SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ARDAYDA REER PUNTLAND EE MIINESOTA IYO DAREENKOODA DOORASHOOYINKA PUNTLAND  

      Bismillah!Anagoo ah ardayda somaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota gaar ahaan magaaloyinka Saint Paul iyo Minneapolis waxaan soo dhawaynaynaa dooroshyinka dhawaan soo fooleh ee maamul goboleedka Puntland 
 

ayadoo ay jiraan musharixiin maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaya hadii aan wax yar dib u fiirino xiligii la'asaasay maamul goboleedka Puntland sanadii 1998 waxay ahayd xili dadka ku dhaqan deegaankaas ama guud ahaan umada somaliyeed ay baahi u qabeen in la soo celiyo nabadii iyo kaladanbayntii wallow aysan jirinin is qabqasi siyaasaded oo saas u sii badan 
 

hadana waxaa si wada jira ah dhidibada loogu aasay in umada walaalaha ah eek u wada dhaqan deegaankaasi ay u helaaan maamul iyo kaladanbayn inta laga xasuusto taarikhda maamul goboleedka Puntland waxay maraysaa marxaladii ugu liidatay marka laga eego siyaasada amniga  sixirbaraka cafimaadka waxbarashada iyo musuqmasuqa aadka u baahay 
 

hadaba arintaasi maahan arin qarsoon waa arin dadka reer Puntland ku baraarugsanyihiin una baahanyihiin wax ka qabad iyo is badal dhaqso ah hadaba yaa maanta ugu haboon in ay Puntland masiirkeeda qabato waa su'aal dadka oo dhami is waydiinaya Allah ayaaa garanaya sida sawabka ah  
 

lakin waxaan umada reer puntland ku baraarujinaynaa in ay fahmaan cida maanta ku haboon inay wax ka badasho marxalada uu wadanku maanta marayo waxaan  leenahay dhamaan musharixiinta isu taagay jaga madaxtinimo ee Puntland waa mu waadiniin xaq u leh in ladoorto hadii ay ka soo baxaan dhamaan sharuudaha laga rabo.hadaba hadii aan ku soo laabto ulajeeda maqaalkan ayada oo ay jiraan daruufahaas aan kor ku soo sheegnay 
 

waxaan magalada Minneapolis, kula kulmay musharax ka mid ah musharaxiinta u loolamaya jagada madaxwayna maamulka Puntland Nuradin Adan oo runtii aad u soo jiitay dareenka dadbadan oo isugu yimid Mineapoli Convention Centre Nuuradin wuxuu in badan ku nuuxnuuxsaday xaalada uu wadanku haatan marayo si runtii cilmiyaysan waxaana dadka oo dhami u riyaaqeen daraasadaasi waxaa ka mid ahaa ereyadii nuuradin "waxaanahay isbadaldoon ee manihin xukundoon" 
 

runtii halkaan ku ma soo wada koobi karno dhamaan khudbadii nuradin hadaba dadku isku aragti mawada ahan ayada oo ay jiraan  walaalo kale oo u taagan jagadaasi madaxtinmo in badana ku soo bandhigay profilkooda shabakadaha intenetka ama aan akhrinay waa wada wanagsanyihiin waana loo baahanyahay in la helo dad badan oo challenging ku wada jira si loo helo ninka ugu macquulsan ee hogaanka ku haboon . 
 

Hadaba hadaan nahay ardaydada reer Puntland ee gobolka Minnesota waxaan soo dhawaynaynaa aqoonyahanka Nuradin Adan diriye oo ah runtii nin dalka iyo dadkuba maanta u baahanyihiin waxaan leenahay Nuradin dalka iyo dadkuba manta waxay baahi u qabaaan maamul aqoon ku shaqaynaya iyo is badal dhaqso ah hadaba waxaan ku soo gabagabaynayaa in dhamaan xubnaha baaralamnku si xeel dheer uga fakaraan mustqbalka iyo masiirka reer puntland oo ay ku shaqeeyaan cadaalad iyo inaysan dhinac u badan waa mahsantiihin Wabilahi TawfiiQ 
 

MOHAMED CABDULLAHI YUSSUF (DALMAR)  
 

SOMALI STUDENT ASSOCIATION PRESIDENT 
 

WEERARO@GMAIL.COM

Afee: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS