Socdaalkaygii Soomaaliya 2008
Qaytii 4aad
Soomaaliya iyo waxbarashada
Sida aan la socono Soomaaliya waa dal dunida saddexaad ka mid ah oo ay
ku nool yihiin dad badan oo cidina aanay ogayn tiradooda, lagayaabee
inay ku noolyihiin 30 million oo qof. Dib-u-dhac iyo burbur wayn ayaa ka
soo gaadhay sannadihii dagaalada sokeeye ay socdeen intii ay dawladu
jirtay iyo waqtiyo badan oo ka danbeeyey. 18kii sano ee ugu danbeeyey
wuxuu ahaa dalka aanay ka jirin wax nadaam dawladeed ah, sidaa awgeed
duruufihii jiray awgood waxay dadku u jihaysteen inay isu xukumaan qaab
qabaa’il. Wixii waqtigaa ka danbeeyey meelaha qaarkood waxaa dalka ka
samaysmay maamulo ku dhisan hab qabiil, kuwaas oo duruufaha ku xeeran
awgood dad badan ay u arkaan kuwo aan wax horumar ah samayn karin.
Sannadkii 2004 waxaa dalka Kenya lagu dhisay dawlad ku meel gaadh ah oo
taageero ka haysata beesha caalamka, laakiin wax faa’iido ah lagama
gaadhin. Hadaba marka laga hadlayo dhibaatooyinka caalamka Soomaaliya
waa tusaale wax-ku-ool ah, waayo waxay weli ku jirtaa fawdo, colaado iyo
dhibaatooyin dabiici ah oo iska soo daba noqday, kuwaas oo sababay
dhimasho badan iyo kumanyaal dad ah oo ku barakacay dalka gudihiisa iyo
dibadiisa. Waxaa burburay nadaamkii dawladnimo iyo asaaskii dhaqaale,
sidaa awgeed waxaa soo gaadhay khasaare ballaadhan oo dhinac kasta leh,
hadaba waxbarashadu waxay ka mid tahay meelaha burburkaasu sida wayn u
saameeyey, saddex fac oo da’yartii dalka ahayd ayaan nasiib u yeelan
daryeel, waxbarasho, shaqo iyo door hogaamineed midnaba.
Waxbarashada da’yarta Soomaaliyeed
1991 markii ay burburtay
dawladii dhexe ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale gebi ahaanba burburay
nadaamkii waxbarasho ee dalka jiray. Waxaa meesha ka baxay maskaxdii
aqooneed, hay’adihii kala duwanaa, maamulkii iyo manaahijtii waxbarashada.
Halista arintaasu waxay si wayn u saamaysay guud ahaan da’yartii
soomaaliyeed, waayo waxaa la waayey aqoontii iyo hay’adihii waxbarashada
hogaanka u ahaa. Waxaa burburay asaaskii oo ay ka mid ahaayeen goobihii
waxbarashada, sidaa awgeed waxbarashadu waxay waqtigaa hoos u goysay masaafo
wayn, hadaba si loo daboolo kaalinta ay banaysay dawladii burburtay,
marxaladaa adag ee la soo maray waxaa hanaqaaday waxbarashada gaarka ah oo
arintaa ka muujisay firfircooni wayn.
Doorka waxbarashada gaarka ah
Waxbarashada gaarka ah inkastoo
markeedii hore ay ku jirtay kaalin muhiim ah wixii ka horeeyey 1991, hadana
waxaa jiray dhibaatooyin aan la koobi karin oo ay ka mid ahaayeen isku
xidhnaan iyo wadashaqayn la’aan, asaas midaysan iyo urursanaan la’aan. Si
loo mideeyo qaybaha kala duwan ee waxbarashada iyo in kor loo qaado tayada
waxbarasho waxaa abuurmay dallado kala duwan. Dalladahaas qaarkood waxay
hoos tagaan maamulo ka jira meelaha ay ka shaqeeyaan, kuwo kalana waxay ku
shaqeeyaan meelo wax maamul ah aanay ka jirin. Kala faquuqa siyaasadeed ee
dalka ka jira waxaa hay’adaha waxbarashada ka haysta dhibaatooyin raad wayn
ku yeelan kara dhinacyada isku xidhka umadeed, waxqabadka iyo horumarka.
Waxaa meelaha qaar weli ka muuqda faquuq ku salaysan dagaaladii sokeeyo iyo
afkaaro siyaasadeed oo horumarka aanay dani ugu jirin. Sida muuqata waa
arimo bulshada ka dhex abuuri kara niyad xumo, kala fogaansho, deganaansho
la’aan iyo dib-u-dhac guud. Waxaa la odhan karaa waa arimo caqabad ku ah
kobcinta aqoonta, waxqabadka iyo horumarka, waayo waxbarashada Soomaaliya
waxaa hogaanka u haya ururo madani ah oo leh heerar kala duwan. Waxaa
meelaha qaar ka jira isku xidhnaan la’aan ka dhaxaysa xataa kuwo hal gobol
ka wada shaqeeya. Waxaa jira dhibaatooyin xaga manaahijta ah, arimo
nabadgelyo xumo, macalin la’aan, tix raac la’aan xaga buugta u badan, hubin
la’aan iwm.
Xidhiidhka
Sida badan waxbarashadu guud ahaan Soomaaliya waxay ku
socotaa luuqadaha carabiga soomaaliga iyo ingiriisida, waana luuqadaha
soomaalidu guud ahaan ay iskula xidhiidho.
Dhaqaalaha
Waxaa jira saddex nooc dhaqaale oo guud ahaan
waxbarashadu ku socoto, kuwaas oo kala ah doorka waalidka, hay’adaha
samafalka iyo doorka maamulo ka jira qaybo dalka ka mid ah. Hadaba
waxqabadkoodu wuxuu u kala baxaa sidan:
Doorka waalidka
Si loo buuxiyo baahida waxbarasho wuxuu waalidku ku qasban yahay sidii
ilmihiisa uu ugu heli lahaa waxbarasho, sidaa awgeed dhismayaasha,
qalabaynta, baahida macalinka iyo adeegyada muhiimka ah, marxalada hadda
lagu jiraa waa mid waalidka ku waajibinaysa inuu kafaalo qaado, sidaa awgeed
waxaa la odhan karaa waalidku waa maalgeliyaha koowaad ee waxbarshada,
hadaba waxaa haboon in laga shaqeeyo kobcinta dhaqaalaha iyo wacyiga qoyska.
Doorka hay’adaha
Doorka hay’adaha, khaasatan kuwa UNka waxqabadkooda waxaa lagu tilmaamaa
mid qaali ah, hadana waxsoosaarkiisu uu kooban yahay. Inta badan hay’adaha
UNka iyo NGO-yada qaarkood waxaa xidhiidhkoodu soo maraa gacmo kala duwan oo
qaarkood aanay masuuliyadi ka saarnayn xaga waxbarashada. Waxaa meel kasta
lagu arki kara waxyaalo ay ku qoran yihiin magacyada hay’adaha, khaasatan
kuwa UNka, dushana ay kaga qoran tahay lama iibin karo, sidaas oo ay tahay
hadana waxay ka mid yihiin badeecdaha caadiga ah ee maalin kasta suuqyada
lagu kala iibsado. Arimahaas iyo kuwo kale oo badan waxay dadku ku
macneeyeen musuqmaasuq baahay iyo iyadoo inta badan hay’aduhu xamuulkooda ku
faaruqiyaan meelo aan munaasib ahayn.
Doorka Maamulada
Meelaha ay ka jiraan maamuladu, miisaaniyadaha waxbarashada ay u
qoondeeyaan waa mid kooban oo la odhan karo waa wax afka baarkiisa uun ah.
Maamulka Somaliland ayaa sannadkii 2007 wuxuu waxbarashada uga qoondeeyey
miisaaniyadii sannadka 8%, halka difaaca iyo sirdoonka loo qoondeeyey
58.27%, maamulka Puntland ayaa isaguna wuxuu waxbarashada u qoondeeyaa wax
ka yar 1% miisaaniyada sannadkii, DFK ayaan la odhan karaa iyadu maba leh
qorshe iyo miisaaniyad waxbarasho, balse intii ay dalka timi waxaa xidhmay
goobo badan oo waxbarasho. Sida la xaqiijiyey miisaaniyadaha ay maamuladu u
qoondeeyaan waxbarashadu waa kuwo inta badan ku baxa ilaalinta iyo
qarashaadka madaxda maamulada ee ka qayb gala shirarka ururada waxbarashada
iyo arimo kale oo la xidhiidha sidii loo abuuri lahaa sababo lagu hoos tegi
karo.
Wadashaqaynta daladaha waxbarashada
Lama garan karo tirada
qaxootiga ee dhex wareegaalaysa dalalka bariga Afrika oo ah dalal ay la
degeen musuqmaasuq, maamul xumo is maandhaaf siyaasadeed iyo dagaalo. Hadaba
Soomaaliya oo ah dal ay dhibaatooyinkaasu si wayn u saameeyeen waxaa ka jira
dib-u-dhac aad u wayn ka soo gaadhay dagaalo iska soo daba noqday, dawlad
la’aan, maamul xumo baahsan iyo dhibaatooyin dabiici ah. Waxaa dalka
gudihiisa ku baracsan dad aad u badan oo gaadhaya malaayiin, kuwaas oo ka
kala yimi Soomaaliya, Ethipooia, Kenya, Tanzaniya, Badhtamaha iyo dalalka
kale ee Bariga Afrika. Waxaa jirta caruur badan oo siyaabo kala duwan aan
fursad u heli karin waxbarasho iyo daryeel wanaagsan. Isku xidhnaan la’aan
iyo arimo badan oo la xidhiidha nabadgelyada iyo kalsooni la’aan jirta,
waxaa la odhan karaa ma jirto qiyaas la isku halayn karo oo sheegi karta
tirada guud ahaan ardada maalin kasta waxbarashada u xaadirta, sidoo kale
tayada waxbarashadu ma aha mid gaadhsiisan heerkii la rabay sababo badan oo
jira awgood.

Dalladda Waxbarashada PEN
Hadaba innaga oo eegayna warbixinta aynu
kor kaga soo hadalay iyo duruurfaha kala duwan ee ku xeeran waxbarashada
da’yarta waxaanu waraysi la yeelanay gudoomiyaha dalladda waxbarashada ee
Pen Dr. Maxamed Cali Faarax. Dr. Maxamed Cali wuxuu noo sheegay “...in
burburkii ka dib 1992dii ay waxbarashada ka soo bilaabeen meel eber ah oo
aanay ka jirin dhismayaal, xidhiidh, dhaqaale, macallimiin, agab waxbarasho
iyo asaaska kale toona. Hadaba dalladda PEN oo la asaasay sannadkii 2005
waxay ka shaqaysaa kor-u-qaadista niyada, ururinta, manahijta, tababarka,
heerka waxbarashada iyo xidhiidhka bahda waxbarashada. Waxaa dalladda hoos
yimaada 89 dugsi waxbarasho, kuwaas oo ay kala shaqayso dhinacyada maamulka,
isku xidhka, manaahijta, tababarka macallinka, waqtiga shaqada (sida
waqtiga, maadooyinka iyo fasaxyada), bedelka ardayga, shahaadada, dhinaca
dhismayaasha, caafimaadka (sanitation) iyo agabka waxarashada iwm...”

Dr. Maxamed Cali Faarax, waa madaxa dallada waxbarashada
(Private Education Network PEN), sidoo kale waa madaxa
hay’ada Muslim Aid ee gobolada la magac baxay Puntland.
Sawirka Bosaso, Soomaaliya, 2008.
“Iskuulada intooda badan waxaa dhista bulshada deegaanka, sidaa awgeed waxaa
jira kuwo badan oo aan gaadh siisnayn heerkii loo baahnaa, hadaba annagu
waxaanu culayska saarnaa xaga tirada si aanu fasalku 30 arday uga badan,
manaahijta, qalabka wax lagu baranayo, heerka, samaynta xidhiidhka (network)
guud ama gaarka ah iyo tababarka, laakiin waxaa maqan dawrkii dawladeed oo
dhan sida dhaqaalihii, xidhiidhkii (logitikada iyo shirarka), manhajkii iyo
dejinta heer waxbarasho, tusaale hadaynu soo qaadano dalka Malaysia Mahatiir
Maxamed mar uu ka hadlayey muhiimada aqoonta, wuxuu sheegay in horumarka ay
ku gaadheen aqoonta oo ay xooga saareen, sidaa awgeed miisaaniyada dawlada
25% waxaa loo qoondayn jiray dhinaca waxbarashada” ayuu yidhi Dr. Maxamed
Cali mar uu ka hadlayey qiimaha ay leedahay aqoontu.
Doorka aqoon yahanka
“Waqtigan hadda ah aqoon-yahanka culays wayn
ayaa saaran, haday ahaan lahayd dhinaca siyaasada, isku xidhka, dhaqaalaha
iyo hogaaminta ummadda. Waxaa dhici karta khilaafku inuu sii baahi karo,
waayo dantii gaarka ahayd ayaa dhibaato ka jirtaa, aqoon yahankii waqtigan
waa mid legdan, dadka masraxa ka muuqdaana waxay u badan yihiin dad dantooda
oo keliya u shaqaysanaya, mana jiraan cid doonaysa inuu aqoon yahanku soo
dhawaado. Dadkii aqoonta lahaa waqtigan waxay noqdeen kuwo daba taagan oday
kaabe qabiil ah, doorkii waxqabadkuna wuxuu noqday mid loo doortay nin aan
waajibaadka garanayn, dalkana marka la eego aqoontii dibadda ayey uga
baxday, booskiina wuu banaanaaday, sidaasoo ay tahay hadana waanu
dareen-sanahay arintaasu in aanay cudurdaar noqonayn, waxaase loo baahan
yahay in laga wada shaqeeyo gudo iyo dibadba. Waxaa waajib ah in loo hawl
galo sidii dalkan dawlad loogu samayn lahaa” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cali mar
uu ka warbixinayey doorka aqoon yahanka.
Marka la eego waqtiga dheer ee dalku dawlad la’aanta ahaa, waxaa loo baahan
yahay in qof walba oo Soomaali ah uu ogaado in aanay jirin cid ay isku
halleeyaan, iyaga ayey waajib ku tahay inay u hawl galaan sidii ay dawlad
nimadoodii ula soo noqon lahaayeen, khaasatan bahda waxbarashada meel kasta
oo ay joogaan waxaa waajib ku ah inay arintaa horseed ka noqdaan. Waxaa loo
baahan yahay waxsoosaar, hal abuur iyo feker dhinaca wacyiga ah sidii looga
wada shaqayn lahaa isku xidhka ummadda iyo in wax la baro lana soo saaro
jiilka soo socda oo la helo dad aqoon leh, arimahaasu waxay ka mid yihiin
yoolka aqoon yahanku uu tiigsanayo. Wacyigelinta iyo kor-u-qaadista aqoontu
waa doorka aqoon yahanka, dadaal badan ayaa jira, balse arintaa dhibaatooyin
badan ayaa ku xeeran. Dadka ilaa iyo maanta siyaasada hogaaminayaa waa kuwo
muddo dheer soo taagnaa, wax ay qabteena ma jirin, haday wax qabteena iyagaa
dib u cunay, caalamka maalin kasta waxaa soo kordha dad cusub oo aqoontooda,
fekerkooda iyo firfircoonidaada lagaga faa’iido. Ardaydii soo baxday way
ooman yihiin, waxaa loo baahan yahay sidii ay isula jaan qaadi lahaayeen
dadkaa badan ee waxbaranaya, waxay u baahan yihiin sidii ay u soo geli
lahaayeen suuqa shaqada, hogaaka iyo ka qayb qaadashada horumarinta ummadda,
ayuu yidhi Dr. Maxamed Cali isagoo ka hadlaya mustaqbalka waxa ay fili
karaan.
Mar aanu wax ka waydiinay Dr. Maxamed xidhiidhka ay la leeyihiin dalladaha
kale ee dalka ka jira, wuxuu yidhi: “siyaasada ayey noogu jirtaa in aanu
xidhiidh la samayno dalladdaha kale ee waxbarshada, waxaanu arintaa ka soo
bilownay inaanu isku xidhno goobaha waxbarashada, ugana gudubno sidii aanu
isugu xidhi lahayn dalladaha, waxaaanu kale oo samaynaa tababaro arimahaa ku
saabsan, waxaa kale oo hadda aanu xidhiidh la leenahay dalladda African
Education Trust (AET) oo ah dallad midaysa dugsiyada sare ee goboladan iyo
dalladda FPEN oo ka jirta Muqdisho, sidoo kale waxaanu ku-han-waynahay sidii
aanu ula xidhiidhi lahayn dalladaha kale ee dalka ka jira. Waxaa kale oo
aanu ku talo jirnaa in dalladda loo sameeyo xarun cilmi baadhis (resources
centre), arintaasina waa mid aanu u soo jeedinayno in ay nagala qayb qaataan
aqoon yahanka debada iyo guduhuba”.
Su’aal kale oo ahayd “baahida macallinka iyo adeegyada muhiimka ah sidee loo
daboolaa...”, wuxuu ku yidhi Dr. Maxamed Cali: Anagu ma nihin hay’ad wayn oo
dhaqaale haysata, waxaanu nahay dallad ay iskuuladu ku midoobeen oo ka
shaqaysa isku xidhkooda, socodsiinta shaqada, talabixinta, raadinta qalabka
loo baahan yahay iyo wixii la mid ah, sidaa awgeed sidii aan horay u soo
sheegnay waxbarashada oo dhan waxay ku socotaa doorka waalidka iyo bulshada.
Lacagta yar ee laga qaado ardayga (qalin darka) ayaa baahiyaha oo dhan laga
daboolaa, waxaase jirta dhibaato iskuulada oo dhan haysata, meel kastana ka
jirta oo ah in macalinku aanu mushaar helin waqtiga fasaxa ah, iyadoo ay
macalinkii la xidhiidhaan mas’uuliyado qoys, taasina waxay dhiiri gelisaa
inuu waqtiga fasaxa shaqo taga oo wax kale raadsado. Markaa macalinkii aad
soo tababartay waxaa laga yaabaa, marka fasaxa laga soo noqdo, inuu sooba
noqon waayo oo uu helo shaqo kale ama duruufuhu ay meel kale kala dhacaan,
arintaasi waa mid culays wayn uu ka taagan yahay una baahan in wax laga
qabto, waayo markasta macalimiintii isbedel ayaa ku imanaya, waxaa dhacaysa
macalin la’aan, waxaad ku qasban tahay inaad macalin kale raadiso,
arintaasina dhibaatadeeda ayey leedahay.
Pen iyo doorka waxbarashada qaxootiga
Sida aan la socono Boosaso waxaa jooga dad badan oo qaxooti ah, hadaba mar
hadii aad tihiin dallad wayn oo waxbarasho waajib ma iska saartaan
waxbarashada dadkaas, khaasatan da’yarta, ma jirtaa wax xidhiidh ama talo oo
arintaa la idin kala yeesho? Ayaanu waydiinay Dr. Maxamed Cali, isaga oo ka
hadlaya arintaana wuxuu yidhi:
Dadkaa dhibaatooyin badan baa haysta oo ay ka mid yihiin deegaan xumo,
nadaafad iyo daryeelka la’aan, waxaana jiray hay’ado kale oo ka shaqaya
arimahaa, laakiin annagu waxaanu isku daynaa inaanu ka hadalo xaaladooda,
wixii nalooga soo baahdana u fududayno (facilitation) sida iskuulada iyo
xaga qalabka wixii aanu awoodno, sidoo kale waxaa jira barnaamijyo aanu ku
talo jirno oo ku saabsan in loo sahlo sidii iskuulada ay wax uga baran
lahaayeen, in caruurta laga bixiyo lacagta qalin-darka (fee-ga) oo anu
doonayno inaanu la kaashano hay’adaha sida Muslim Aid.
Tani waa goob loogu talo galay iskuul wax l ugu baro da’yarta qaxootiga,
sida ka muuqata waxaa dhistay UNICEF, laakiin waa meel wax shaqo ah aanay
waqtigan hadda ah ka socon.
Xaalada dhaqaale ee Soomaaliya:
Qiyaaso aan sugnayn oo laga sameeyey gudaha dalka, waxay sheegayaan in 50%
dadka soomaaliyeed ay si uun ugu tiirsan yihiin taakulada ay ka helaan
qurbojoogta, 20% waa dadka shaqeeya, laakiin xaaladoodu way ka hoosayso
heerka shaqada, marka laga eego nabadgelyada, xuquuqda, qaabka shaqada iyo
dakhliga. 25% waxaa lagu tilmaami karaa dad aan waxba haysan, waxayna u
badan yihiin dadka xeryaha qaxootiga ku jira iyo kuwa dalka gudihiisa ku
barakacsan. 5% waxaa lagu tilmaamay inay yihiin dadka iska leh ganacsiga iyo
ilaha waxsoosaarka kooban ee dalka ka jira, hadana dhanka kale waxaa la
odhan karaa noloshu guud ahaan waxay ku tiirsan tahay xoolaha iyo beeraha.
Soomaaliya waa dal ku haboon xoolaha nool, waxsoosaarka beeraha,
kaluumaysiga iyo ganacsiga marka la eego meesha uu ku yaalo, laakin waxaa
jira sababoo badan oo ragaadiyey in horumar laga sameeyo arimahaa sida
aasaas iyo aqoon la’aan, dhaqaale iyo qalab xumo, qorshe iyo socodsiin
la’aan, waxaa iyaguna jira hogaan xumo, amaan la’aan, faragelin iyo
deganaansho la’aan. Maamulada ka jira meelo dalka ka mid ah waxay
miisaaniyada ugu badan ku bixiyaan adkaysiga kursiga iyo asaraarka
qabaailka, mana laha qorshe iyo miisaaliyad lagu horumarinayo dhinacayada
aqoonta iyo waxsoosaarka.
Shaxda miisaanka maaliyadeed farqiga waxbarashada iyo difaaca u dhexeeya,
raadka arintaasu ku leedahay, degaanhaha, koboca garaadka bulshada iyo
horumarka guud waxaynu ka arki karnaa isbarbar dhiga soo socda.
Isbarbar dhiga miisaaniyadaha difaaca iyo waxbarashada 2007 ee maamulada:
Somaliya |
Difaaca |
Waxbarashada |
Farqiga |
Somaliland |
58,27% |
8% |
50,27% |
Puntland |
80% |
1% |
79% |
DFK |
100% |
0% |
100% |
Wadarta |
238,27% |
9% |
229,27% |
Puntland iyo DFK waa qiyaasaha ugu dhaw ee la hayo. |
Maalgelinta
waxbarashada
Waalidka: maalgeliyaha aqoonta.
Hay’adaha: ?
Maamulada: ?
HDA waxay kaa codsanaysa inaad kala qayb qaadato fulinta arimaha waxbarasho
ee ay ku hawlan tahay, hadaba kafaalo qaad hal canug, waana maalgashigaaga
maanta waana faa’iidada berri iyo saadanbe...
Shaxda kafaala qaadka halkii canug bishiiba waa sidan hoos ku cad:
Halkii canug |
Daryeelka |
Qalin darka
|
Caafimaadka |
Isugayn |
Bishii USD |
24 |
10 |
10 |
44 |
HDA meel kasta oo aad joogto waxay kugu boorinaynaa cidna ha ku halayn
ubadkaaga, ka qayb qaado nabada iyo maamul wanaaga, badbaadada ubadka iyo
kobcinta aqoonta.
FG.: Hadii la heli karo xarumo daryeel qarashku wuu ka yaraan karaa
qiimaynta aynu kor ku soo xusnay, hadaba iskaashi bulshadu waa maskax, maal
iyo muruq la isku biiriyey.
WD. Hassan Nuur
Jointgroup@gmail.com
AKHRI: Xaalada
Boosaaso iyo Barakacayaasha
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009