SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA
Daabaco Boggan | Print

WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano

Halkan ka akhri (pdf)



Dhakhtarada aan Xuduuda Lahayn: Soomaaliyaa dunida ugu liidata!

Telefishinka Pbs (Public broad cast service)ee xaruntiisu tahay magaalada Washington ,barnaamijka uu daadihiyo Jim Lehrer , ee la yidhaa ‘News Hour’Ayaaa waxa uu soo daayey waraysi dhiilo iyo mururgo badan xambaarsan.

Waraysigaas waxa lala yeeshey, galabnimadii isniinta ee taariikhdu ku beegnayd 22/12/2008 Nicholas De Torrente, oo ah gudoomiyaha uruka Dhakhtarada aan Xuduuda(soohdinta) lahayn.

( Halkan ka daawo)

ama( halkan ka akhri... )


Halkan ka daawo.....


Nicholas,waxa uu soo bandhigey,warbixin sanadeedkii Dhakhtarada aan Xuduuda lahayn,ee ku saabsanayd,tobanka wadan ama gobol ee aduunka ugu liitey ama u darnaa darnaa sanadkii 2008,dhinacyada xasiloonada,caafimaadka,cunada iyo guud ahaan nololeedba.

Qiimayntaas,oo ay sanad walba soo saaraan,kuna sheegaan,dalalka xaaladaha ugu xumi ama qalafsani ka jireen sanadkaas.


Hadaba,qiimayntoodii sanadkan galbadey 2008,waxaa kaalinta koobaad galay,Soomaaliya iyo degaanada Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato.Sidaa awgeed,degaanada Soomaaliyeed, waxay noqdeen,meelaha ay ka jiraan; duruufaha caafimaad iyo nololeed ee ugu saxariirta iyo silica badan, dunida oo dhan!

Inkastoo aaney soo jiidan ama laga jeediyayba indhaha warbaahinta caalamka!

Hadaba,waxaan jeclaystey inaan ku ladho warbixintaas, dhacdooyin kale,oo si toos ah xidhiidh u leh,mida aynu kor ku xusany,isla markaasna,inoo fududeynaya ,arkida muuqaalka guud, ee sababaha dhibaatooyibkani u dhacayaan iyo halka salka ku hayaan.

Badhtamihii sanadkii 2oo8,waxa warbixin fajac iyo amakaag leh,ka diyaariyey,xaaladaha dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya guumaysato(Soomaaliya oo dhan ayay wada guumaysataa maanta!),wariye ka socda janal 4aad ee Ingiriiska.
(Halkan ka daawo warbixintaas argagaxa badan)

Warbixintaas oo daaha ka rogtey,tacadiyada iyo gabood falka dawlada Itoobiya kula kacdo,Soomaalida ku nool Degamaamadaas.

Waxaanu si gaar liishaanka u saaray, macaluulinta qorshaysan ee Itoobiya, ku hayso dadkaas iyo sida ay uga hor istaagto,gaadhsiinta raashinka deeqda ah,ee ay waliba magacooda kaga soo dawarsato dunida.


Waa raashinkii oo ay u isticmaalayso hub ahaan,si ay u gaajo iyo haraad ugu le’daan,dadkaas Soomaaliyeed.

Warayihu,waxa uu daboolka ka rogaya,dhagarta iyo cadawnimada gaamurtey ee dadkaas lagu hayo.

Waxa uu ina dul joojinayaa,Cadaab wadareed huursan iyo xabsi nacabeed dusha ka furan,oo ka kooban kumanaan kun oo mayl.

Degaanadaas oo uu ka socdo Xasuuq wadareed,lagula kacayo, Xoolo dhaqato iyo reer guuraa Soomaaliyeed,laga dumiyay ceelashii biyaha iyo baraagihi,laga laayey xoolihii noolaa,ee ahaa lafdhabarta dhaqaalaha iyo jiritaanka dadkaas,Gaar ahaan geela;

Isagaa wax daaqaba ugu, nolol danbeeye
Geela markuu daranyahay,laba nin duugtaaye (maanso)

Isir gumaadkaas wadarysan,waxa si toos ah,u filinaya ciidamada qalabka sida ee dalka Itoobiya.

Gumaadka Muqdisho;

Hadaynu jaleecno dhinacaas iyo caasimadii ayaanka daran ee Muqdisho.Waxa duurka wadhan oo, xasuuq,macaluul,dhaxan kulansadey,ugu 800,000 rayid Soomaaliyeed ah.

Gumaadkaas iyo dhiiladaas,waxa gaysanaya ciidanka Itoobiya,
ee maanta ku sugan, xarumihii ciidanka qalabka sidey iyo wasaaradii gaashan dhiga qaranka Soomaaliyeed!

Akhristow, dhamaan dhacdooyinka dhiilada iyo murugada xambaarsan, ee kaga ilmaysiiyey dhakaahtiirta aan xuduuda lahayn,ee halakeeyey dadka iyo degaanada Soomaaliyeed.
Waxay wadaagaan,sabab kali,waxaaney ka soo burqadaan ama ka shidaal qaataan meel kali ah(oo aanay warbixinta Dhakhaatiirta aan Xuduuda Lahayni tibaaxin).

Waa qorshaha guumaysi doon,duulaanka iyo damaca waalan ee dalka Itoobiya!Mise maaha?

Waa hadii aynu wax ku eegayno,indho ka fiyow cudurka dhimirka Soomaaliyeed(Qabyaalada).

Waa halkaas nabarka bogsan waayey, ee Soomaalidu u jiiftaa.Waa meesha ay ka shidaal qaadato dhamaan xasarada iyo qalalaasaha aan dhamaadka lahayn,ee Soomaalida jiif iyo joogba u diidey.

Duulaankaa Xabashidu,oo 48kii sanadood ee ka soo wareegay qaranimada Soomaalida.Waxa uu lahaa muuqaalo kala gedisan,isla markaasna adeegsanayey xeelado kala duwan,balse lahaa yool kaliya ah;guumaysiga Soomaalida iyo qabsashada gayigooda.

Sidaa daraadeed,waxa la odhan karaa;
Waa Itoobiya, gujiska dajiyey qarankii Soomaaliyeed.

Waxaana xusid mudan,inaanu qorshaha Itoobiya,qabiil ama gobol gooni nabad galinayn ,shoolada la wada saaranyahay,dilkana lagu wada xukumanyahay;waase la kala horeeyaa kali ah.

Hadaba Soomaaliyey” hadynaan ka waantoobin,xinka,xafiiltanka, hibashada colaadihii sokeeye,garab istaaga iyo u dhimashada nin dan gaar ah leh,oo aynaan isku duubni,isaga caabiyin uguna jilib dhigin duulaanka Itoobiya;waxaynu noqon doonaa Falastiin cusub,oo ku soo biirtey dunida,iyo ummad talo xumadooda taariikhdu wariso.


Qalinkii; C/raxmaan.M.Muuse

cgurmad@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS