Cade Muuse Oo dilaal ka Noqday Xildhibaanada Cusub ee 2009-
Madaxwaynaha Musharaxa ah ee Cade Muuse ayaa la sheegay inuu u tafa
xaytay sidii uu u Xod xodan lahaa Baarlamaanka Cusub ee 2009- Gen- Cade
Muuse ayaa Talaabadaasi ku Kacay Goortii uu Ogaaday Guul darada ka soo
wajahday inaan dib Loo dooran Afar sano oo danbe.
Dad war Gal ah ayaa soo sheegaya in Cade Muuse uu Xildhibaanada Qaarkood
u Balan Qaaday inuu Aduun Lacag ah siinayo hadii ay Codka siiyaan Isaga
iyada oo qaar ka mid ah Xildhibaanadu ay diideen Go"aanka Leexsan ee
Gen-Cade Muuse, dadka Qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Cade Muuse uu aad
ugu Rajo xun Yahay in Mar labaad ka dhex Muuqdo siyaasada Puntland,
isaga oo lagu eedeeyay inuu Lumiyay Gabi ahaanba dhaqaalihii Gobolka
sidoo kalena Bur Buriyay Qaynuunkii Lagu hashiisay Markii la dhaariyay
Hogaanka Puntland.
Baarlamaanka Cusub ayaa waxa la Orankaraa waxay Keeni Karaan is Bedel
hadii aanay Dalka dib Ugu soo Celin Bur Bur kuwaasi oo iska jira inay
soo Laabato Xukuumada Fashilantay ee Cade Muuse, Golaha Wakiilada
Puntland ayaa Tiradoodu dhantahay 66-Xubnood kuwaasi oo Metela dhamaan
Beelaha degan Gobolada Puntland, Isimada qaarkood ayaa Baarlamaanka Ugu
Baaqay inay Dalka bad baadiyaan isla Markaana ay Kalsoonida siiyaan
dadka Hagi Kara Hogaanka Puntland.
Inta badan Cade Muuse ayaa lagu eedaayaa inuu dhaqaalihii Gobolka ka
dhigay Hal Bacaad lagu lisay isaga oo Meel Khaldan Mariyay, dadka waxay
Ku eedayaan sidoo kale inuu Amaankii Gobolka Gabi ahaanba Lumiyay isaga
oo dalka ugacan Galiyay Budhcad Badeed.
Dadka Gobolada Puntland degan ayaa Gabi ahaanba ka siman diidamaya
Xukuumada Cade Muuse dadka Markaad dhex qaado waxay kuu sheegayaan inay
doonayaan is Bedel dhab ah oo ka dhasha Puntland, dadku waxay ka
Cabanayaa Majaraha Habawsan ee Cade Muuse ku sameeyay , Maamulka
Puntland, Qaar ka mid ah Aqoonyahanka Puntland oo nala soo xidhiidhay
ayaa soo dhaweeyay doorashada Puntland la sugayo sanadka cusub iyaga oo
ka digay inaanay dalka dib ugu soo Laaban Maamulka Guul daraystay ee
Cade Muuse Hor Boodayay.
Dadka Odoraseeya siyaasada Pl ayaa waxay sheegayaan in hadii ay dhacdo
in Cade Muuse dib loo doorto in Puntland ay ka dhacayso Fooda iyo dagaal
Sokeeye iyada oo ay Kacdoon samaynayaa dadka diidan Siyaasada Puntland,
dadkii Falan qeeyay siyaasada PL waxay kaloo saadaaliyeen in hadii
xaalku saasi yahay la rabo in Hogaanka Pl loo doorto Mawaadin hagi kara
Hogaanka Puntland si Bay Leeyihiin loo samata bixiyo Shacabka Puntland.
Doorashada Pl ee la filayo inay Qabsoonto dhawaan ayaa waxa Jagadaasu u
taagan Musharaxiin Fara badan kuwaasi oo qaarkood Qurubaha ka soo duulay
iyo kuwa kale oo Jaanis ka waayay Siyaasada Cade Muuse uu xooga ku
Muquuniyay Afrta sano waxayna Fursad u Heleen inay Maanta Noqdaan
Musharaxiin Metel Shacabkooda, Laakiin Su"aalo ayaa inta badan ay is
Waydiiyaan umada Reer Puntland taasi oo ah inay Musharaxiinta haatan
loolamayaa Wax Muuqda ku soo Kordhidoonaan Puntland iyo in kale,
Jaawbteeda ayaa waxay u Taala Musharaxiinta.
W/Q Wariye Madax-Banaan
Jaamac Ayaanle Feyte
Feyte37@hotmail.com
Garoowe,