Cabdi Nuur “Hayadda OSPAD waxay Siminaaradaan u qabataa in Bushada lagu
wacyigeliyo khatarta Cudurka AIDS-KA”.
Sawirada Siminaarka halkan ka daawo....
Waxaa xarunta Hayadda OSPAD ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
siminaar ku saabsan sida looga hortago Cudurka HIV/AIDS iyo wayaabahaha
keena wuxuuna siminaarkan socdey Muddo laba maalomood ah waxaana ka
qaybgaley Dad gaaraya Boqol xubnood oo u badan dhalinyaro isugu jira
gabdho iyo wiilal kuwaas oo ka mid ah dadka barakacay ee ku jira xeryaha
Muqdsho.
Siminaarkan oo ay iska kaashadeen Haydaha Global Fund , Unicef ayaa
waxaa fulinayey Hayadda Dhowrista iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee OSPAD
waxaa labadii maalmood ee siminaarka socdey casharo ka Bixinayey Ustaad
Maxamed Cabdulle Maxamuud ooi si aad ugu faahfaahiyey ka qaybgalayaasha
Cudurka AIDS-ka isagoo sheegay in cudurka lagu kala qaado Galmoodka
Sharcidarada ah , dhiig aan la iska baarin iyo wixii la mid ah wuxuu
kaloo sheegay Macalinka in dadka ugu badan ee uu ku dhacao cudurkaas uu
yahay dhalinyarada oo ah xoog si aad loogu baahan yahay .
Ka qaybgalayaasha ayaa loo direy suaalo ku saabsan Cudurka AIDS-KA si
wanaagsan yey ugu soo jawaabeen waxayna codsadeen in loo korshiyo
maalmaha si ay waxyaalo kale ay uga faaiideystaan.
Sahro Cabdulaahi waa gabar ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa u
mahadcelisey Hayadda OSPAD oo ay sheegtey in ay bulshada u hayso
waxqabad muuqda oo ah sidii bulshada ugu baraarujin lahayd waxyeelada
Cudurkaas oo ay sheegtey in yahay cudur aan dawo lahayn waxayna kula
talisey dhaliyarada in ay ka digtoonmaadaan cudurkaas .
Muna oo iyana ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa tiri”Markii hore ma
fahamsaneyn cudurka AIDS-ka maanta si wanaagsan baan u fahamey wixii
maanta ka dambeeyana bulshada ayaa ku baarujinyaa si ay isga ilaaliyaan
cudurkaas .
CabdiNuur Cismaan weheliye oo ah gudoomiyaha Hayada OSPAD oo ka hadlayey
xiritaanka siminaarkaas ayaa u mahadceliyey Hayadiihii kala qaybqaatey
taabagelinta siminaarka isagoo sheegay in siminaarada noocan ah ay
Hayada wax badan qabatey isagoo sheegay in kuwa kale ay qaban doonto si
bulshada Soomaaliyeed loo digo khatarka cudrkaas oo uu sheegay in uu
fara baas ku hayo adduunka.
Gabagabadii waxaa siminaarkaa soo xirey Cabdulaahi Xaashi oo ka mid ah
Saraakiisha hayadda SCAC wuxuuna ugu hareyntii u mahadceliyey
Howlwadeennada Hayada OSPAD oo uu sheegay in ay yhiin dad u taagan sidii
shacabka uga samatabixin lahaayeen khatarka cudrka AIDS-ka wuxuu kaloo
sheegay in cudurkaas uu ku soo badanayo soomaaliya isagoo sheegay in
Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya uu cudurkaas ka yahay Baqolkiiba 0.3 %
Halka Soomaaliland uu ka yahay Boqolkiiba 1.7 % halka Pundland ay tahay
0.5 % wuxuuna u soo jeediyey ka qaybgalayaasha in ay wixii halkaan ka
barteen u gudbiyaan kuwa aan fursadda u helin .
W/D AmiinYuusuf Khasaaro.
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com