Soomaliyeey Garashadu ha shaqeysoDalka Soomaaliya 18 kii sano ee
la soo dhaafay waxaa ka jiray musiibooyin dabeeci ah iyo kuwo aan dabeeci
ahayn ee ay Soomaalidu gacmaheeda ku abuurtay.Waxaana ka soo ifbaxay wax aan
horey taariikhda basharka loogu arag oo xambaarsan nooc kasta oo xumaan ah
caqli saliin ahna uusan qaadan karin iyo taariikh xumo laga sheekeyn doono,
buugaagtana lagu qori doono mustaqbalka danbe sida: Dilka, dhac, kufsi,
barakac, burbur,afduub, isbaaro, gaajo, cuduro, xaalifun dhireed, iyo wax
kasta oo xumaan lagu sifeyn karo.Gabi ahaan Soomaaliya mahan bulsho docina u
fayowdahay xiligaan xaadirka ah.Waxayna u muuqataa inay fursada ka sii
baxeyso oo maalinba maalinta ka danbeysa ay sii milmeyso jiritaan keeduna
khatar sii galayo.
Markaan dib u yara jaleecno marxaladihii ugu danbeeyay iyo isbadaladii ka
dhacayey Somalia maalmahaan, la mood noqonse weyday iyo filan waaga qolyaha
beesha caalamka isku magaacaba ay kala kulmeen duulaankii qaawana ee loogu
cudurdaaray ciidamadii Itoobiya ee Soomaliya kal hore ku soo duulay oo quus
ka taagan weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah iyo kuwa bareerka ah ee ay
kala kulmaan kooxaha is diidan isla markaasna ka mideysan la dagaalanka
ciidamada itoobiya,waxaa maanta muuqata oo aan shaki ku jirin inuu soo
xirmay hankii laga qabay in dadka Soomaaliyeed lagu sanduleeyo shaqsiyaad
damiir laawayaal ah oo gabood fal iyo xad gudub aadanaha ka dhan ah ka
geystay dalkooda, danta laga lahaana ay aheyd oo kaliya in laga dhigto
dariiqii lagu gaari lahaa ahdaafta iyo danaha guracan ee lagu doonayay
burburinta shacabka Somalia.
Sidaan la socono inta la baxday magaca beesha caalamka oo ah inta ummada
Soomaaliyeed noloshaba u diidan waxay si toos ah ugu fashilmeen inay
socodsiiyaan oo ay shaqeyso DFK taasoo markii horaba ay ku soo dhoodhoobay
dalka Kenya laguna soo galbiyay Taangiyadii ciidamada Itoobiya oo xamar lagu
soo gashay, sidoo kale waxay ku fashilmeen inay cirib tiraan oo ay ka
suuliyaan Soomaaliya dagaal yahandii islaamiyiinta ahaa ee dagaalka culus
kala hor yimid oo ka koobnaa kooxo tiro badan oo ujeedada kaliya ee ay ka
mideysaaneen ay aheyd la dagaalanka ciidamada Itoobiya. In kastoo laga itaal
roonaaday kooxahaas markii hore hadana waxay si lama filaan ah isugu soo
abaabuleen mudo aad u gaaban oo ay dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la
galeen ciidamadii Itoobiya iyo FKMG waxayna la soo baxeen awood dheeraad ah
taasoo ciidamadii Itoobiya khaasaaro lixaad leh oo maal iyo nafba ah loogu
geystay kuna khasabtay markii danbe inay xeryahooda kaliya isku ilaaliyaan
inta xaal isbadalayo.
Sida dad badan la socdeen waxaa jiray wixii ka danbeeyey magacaabidii Nuur
Cade in qolada beesha caalamku isku dayayeen inay xaalada dajiyaan si loo
yareeyo dagaaladii isa soo tarayay iyo awoodii ay la soo baxeen shacabka
Somaliyeed ee ay kaga jawaabayeen tacadiyadii ay ku hayeen ciidamada
Itoobiya. Ayadoo dadka maskaxdooda lagu shubayo inay lagama maar maan tahay
in la isu keeno dowlada iyo qolihii ka soo horjeeday ee mucaaradka ku ahaa
si loo gaaro dib u heshiinsiin dhab ah iyo in la soo dhiso dowlad qaran oo
lagu mideysan yahay, ciidamada Itoobiyana laga saarayo dalka laakiin
ujeedada dhabta aheyd sidii la isaga hor keeni lahaa xoogaga ka soo
hordeeday joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa wadanka Jibouti waxaa lagu
qabtay shirkii ugu horeeyay la isku soo hor fariisiyay FKMG iyo Isbaheysigii
dib u xoreynta ee uu hogaamineyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waftigii ka qayb galay shirkaas waxaa kala hogaaminayay Sheekh Shariif
Sheekh Axmed iyo Axmed C/salaam oo kala ah hogaamiyaha isbaheysiga dib u
xoreynta ee garabka Jibouti iyo Ra'isul wasaare ku xigeenka DFKM ah. Waxaa
iska cadeyd shirkaan ujeedooyinka laga lahaa inay kala duwanaayeen ayna ka
mid ahaayeen kuw Somalia xal loogu raadinyo iyo kuwo ka soo horjeeday oo
lagu sii fogeynayay Soomaaliya xalkeeda. Intii shirkuba uusan bilaaban oo
aan meelna la isla gaarin qolyihii isbaheysiga dib u xoreynta ayaa dhowr
gabar u kala jabay.Garab uu hogaaminayay Sheekh Xassan Daahir Aweys oo
fadhigoodu ahaa Asmara kana biyo diiday sida wax u socdeen ama danahoodii ka
dhex arki waayay shirkii loogu magac daray dib u heshiisiinta ee ka ee la
damacsanaa inuu ka dhaco Jibouti waxayna bilaabeen inay afkooda furtaan oo
dadka dhagahooda gaarsiiyaan in waxa meesha ka socdaa yihiin baadhil aan la
aqbali karin dagaalkana la sii wadi doono. Qolooyin kale oo Somalia joogayna
waxay sii noqdeen garab sedexaad oo markii horaba dhaliilsanaa isbaheysiga
dib u xoreynta oo saldhigooda ahaa Asmara kuna eedeynayay inay markii horaba
heshiisyo la galeen qolooyin ay ugu yeereen cilmaaniyiin, sal dhigna ay ka
dhigteen wadan aan diin ahaan waxba ka duwaneyn midka ay hada la dirirayaan.
Intii shirku socday Isbaheysgiga dib u xoreynta garabka Shariifku waxay
iclaamiyeen kuna adkeysteen in ciidamada Itoobiya ay baxayaan mudo la
cayimay oo hada wixii ka danbeeya aysan shacabka Soomaaliyeed dagaal danbe u
baahneyn sidoo kale waxay ku dhaawaaqeen xabad joojin rasmi ah. Waxayna
labada garab isla gaareen heshiis gundhigiisu ahaa awood qaybsi u dhexeeya
Dowlada iyo qolyaha ka soo horjeeda kaas oo qodabadii lagu heshiiyay ay ka
mid ahaayeen: Awood qaybsi dhex mara labada garab ayadoo ugu horeyn lagu
siyaadinayo tiradii baalamaanka tiro la mid ah (275+275=550) ayna labada
garab soo wada dhistaan dowlad ay u dhanyihiin labo sano oo horlehna ay sii
shaqeyso. Waxaa kale oo heshiiska ka mid aheyd in ciidamada Itoobiya baxaan
badalkoodana la keeno ciidamo ka socda aduunka oo buuxiya booska ay baneyn
doonaan kuwa Itoobiya.
Ra'isul wasaaraha FKMG Nuur Cade oo u muuqday inuu kasbanyo taageerada ay u
hayaan beesha caalamka lana soo baxay siyaasad wax ka badashay hab dhaqankii
Dowlada uu ra'isul wasaaraha ka yahay ayaa waxaa markiiba qoonsaday kana
biyo diiday arimahii uu waday ee dib u heshiisiinta hogaamiyihii Jamhada
FKMG.Waxaana cirka isku sii shareeray khilaafkii u dhexeeyay odey C/llaahi
iyo Nuur Cade oo gaarey heerkiisii ugu xumaa ilaa uu C/llaahi Yusuf ku gacan
seyray heshiiskii lagu kala saxiixday Jibouti kuna tilmaamay mid u daneynaya
reero gaar ah oo aan marnaba ka soo fulin rabitaanka DKMG. Maalintaas wixii
ka danbeeyay waxaa afka kala furtay qolyihii beesha caalamka iyo Igad oo soo
saaray hanjabaadyo ka dhan ah qolyo ay ku tilmaameen inay diidanyihiin dib u
heshiisiinta ayna carqalad ku yihiin nabad ka islaaxda Soomaliya.
Ciyaartii ugu danbeysay ayaa ka dhex bilaabatay C/llaahi Yusuf oo u muuqday
inuu ka sii go'doomayo aduunka iyo Nuur Cade oo ku faraxsan taageerada ay la
garab taagan yihiin beesha caalamku. Muranka ugu badan meeshuu ka yimid oo
xaajadu ka quruntay waxay ahayd kadib markii Nuur Cade uu jagadii ka casilay
gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir Maxamed Dheere iyo wasiiro is casilay
oo C/llaahi Yusuf ku dooday in lagu soo celiyo booskoodii, Nuur Cadde oo
kalsooni buuxda caalamka ka heystana ku dhaartay inuusan soo celin doonin
badalkeediina uu magacaabay wasiiro cusub balse C/llaahi Yusuf ka biyo
diiday. Ciyaartii waxay sii kululaatay markii C/llaahi shaki galiyay
jiritaankii dowlada nuur cade oo uu ku dhawaaqay inuuba ra'iisul wasaaraha
eryay oo ka casilay jagadii, maalmo yar kadibna wuxuu ku dhawaaqay ra'iisul
wasaare macamal ah, isagoo uga dan jaahwareerin iyo sii fogeyn arimahii
muranka dhaliyay laakiinse markii danbe isagiina xilkii iska casilay.
Maalintaas wixii ka danbeeyay waxay noqotay nin walbow geedkaad gaarto
miraha ka guro. Odey C/llaahi markiiba waxaa si toos ah uga hor yimid
talaabada uu qaaday beesha caalamka iyo baarlamaank FKMG. Nuur Cade wuxuu
taageero ka helay beesha caalamka oo u muuqatay inay ku hongooyday odey
C/llaahi Yusuf oo ah nin da' ah oo aan gudan karin shaqadiisa. Ciyaartii
waxay ku soo afjarantay 2-0 oo kooxda Nuur Cade ayaa ku badisay labada goal
waxaana la sugayaa maalmaha nagu soo socda inay ciyaaro kale oo ka duwna
kuwee hore bilowdaan kadib markii odey C/llaahi ku dhawaaqay inuu iska
casilay hogaankii DKMG kuna laabtay deegaankii asal ahaan uu ka soo jeeday
isgoo gacmo maran.
Mar hadii ay soo xirantay ciyaartii oo meesha uu ka baxay odey C/llaahi
Yusuf waxaan sugeynaa bilow cusub oo hor leh iyo mid ka mid ah marxaladihii
ugu khatarta badnaa ee ay Somalia gasho laga soo bilaabo 1990.
Hadaba maxaa la gudboon Soomaalida iyo qolyaha maanta horboodaya Siyaasada
Soomaliya dhamaantood? Afar qodob ayaa midba koox la gudboon: Odey C/llaahi
Yusuf waxaa cadaatay inuu meesha ka baxay Soomaalina eed badan ayuu ka galay
fursad kale oo maanta u furan ma jirto oo aan ka ahayn inuu ummada
Soomaaliyeed cafis ka weydiisto wixii uu galay sababtoo ah waa dayax sii
dhacaya oo maanta ayuu cafis u baahan yahay. Taas waxay u suurgo galin
doontaa in taariikhdiisa wax yar oo wanaag ah lagu xusuusto oo la yiraahdo
waa ninkii maalintaas ummadiisa cafiska ka dalbaday kolay wanaag kale oo
lagu xasuusan doono anigu garan maayo.Hadii uu sidaas yeeli waayo wuxuu
noqon doonaa mid lagu soo xusuusto xumaantii iyo khayaamdii uu u geystay
qarankii Soomaaliyed iyo shacabkaba.
Ethipoia
Ethipoia Waxaan leeyahay Soomaaliya way ku fashilantay wayna ogaatay inaysan
sahlaneyn inay shacabka Soomaaliyeed ka yeelaan siday rabaan. Shacabka
Soomaalyeed ma ahan mid aqbali kara inay fiirsadaan hagar-daamada aad la
maagan tihiin had jeer. Idiin mana suurgo galeyso inaad shacabka
Soomaaliyeed gumeysi galisaan,taasna waad aragteen oo waa idiin cadaatay
waana tan idin ku khasabtay inaad raadisaan dariiq saliim ah oo aad
ciidamadiina kula baxdaan. Waxaan idin leenahay balankaad qaadeen fuliya oo
ciidamadiina kala baxa Soomaaliya oo geeya xuduudeenii.Hadii aad sidaas
yeeli weydaan kama nabad galeysaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad
joogtaan, wayna idin la dagaalamayaan hadiise aad fulisaan go'aankiina waad
nabad gali doontaan.
Beesha caalamaka
Aduunku Soomaaliya waa dayaceen oo waliba waxay ka adeejiyeen cawaam wax ma
garato ah si aysan waligeed u soo kaban ummada Soomaaliyeed. Caalamku wuxuu
ahaa kan kaliya ee hortaagan inay Soomaaliya dib danbe isugu timaado waxayna
ceel dheer ku rideen furihii nabada ee dalka Soomaliya. Markii ugu
danbeysayna waxay ku soo fasaxeen kuna fiirsadeen wuxuushta itoobiyaanka ee
Millions of Somalis ka barakiciyay guryahooda kumanaan kuna dilay oo wax ay
galabsadeen aysan jirin, balse waxay wali hor taaganyihiin in nabad ka
dhalato Soomaaliya. Hadaba maanta waxaa la gudboon caalamka inay ummada
Soomaaliyeed u daayaan iyagu inay aayahadooda ka tashadaan ayna yeeshaan
go'aan ka gaarida masiirkooda ummadeed iyo dowladeedba. Waxaa kale oo la
gudboon inay taageero u fidiyaan malaayiin shacab Soomaaliyeed ah oo gaajo
iyo cuduro kula il daran geedaha hoostooda iyo xeryaha qaxootiga oo aan
heysan wax gargaar ah, iyo inaad taageero dhaqaale u fidisaan shacabka
Soomaaliyeed si uu lugihiisa isugu taago mar labaad.
Alshabaab
Alshabaab, waxaa la gubdoon iyo inta ku fkirka ah hal arin: Inay ka waan
toobaan ficilada arxan darada ah ee ka dhanka ah ibnu aadanimada iyo leynta
ay u geysanayaa dadka aan waxba galabsan gaar ahaan dadka wax galka ah,
waana inay joojiyaan hadiiba ay ku lug leeyihiin ficiliada ugubku ku ah
Soomaaliya dhexdeeda ee ismiidaaminta iyo is qarxinta. Ficilaadaas waa kuwo
diinta Islaamka ka soo horjeeda sida culimada islaamku isku raacsan yihiin
waana wax xadgudub ku ah xurmeynta nafta qofka ibn aadamka ah iyo diinta
islaamkaba.Kitaabka Quraanka ah, sunnada Nabigeena suuban iyo ijmaacul
culamaa intaba midna laguma hayo meel ay ku baneeyeen ficilada noocaas ah
bal waaba xaaraan tinimeyeen inuu qofka muslimka ah is qarxiyo naftiisana
dilo. Sidaas darteed kooxdaan waa inay ka waantoobaan arimahaas oo ay u soo
jeestaan siday uga qeyb qaadan lahaayeen dib u heshiisiinta iyo nabad ku soo
dabaalida dalkooda ayagoo tanaasul ka sameynaya fikradahooda ku saleysan
diidmada iyo qush iyo qash maleh hadaan teena la soo raacin, ayna la
midoobaan kooxaha kale ee u halgamaya xoreynta dalkooda iyo shacabkooda, xal
guudna loo wada raadiyo arimaha murugsan ee ka taagan Soomaaliya. Hadii kale
waxaa loo arki doonaa inay cadow ku yihiin ummada Soomaaliyeed ayna u
adeegayaan dano dad gaar ah ama kooxo gaar ah oo wax dan iyo xaajo ah ka
lahayn inay ummadaan baaba'do in kale. Soomaalina arintaas raali kama noqon
doonto waligeed. Sidoo kale Alshabaab waa inay ka waantoobaan dagaalada iyo
hurinta colaadaha dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah dhexdiisa kuwaas oo
maalin walba ay ku naf waayaan tiro shacab ah oo aan waxba galabsan.
Shariifku
Shariifku waxay u muuqataa inuu yahay ninka beesha caalamku jalmatay.Waa nin
shacbiyad badan ku dhex leh Soomaalida, suuro galna ay tahay inuu muujiyo
karto iyo wax qabad muuqda oo lagu qanci karo, waase hadii loo madax baneeyo
howlihiisa shaqo. Mudadii yareyd ee isaga iyo kooxdiisu xamar ka talinayeen
ayaa aduunku waxay markhaati ka noqdeen inay wax la taaban karo ka sameeyeen
magaalada Muqdisho oo in ka badan 16 sano u kala gooba goobeysneyd
hogaamiyaalkii dagaalka ee looga itaal roonaaday dagaaladii 2006 ku dhex
maray ayaga iyo maxkamadaha magaalada mugadisho.Taas ayagoo ka duulaya iyo
taageerada uu ku leeyahay Soomaalida dhexdeeda ayay waxay beesha caalamku
maleynayaan inuu yahay ninka kaliya ee wax ka badali kara sida hada wax
yihiin.
Hadaba waxaa la gudboon shariifka oo u muuqda nin dabin loo dhigay labo
arimood: ugu horeyn waxaa la gudboon inuu fahmo dabinka u yaal oo ah in
hogaanka uu u qabto koox cusub oo la doonayo in la abuuro hada si ay
fuliyaan dano siyaasadeed guracan oo lagu dhibaateynayo ummada Soomaaliyeed
oo ka soo daashay dagaalada sokeeya,taas badalkeedana uu isticmaalo maskax
furfuran oo la jaanqaadi karta danaha is diidan ee laga leehaya dalka
Soomaaliya iyo hagar-daamada cadowgu la maagan yahay,waana inuu ka shaqeeeyo
siduu isugu keeno lahaa dhamaan qeybaha is diidan oo ku loolamaya talada
dalka dhamaantood. Caqliga shariifku waa inuu shaqeeyaa oo si dhab ah ugu
guur galaa xaalada dhabta ah ee Soomaaliya ku sugan tahay iyo waxa lala
maagan yahay.Waa in laga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed in la iska
horkeeno iyo dhiig ka dhex daata,waana in laga faa'iideysto fursada imaan
doonta. Hadiise xaalku xumaado oo uu arko inaysan waxba gacan ugu jirin uuna
dareemo inuusan u madax danaaneyn howlihiisa shaqo ileyn gacmo sheesheeye
kama dhamaan doonaane waa inuu isaga baxaa howlaha gacanta loo galin doono
oo uusan dadka Soomaliyeed godob ka galin sida odey C/llaahi oo hada noqday
shaqsi dantii laga lahaa laga gaaray. Hadii kale waxaad mari doontaa meeshay
mareen kuwo badan oo la daggay (siray) kaana horeeyay oo odey C/llaahi ugu
danbeeyo Ummada Soomaaliyeedna nacalad iyo taariikh xumo ayay kugu soo
xusuusan doontaa.
Soomali oo dhana waxaa la gudboon inay xaqa fahmaan una hiiliyaan ayagoo ka
gudbaya Qabiilka iyo Qabyaalada ileyn waxaan dar xumo aheyn kama aanan
dhaxline.Waana inay walaaloobaan oo xoogooda iyo caqligooda isu geeyaan si
ay u soo ceshadaan sharaftoodii iyo qaranimadoodii ay dayaceen.
Guul iyo Midnimo
Ahmed Ali Diriye
guled22@gmail.com
Afee: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan