi sheegay inuu kala noqday cafis uu hadda ka hor u fidiyay.

Haweenaydan, oo lagu magacaabo Birtukan Midekssa, waxay madax ka ahayd xisbiga mucaaradka ah ee UDJ, waxaana la xidhay ka dib markii ay sheegtay iyadoo dalka dibadiisa ku sugan inayna wax denbi ah galin, si uu Meles cafis ugu fidiyo. Arrintan ayuu kaligii taliye Meles aad uga cadhooday, waxaana mar kale loo cusbooniisiiyay xabsi daaʼin markii hore la sheegay in laga cafiyay.

Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay xidhayga haweenaydan, isla markaan ay ka walwalsan tahay in xabsi daaʼin loo qoray. Safaarada Maraykanka ayaa tallaabadan ku tilmaantay inay tahay mid ka horimanaysa hannaanka dimuqraadiyada, kana dhigan cabudhis loo gaysanayo dad siyaasad ahaan uga soo horjeeda xukuumada Meles.

Maraykanka ayaa inta badan sheega in kaalmooyinka dhaqaale ee uu siiyo Itoobiya inay ku xidhan yihiin shuruudo ah in xukuumada Meles ay ilaaliso xuquuqda aadanaha, ayna xushamayso hannaanka dimuqraadiyada, haddana waxba kama qabto xadgudubyada aan kala jooghsiga lahayn ee xukuumaddaasi ka gaysato guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Ogaadeenya.

Goobjoogayaal sheegay in ciidammada Itoobiya isku sii ballaadhinayaan Soomaaliya


Xukuumadda Itoobiya ayaa arbacadii sheegtay in ciidammada ka jooga dalka Soomaaliya ay halkaas kaga baxayaan shan maalmood gudohood. Xukuumadda Itoobiya waxay sheegtay inay ciidammadeeda Soomaaliya ka jooga oo dhan ay amar ku siisay inay bixitaan isu diyaarin, ayna xilli kastaba bixitaanka billaabi kartaan.

Hase yeeshee dadka goobjoogayaasha ah ayaa sheegaya in ciidammada Itoobiya ay xeryohooda wal;I ku sugan yihiin, isla markaana ayna ka muuqan inay baxayaan. Goobjoogayaashan ayaa sheegay in ciidammada Itoobiya ay dhufaysyo hor-leh ka samaysanayaan agagaarka xeryaha ay ka deggan yihiin magaalada Muqdisho.

In ka badan labo sano ayay Itoobiya haysatay dalka Soomaaliya, waxaana la rumaysan yahay inay muddadaas dhexdeeda dishay dad shacab ah oo kumayaal gaadhaya, qaar kale oo intaas badana ay dhaawacyo u gaysatay. C/llaahi Yuusuf, oo isaga lagu eedeeyo inuu ciidammada Itoobiya keenitaankooda ka masuul ahaa, ayaa toddobaadkan iska casilay madatinimadii Soomaaliya, wuxuuna u ambabaxay deegaankii uu ka yimid ee Puntland.

Budhcad badeed soomaali ah oo markab afduubay


Budhcad badeed soomaali ayaa afduubay markab laga leeyahay dalka Masar maalinimadii khamiista ahayd, waxayna u kaxaysteen dhinaca biyaha Soomaaliya. Markabkan la afduubay waxaa saran 28 shaqaale ah oo u dhashay waddanka Masar, sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Masar.

Afhayeenkan ayaa warfidiyeennada u sheegay in markabka la afduubay lagu magacaabo Blue Star, wax faahfaahin ahna kama aanuu bixinin sida ay tahay xaaladda shaqaalaha markabkan lagu afduubay.

Markabkan waxaa la afduubay xilli isla khamiistii ay diyaarad kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay waddanka Malleesiya badbaadisay markab laga leeyahayw addanka India, kaasoo ay weerareen budhcad badeed soomaaliyeed.

Budhcad badeedka doonayay inay markabnkan afduubaan ayaa rasaaseeyay markabkan, isla markaana marar dhawr ah isku dayay inay markabka fuulaan, hase yeeshee way u suuragali wayday, ka dib markii kabtankii markabku uu xawaaraha markabka kordhiyay, isla markaana leexleexiyay.
Ururka dhalinyarada Ogadenya oo uu gudoomiyhiisu ka hadlay shirkii ka dhacay Denmark.

Gudiga fulinta ee ururka dhalinyarada Ogaadeenya ayaa maalmahan shir lagu dajinayay qorshe hoowleedka sanadka soo socda ku lahaa magaalada Copenhegan ee dalka Denmark. Shirkan oo socday mudo sadex maalmood ah ayaa soo gaba gobaabay maalintii axada ahayd ee 28ka bishii tagtay. Mudadii lagu guda jiray hoowlahan ayeey xubnaha maamulka si waafi ah kaga doodeen dhibaatooyinka gumeeysigu ku hayo shacbiga xaq doonka ah ee Soomalida Ogaadeenya iyo sida ugu fiican ee lagaga hortagi lahaa in eey sii daba dheeraato xasuuqa iyo xaqiraada uu gumeeysigu ku hayo umadeena.Gudiga fulinta ee ururka dhalinyarada Ogaadeenya ayaa sidoo kale is la meel dhigay qorshe hoowleed sanadka soo socda ee 2009ka.

Ururka dhalinyarada Ogaadeenya oo ah urur bulsho ujeedadiisuna tahay ka hortaga dhibaatooyinka dowlada gumeeysatada ku hayaan lana damacsan tahay umada Ogaadeenya iyo raadinta xaqa umadu u leedahay aayo ka talintooda ayaa lagu aasaasay dalka Sweden bishii Meey ee sanadkan 2008. Ururku wuxuu kaloo u howl gali doonaa diiwaan galinta iyo ka warheeynta dadka reer Ogaadeenya ee ka soo cararaya dhibaatooyinka uu gumeeysigu ka wado dalkeena is la markaana guda galidoonaa diiwaan galinta iyo furida dacwooyin ka dhan ah maamulka itoobiya ee dhibaatooyinka isugu jira dilka, dhaca. Cunaqabateeynta, kufsiga, xasuuqa iyo bahdilka ka geeystay cariga Ogaadeenya iyada oo arintan lala kaashanayo sharci yaqaano caalami ah.

Ururku wuxuu hanbalyo u dirayaa shacbiga Ogaadeenya ee u adkeeystay dhibaatada aan nooceedoo kale la arag oo uu soo qorsheeyay taliska addis-ababa is la markaana meel marinayaan ciidankiisa arxanka daran ee jooga Ogaadeenya iyo u adeegayaashiisa, wuxuuna ururku ugu bishaareeynayaa shacabka dulman in dhibaatooyinkani aanay ahaaneeyn kuwa xisaab iyo ciqaab ka danbeeynin.

Ururkan dhalinyarada Ogaadeenya ayaa laga filayaa in eey ka soo baxaan doorkooda kaga aadan wax u qabashada dadkooda oo uu gumeeysigu duleeystay. Iyo is ku xirida dhamaan dhalinyrada reer Ogaadeenya ee dacalada dunida. Ururku wuxuu Alle ka rajeeynayaa in sandkan cusub ee 2009 uu ka yeelo mid umada Ogaadeenya ku guukeystaan helida xuquuqdooda is la markaana gumeeysiga lagu soo afjaro.

Ugu danbeeyntii wuxuu ururku ugu baaqayaa qurba joogta Ogaadeenya in aanay indhaha ka fiirsan ee aay kaalmo dagdaga la gaaraan shacabka dhibaatooyinka dilka, dhaca, kufsiga iyo cunaqabateeynta isugu dareen gumeeysiga madoow ee itoobiya.


Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee sanadkii 2008


02/01/08 Booliska Jigjiga oo shaqadii laga joojiyay.
22/03/2008 Waxaa si rasmi ah loogu aas aasay magaalada London ee wadanka UK ururka dhalinyarada Ogadenya ee qaarada yurub ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano OYL.
28/03/2008 Jaaliyadaha Ogadenya ee qaarada yurub ayaa banaanbax weyn oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa oo kale ah ku hor qabtay baarlamaanka midowga Yurub ee magaalada Bruxells banaanbaxaas oo xukuumada gumaysiga lagaga jaray mucaawanooyin badan.
13/04/ 2008: Cabdullaahi Cali Maxamed oo udhashey Ogadenya ayay maamulka Puntland xabsiga ku dileen.
10 //4/2008: Aljazeera oo daahfurtey dhibaatada shacabka Ogadenya
18/04/ 2008: Labanin oo u kaladhashay wadank Australia iyo waddanka ingiriiska unashaqaynayay hay,adda badbaadada caruurta (Save the Children UK) oo itoobiya ku amartay in ay dalka kabaxaan,labaadn nin ayaa xiligaas kashaqaynayay Ogadenya.
15/04/2008: Maamulka Kililka oo ansixiyey xeer dhigayay in ninka raggi ahi uusan labo xaas ka badan guursan Karin.
19/04/2008 Waxaa ku geeriyooday magaalada Qabridaharre ee Ogadenya Gudoomiyihii Jabhadda Xoraynta S/Galbeed( WSLF)alle ha unaxariistee N/Hure Sheekh Cabdinaasir Sheekh Aaden Yare oo noloshiisa intii badnayd kusoo qaatay halganka xoreynta ogadenya.
22/04/2008 Puntland oo Gumaysiga Itoobiya udhiibtay xubno katirsan gollaha dhexe ee JWXO.
01 /05/2008 puntland waxay gummaysiga Itoobiya ugacangalisay shan(5) dhalinyaro shacab ah oo udhashay dalka Ogadeenya.
29/05/2008 waxaa magaalada London ee cariga ingiriiska ku geeriyooday halgamaagii weynaa alle ha unaxariistee N/hure Cabdisalaan Dayl oo baal dahab ah kaga jiray halganka Ogadenya.
12/06/ 2008 Hay,adda u ddooda xuquuqul insaanka ee looyaqaano Human Right Watch ayaa waxay warbixin ay oogu magacdartay”Collective Punishment War Crimes and Crimes against Humanity in the Ogaden”
15/6/ 2008:Satelite laga leeyahay waddanka maraykanka oo saaciyay sawiro kusaabsan dagmooyinkii iyo tuulooyinkii Itoobiya gubtay

22 June 2008 Sheikh Ibrahim Cabdullahi Maax ayaa kuxijaabtay Abu Dhabi ee waddanka isutaga immaaraatka.
25/06/2008 ciidamada qalbkasida ee JWXO ayaa gacanta kudhiga magaalada shilaabo
26.06.08 Ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Ogaden Human Rights Committee (OHRC) ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Naadiga Suxufiyiinta magaalada Geneva ee Switzerland. Shirkan jaraa’id ayaa cinwaankiisu ahaa “Xaalada xuquuqda aadanaha iyo mida amaanka Ogaadeenya iyo doorka Qaramada Midoobay”.

10/07/08 hay,dda MSF,Dhakhaatiirta aan xadka lahayn laantaeeda Switzerland ayaa waxaay kasoobaxeen gobalka Fiiq kadib markay ciidamada gumaysiga Itoobiya sareen cadaadis adag oo hay,adda usuurogalinwaayay in halkaas kasiiwdaan shqadoodii.
July 21, 2008 Ugaas Abdiraxmaan Ugaas Muxumed iyo odayaal dhaqameedyo ayaa lag xidhey Magaalada Godey
22nd to 30 July 2008 ayaa waxaa dhacay Kalfadhigii 4aad ee Gollahadhexe ee JWXO.
17 /07/ 2008 Mudaaharaadyo ka dhacay Godey iyo Magaalada oo Bandoow lagu soo rogey
18 /09/ 2008 TV laga leeyahay waddanka Ingiriiska Channel 4 ayaa kasoo duubay warbixin dhiillo leh oo kusaabsan abaaraha iyo cunaqabataynya Ogadeenya.
21 September 2008 Calankii Kililka oo laga saarey Xidigtii Astaanta u aheyd Soomaalinimada iyo xildhibaano laga xayuubiyey Xubinimada baarlamaanka.
29/09/2008 Cabdullaahi Xasan Lugbuur oo xilkii laga qaadey
25/10/2008 Baarlamaanka deegaanka oo ansixiyey Daauud inuu hanto Madaxweynaha deegaanka
19/11/ 2008: 32 Degmo oo loo mgacaabey Gudoomiyayaal Tigrey ah
5/12/2008 : Lix diyaradood oo nooca qumaatiga ukaca Gummaysiga Itoobiya oo bilaabay in ay rusheeyaan degaanka Qoraxay.
17/12/2008, xasuuqii mooyaha
26/12,/2008 :1700 oo Somaali ah ayaa ladhigay xabsiyada magaalada Addis Abeba.
Ugu dambayntiina waxaa waxaa dhamaadkii sanadka 2008 socdaal shaqo ku kala bixiyey ilaa iyo hadana kujira wafti uu hogaaminayo G/kuxigeenka 1aad ee jwxo.

Magacyadii qaar kamid ah shacabkii uu gumaysigu ku xasuuqay Mooyaha.

Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa soo bandhigtay magacyada qaar kamid ah dadkii shacabka ahaa ee ay ciidamada gumaysigu ku xasuuqeen deegaanka Mooyaha ee Degmada Aaraarso ee gobolka Jarar 17/12/2008,dadkan oo tiradoodu kor u dhaafaysay 48 qof ayaa lasoo helay magacyada 36 kamid ah:
Sheekh Abdi Xaliimo Sh Muhumed
2. Mawliid Sh Abdi Haliim
3. Mohamed Abdi Haliim
4. Aw-Nuur Xaashi C/llaahi
5. Ibraahim Abdi C/llaahi
6. Sheekh C/llaahi Muxumed Kare
7. Muhumed Muumin
8. Qarayare
9. Ali Haydar Ali
10. Abdi Shafeec Hassan
11. Haashi Budul Osman
12. Hassan-Lacag A/llaahi Osman
13. Abdullaahi Shekh Hassan Dayib
14. Mohamed Sheekh Hassan Dayib
15. Daba-Geel
16. Dayr Xandulle
17. Ismail Gannad
18. Mohamed Farah Dheere
19. C/llaahi Badal
20. Arahman Mohamed Sugulle(Baylood)
21. Sandon
22. Mustafe Hassan Mahad
23. C/llaahi Ali Xaamud
24. C/llaahi Imaan Muhumed
25. Ibrahim Dhaga-Cadde
26. Ismail Aw-Dahir
27. Badal Idaan Xuseen
28. Maxamuud Cali Ciise Didhiq
29. Abdirahman (dharjaan)
30. Sheekh Abdullaahi Muctaad
31. Bacallaadh
32. Cumar-Qoofal
33. Geedi Ali Mahad
34. Badri C/llaahi
35. Abdi Hassan Khaliif
36. Ali Abshir

02 January 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 25 MB iyo 31 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Khamiista & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS