SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Raiisul Wasaare Nuur Cadde oo Jabuuti kula kulmey Masuuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed

Your browser may not support display of this image.Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa Hotelka Kempniski ee magaalada Djibouti waxaa xalay uu kulan kula qaatay guddoomie ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Axmed Nuur Xasan Cadbulle iyo xoghayaha guud ee Xiriirka Cadbi Qani Saciid Carab waxaana kulankaas looga wada hadlay arrimo badan oo quseeya horumarinta kubada cagta ee dalka Soomaaliya.

 
Ra’isul wasaare Nuur Cadde ayaa uga mahadceliyay madaxda xiriirka kubada cagta howsha weyn ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed,wuxuuna si gaar ah u xusay in xiligan adag ay kooxda qaranku ka qeyb galeyso tartanka kubada cagta ee qaramada dalalka bariga iyo bartamaha Afrika taas oo uu ku tilmaamay guul lagu faani karo oo uu xiriirku usoo hooyay qaranka Soomaaliyeed.

“Waa muujin karti iyo dadnimo dheeraada in maanta uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu wax la qeybsanayo xiriirada dhigiisa ah xili dalku uu ku jiro marxaladan adag”ayuu ra’isul wasaaruhu ka sheegay kulankii uu xalay Hotelka Kempniski kula yeeshay madax ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Ra’isul wasaaruhu wuxuu xulka qaranka u rajeeyay guul in ay kala soo laabtaan tartanka xulalka dalalka bariga iyo bartamaha Afrika oo 31-ka bishan ka bilaaban doona dalka Uganda,isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Jabuuti oo dalkeeda ay xulka qaranku mudo 3 bilood ah ku tababar qadanayeen.

Ugu dambeyntii ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu balan qaaday in uu gacan weyn siin doono Isboortiga Soomaaliyeed oo uu sheegay in wax badan ay qabteen  muddo  18 sanadood ah oo uu dalku dowlad la’aan ahaa. 
 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Nuur Cadde oo khudbad u jeediyay aqoonyahanda Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Sudan

Waxaa shalay iyo maanta (Dec 31, 2008) joogay dalka sudan ra'iisal wasaaraha DFKMG iyo wafti uu ka mid yahay wasirkiisa arimaha dibadan Axmed Max,ed gool oo ka qeyb galayay shirkii iskhaasiga Sanca wuxuuna shirar kala duwan la lahaa wufuud aad u fara badan.

Haddaba  Nuur Cadde ayaa galabta hall-ka shirarka ee jaamacada Africa kula hadlay ardayda soomaaliyeed ee wax kabarta dalka sudan ayaa khudbadiisa ku bilaabay hambalyo uu u jeediyay ardayda soomaaliyeed kadibna waxa uu u siii guda galay howlihii u dalka u yimid asigoo sheegay in ay halkan uga qeyb galayaan shirka iskaashiga Sanca wuxuuna sheegay in shirka waxyaabihii ugu badnaa oo looga hadlay ay ahaayeen arinta soomaliya waxa kalo ka hadlay dib u heshiisiinta uu isagu hormuudka ka yahay asigoo sheegay in heshiiska jabuuti uu guul ku dhamaaday .



Waxaa kaloo aradayda soomalaiyed u sheegay in sanadka cusub iyo dowlada cusub ay u wada kulmi doonaan, sidoo kale waxa uu ardayda u sheegay in uusan fileynin in arday intaa la mid ah ay joogaan dalkan suudan oo uu yiri runtii aadbaan ugu farxay arintaan wuxuuna ku guubaabiyay in ay howshooda sii wataan islamarkaana ay yihiin kuwii hogaaminayay dalka soomalaiya.

Waxa kaloo uu ka hadlay iscasilaada madaxweynihii hore C/laahi yuusuf oo uu sheegay in ay aheyd arin rajo ah wuxuuna yiri waxaan ka soo tagay dalka maalintii uu is casilayay madaxweynaha wuxuuna sii raaciyay in iscasilaada madaxweynaha aysan waxba u dhibaynin heshiiska jabuuti ay ku wada gaareen dowlada iyo mucaaradka garabka jabuuti.



Ugu danbeyntii waa markii ugu horeysay ee Nuur Xusseen nuur cadde ku yimaado booqasho dalka suudaan asigoo la kulmay madaxweynaha dalkan iyo waliba wufuud aad u fara badan, waxaana saxafiyiinta loo sheegay markii ay dhamaatay in uu isla caawa bixi doona inkastoo aanan la shaacin halka uu ku sii jeedo.

Wariye: Anwar Bakhiit
Khartoum-Sudan
xabaab@hotmail.com
tell: +249122396451

Xulka Qaran Somaaliya Berri la cayaaraya xulka Zinsibaar

Xulka qaranka kubada cagta ee dalka Soomaaliya ayaa ku sugan magalada Kambala ee xarunta dalka Uganda halkaas oo ay Soomaaliya kaga qeyb galeyso tartanka kubada cagta qaramada bariga iyo bartamaha Afrika, waxaana xulka Soomaaliya doraad si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kambala.

Barri oo khamiis ah bisha Janaayana ay tahay 1/1/2009 ayaa xulka qaranka Soomaaliyeed waxaa ay cayaarta ugu horeysa la yeelan doonaan xulka dalka Zanzibar, waxaana xulka Soomaaliya oo ay ku jiraan ku dhwaad 10 cayaaryahan oo dibada laga keeyanay ay sanadkan u muuqdaan kuwo si weyn tartankan ugu soo diyaar garoobay.

Muddo sadex bilood ah ayay xulka Soomaaliya ku tababar qaadanayeen dalka Jabuuti waana markii uu horesay ee tatabar ceynkaa ah ay xulku dalka dibadiisa ku qaataan iyadoo horaantii todobaadkana xulka Soomaaliya ganacsatada Soomaaliyeed ay jabuuti ugu sameeyeen munaasabad isugu jirtay sagootin iyo dhiiri gelin taas oo ay ahayd markii ugu horeysay oo ay ganacsatada Soomaaliyeed iyo xulka qaranku kulmaan.

Magalada Kambala waxaa kusii qul qulaya kumanaan taageerayaal Soomaaliyeed ah oo ka kala tagay dalalka Afrika qaarkood iyo yurub waxaana sanadkan la filayaa in garoomada dalka Ugadna ee cayaaruhu ka dhacayaan ay xulka Soomaaliya ku yeeshaan taageeradii ugu badneyd inta la ogyahay sababo la xariira tirada dadka Soomaaliyeed ee gaaraya Uganda si ay cataarahaa u daawadaan oo ad usii badaneysa.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee cayaaraha xiiseeya ayaa ugu duceynaya xulka Soomaaliya in uu Allah sanadkan kusoo guuleeyo cayaaraha adag ee ay ka qeyb galayaan iyadoo Soomaaliyana ay ku jirto Group adag.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS