SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Warbixin iyo Sawiro Jaamacada Dowlad Goboleedka Puntland iyadoo Musharax Nuradiin Aadan Diiriye La waydiiyey su'aalo badan

Sawirada Halkan ka daawo....

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo la waydiiyey- Nidaamka aad wax ku hogaamin doontid ma System Islaamiyaa Mise waa System Dimuqraadiya? Kulan uu ku soo bandhigay siyaasadiisa Jaamacada Dowlad Goboleedka Puntland ee (PSU) Garowe.

Kulankaan ayuu musharaxu ku soo jeediyey siyaasadiisa iyadoo ay ka soo qayb galeen Arday, Macalimiin iyo Maamulka PSU ee Magaalada Garowe.

Mar walba aan u imaado arday iyo dad aqoon yahano si gooniya ayey iigu tahay farxad waayo waxaan doonayaa inaan kala faa'iidaysano oo aan ka faa'iidaysto waliba aan ka faa'iidaysto waliba idinka ayaa wata maskaxdii cusbeyd aad bay u shaqeenaysay akadheemkik bay ahayd wadankuna uu ka sugaayey dhibaatooyinka badan ee maanta yaala isbadalka aan doonayno inaad maskax iyo muruq ku soo dabooshaan idinka sugaysay inaan maskax iy muruq ku soo

Inta aanan ugalin barnaamijka siyaasadeed ee aan ugu tartamayo puntlnad aniga iyo kooxda ila socota waxaan jeclahay ianaan tilmaam yar ka bixiyo sababta igu kaliftay inaan isku soo taago madaxtinimada puntland kana qayb qaato ololaha isbadel doonkaan una soo xayd xaato ololaha samabixinta Puntland mudo hada laga joogo afar sano iyo xoogaa waxaan fursad u helay anigoo mudo ka maqnaa Puntland dib ugu soo noqdo puntlnad markaas oo aan helay fursad aad u balaaran oo runtii safaro u kala tagay degaanada Puntlnad safar xaga dhulkaa iyo mid cirkaa iyo mid badaa

Waxaa ii suurto gashay inaan la soo sheekaysto lana soo fariisto soona booqdo deeganaada kala duwan ee puntland deeganaadooda iyo tuulooyinkooda sidoo kale fursad ka balaaran inaan wax yaalo badan ka ogaado Puntland waxay tahay oo macluumad ahaa run ahaantii waa ii suurto gashay intaan ka tirsanaa Qaramada Midoobey ka tirsanaa intaba waxaa ii soo baxday sadex arimood

mida koowaad Puntland inay leedahay dal aad iyo aad u wanaagsan dal aad u wanaaagsan oo leh kheyraad aad u faro badan kufilnaan kara baahadina ka tirikara dhamaan degaanka puntland degan ama Somaliya degan ama geeska afrikaba.

waxaa dhici karta in la is waydiiyo kheyraadkaan xagee ku jiraa kama aan hadlaayo badroolka saliida oo kaliya

balse kheyraadka kale ay puntland leedahay hadii aan tusaale u soo qaato puntland degaan ahaan waxay ka weyntahay dhul ahaan

Kuwait, imaaraat, baxreyn, khaddar, jabuuti, ruwanda iyo burindi oo la isku daray

intaa waxaa ka deegaan weyn dowlad gobolaadka puntland badkeeda inta ay ku dhisan tahay waxa kheyraadka ah ee wadamada laga sheegana puntland waa ay leedahay sidoo kale waxay leedahay Puntland 17 ilaa 22malyan oo xoolaa oo faa'iidaysiga aan ka faa'iidaysano waxaa ugu weyn Neefka oo dhan inta aan la gaarin faa'idaysiga neefka intiisa kale.

haday Harag noqon lahayd hadii ay Geesaha noqon lahayd Hadii ay Caloosha noqon lahayd Hadii ay Hilibka noqon lahayd Hadii ay neefka intiisa kale noqon lahayd waxaa laga yaabaa in mid mid ay ka qaalisan tahay neefka oo dhan balse anaga ay tahay ka faa'iidaysigeena ugu qaalisan uu yahay neefka oo dhan halkaas waxaad ka garanaysaa fursada balaaran ee kheyraadka ah ee laga faa'iidaysan karo.

sidoo kale buuraha dhaadheer ee aad aragteen ee puntland ku yaal ee dhulkan karkaar iyo dhulka sool dhamaantood macdinta warshadaha loogu talo galay jibtan aron in koon iyo in badan oo kamida macdanta loogu talo galay bakteeriyaan iyo wixii loogu talo galay intaa waxa adheer badeena puntland oo balaceenu dhan yahay gaar ahaan bada Hinta laga bilaabo caluula ilaa garaca.

Dhalinyaraddeena maanta jooga badda ee wata saxiiha iyo qorayaha yar yar waxay mar walba ku guulseytaan inay soo qabtaan maraa kiibta mana ku guul dareesan kartin boqolaal baa maraysa mid un waad iska qabsan kartaa balse meelo badan aan ku celceliyey caawana waan jeclahay inaa ku celceliyo kheyraadka ugu fiican ugu wanaagsan ee ay leedahay Puntlnad waa dadkeeda waxay leedahay dadwanaagsan oo samir badan dulqaad leh runtiina u adkeesta waxyaalo aduunka aan looga adkaysan Karin lana suurto galin Karin in lagu adkaysto waxaa jira tusaale aan aad ugu celceliyo markasta meelkaste oo aan aduunka tagayna aan ka sheegay aanan ka caajisi doonin inaan ku celceliyo markasta oo aniga shaqsi ahaan I qabsaday waana dhici kartaa inaad maqasheen balse waan ku celinayaa si aan hoosta ugu xariiqo dadkeena noociyadiisa sida ay tahay

Magalada garowe makhaayadaas caanka ah ee la isugu tago anigoo fadhiya baa waxaa ii yimid wiil yar oo dhalin yaraa oo askari ah oo dhoor iyo laabatan jir ah waxay ahayd sanadkii labada kun iyo lixda ninkaa yar ee dhalinyaradaa xaas iyo caruur buu leeyahay ee dhoor iyo laabatan jirkaa tababar askari oo weyn iyo tababar qaran aan midna haysan sida lagu aqoon jiray askarnimada ma soo marin.

hadii ay ahaan lahayd xaga wacyiga hadii ay ahaan lahayd xaga tababarka waa dhalinyaradeenii maleeshiyaadka ahaa ee askarta laga dhigay oo Punland u shaqeenayey ninkaa askariga ee dhalinyaradaa marka aan sheekaysanay sagaal bilood ma uusan qaadan mushaar waxaa yaab iyo ama kaag igu noqday markaan ogaaday in ninkaa dhalinyaraadaa oo askarigaa oo qoriga haysta oo xaaska iyo caruurta leh oo aan sagaalka bilood mushaarka qaadan shaqadiisu tahay in baabuurka talaajada ah ee lacagta ka soo qaada Dekadda Boosaaso ee keena Bankiga Garowe in uu yahay wiilka darawalka ka ah umaleen maayo sidaa aaminkaa uu wiilkaa sameeyey in uu aduunyadaan aynu hada joogno meel ay ka dhici karto in ay jirto samirka intaa le'eg dulqaadka intaa la'eg daacadnimada intaa le'eg in ay ka jiri karto somaliya aduunyada inteeda kalana aysan nala qabin dadka ku fakaray marka in hantidii ay dadweynuhu sidaa ku badbaadiyaan kana gaajoodaan meesha ay marayso haddana la wada ogsoon yahay sidaa daraadeed dadka reer Puntland wanaagooda iyo noociyada ay leeyihiin halkaas ayaad ka garan kartaa sida ninkaa askarigaa waxa wadanka lagu joogana waa Isimo, Nabadoono,Waxgarad,AQoonyahano,Culumaa'udiin una dulqaatay wax kastoo ku dhaca inay u samraan balse maanta waxaan isleeyahay dadka reer Puntland samirkoodii waa gabawaabsi umana samri doonaa maanta wixii ka danbeeya ilaa la helo isbadel ay u aayaan.

Arinta kowaad ee aan ogaaday waa inaan leenahay Dal wanaagsan arinta labaad ee aan ogaadayna waa inaan leenahay Dadwanaagsan Arintii sadexaad ee aan ku ogaaday khibradii safarkayga ee ka shaqeenta Puntland waa in dhibaatada na haysata maanta ee dhan walba leh xag burbur nabad gelyo mid dhaqaale mid hormar mid arimaha bulsho mid ganacsi mid sumcad intaba waxaa asal u ah hogaanka oo dhibaato maanta naga haysato waa maamul xumo aqoon darro cadaalad daro iyo midnimo sidoo kale waxaa taas keenay in hogaan noocaas oo kale Puntland joogaan ama masuul ka yihiin oo ay majaraha ka hayaan

Waxaa dastuurka dadka idinka iyo anaga oo kala ah ee aqoon yahanka ah ee wax ku biirin kara Puntland ee wax kaqaban kara arimaha taagan oo faraha kala baxay hogaankii Puntland in meel cidlaa laga helo waxaan anigu masuuliyadda saarayaa dadkii Puntland wax ka qaban karay ee u firaaqeeyey ama dibada aaday ama gudaha kuwa ku jira ee faraha kala baxay oo yiri waxba kama qaban karno dhib badan bay leedahay ku talo seegimayno mana galayno waxa meesha kajira arimahaas aan ogaanay ayaa waxay sabab u tahay iguna kaliftay inaan u istaago jagada aan maanta u taaganahay iskumana arko inaan ahay xildoon balse waxaan isku arkaa inaan ahay isbadel doon inaan ahay samatibixindoon iyo inaan ahay badbaado doon.

Waxaan aamin sanahay inay waajib inagu tahay in aan u istaagno samatibinta iyo badbaadada Puntland sidoo kale waxaa jira dad badan oo murashixiina oo u tartamaya xilka madaaxtinimada Puntland iskuna soo taagay in ay badbaadiyaan Punland aniga shaqsi ahaan waxaan aamin sanahay inaan u arko dad muwaadiniina in ay yihiin dad ka danqaday maanta Puntland heerka ay marayso in ay doonayaan in ay wax ka qabtaan arinta doorashada murashixiintana faraha badan anigu waxaan qabaa in ay tahay arin wanaagsan uma arko in laga dido in la soo dhaweeyana waan ku talinayaa waxaan ku talinayaa in dhamaan murashixiinta oo dhan aad soo dhaweesaan ama taageertaan basle kala xulataan.

Fursan balaaran ayey u tahay dadka reer Puntland in ay maanta helaan dad faro badan oo ay kala dooran karaan fursad ayey u tahay dadka reer Puntland in ay mar kasta ay imtixaamaan Barnaamijka Murashax kasta kana imtixaamaan waxa uu qabanayo una imtixaamaan si tafaftiran kuna imtixaamaan goorta uu wax qabanayo kana imtixaamaan meesha uu ka keenayo dhaqaalah uu wax ku qabanayo kana fiirayaan in uu qofkaas leeyahay xiriirka caalamigaa ee uu ka keeni karo dunida taageeraha aan u baahanahay sidoo kale fursan balaaran ayey u tahay shacabka, Isimada iyo Xildhibaanada Puntland in ay ka imtixaamaan murashax kasta in uu leeyahay khibrad amaano in uu leeyahay taariikh amaano cad oo dadka u muuqata in wixii lagu amaansaday shirafleh uu u soo celiyey dadka reer Puntland sidoo kale fursad balaaran ayey u tahay in hal qof wax ma qabtee la itixaamo tiimka la socda murashaxa lagana imtixaamo inay leeyihiin khibrad wax qabad iyo khibrad amaano intaba.

Waana sida ay ku kala duwanaan karaan murashixiinta aniga hadii ilaahay ii dhiibo xukunka waxaan qorsheenayaa in si degdeg ah aan ugu sameeyo Puntland isbadel ah mid balaaran oo la taaban karo isbadel taabanaya nidaamka nabad gelyadda si aynu u dhisno nidaam nabad gelyo waa in ay shacabka Puntland isku haleen karaan ku seexan karaan ku soo toosi karaan sugikara amniga qofkasta oo ku sugan Dowlad Goboleedka Puntland ha ahaado midka ka shaqeeya midka ka ku dhashay midka ka soo cararay gobolada kale ama ha ahaado muslim, gaal iyo ajanabi intaba waxaana masuuliyadda inta kusugan Puntland ay saaran tahay Dowlad Goboleedka Puntlnad sidoo kale nidaam nabad gelyo deg deg ah oo ku soo celin kara goboladii maqnaa ee Puntland sugikarana amnigooda dib danbana aan loogu soo xad gudbikarin mid kamida Dowlad Goboleedka Puntland
Aqoon yahanka, Ardayda, Culumaa'udiinka, Waxgaradka Waa inay u cada hay Qadiyadda Sool Sanaag, Cayn iyo Haylaan Goboladaas waa gobolada markii horaba keenay Midnimada Somaliya 1960kii waana goboladii diiday in somaliya ay kala godo 18kii sano ee burburka ka jiray waa goboladii u taagnaa in somaliya la kala geeyo qadiyadu waa qadiyad somaliyeed waa qadiyada Puntland waana goboladii aasaaska u ahaa inay dhisanto Puntland Sidaa daraadeed waa muqadis in ay ugu soo laabato gacanta Puntland.

Waxaan qorsheenaynaa hadii ilaahay yiraahdo in aan isbadel balaaran ku sameeno nidaamka lagumaareeyo maaliyadda Dowladda Maaliyadda Dowladda oo ah amaano loo dhiibtay Dowladda ma aha Hanti gaara oo iyagu leeyihiin
Waa dhaqaalihii canshuurta looga qaaday shacabka reer Puntland waa maaliyadii la doonayey in lagu hormariyo barnaamijka siyaasadeed ee Puntland maanta nidaamka maaliyadda ee noo dagen ma aha mid shaqeenaya ma aha mid xalaala ma aha mid la ogyahay shilin kastaa meesha uu ka soo baxo ma aha mid la ogyahay shilin kastaa meesha uu ku baxo waxaan u balan qaadaynaa dadka reer Puntland.

Nidaam maaliyadeed oo shinlin kastaa meesha uu ka soo baxayo iyo shilin kastaa meesha uu ku baxayo cadyahay barnaamijsiyaasadeed ee dowladda ee dowladda la la ogyahay inaan sameeno waxaan u maleenayaa waa marka horeee waad yaabi lahayd hadii aad aragtid qaabka ay maaliyaddu u shaqeeso marka hore waraaqaha canshuurta lagu qaado waa kuwo aftalyaani ku qoran marka hore ma ogtihiin u jeeda kuwa ku qaran aftalyaaniga ma aha aqoon daro oo kaliya balse aqoon daro waa jirtaa hase yeeshee waa siyaasad ay ku talo galeen inta aftalyaaniga ku qoran waa inta aan la ogaan Karin meesha ay ku baxday dadkuna ma garan karaan waxa laga qaaday waxa ay tahay sidoo kale nidaamka canshuurta ee laga qaado waxaa uu ku salaysan yahay Airporka ama Dekadda

Waa qaab siyaasadeed oo lagu taageerayo dhaq dhaqaaqa dowladda dhaqaalaha dastuurku wuxuu ku dhisan yahay canshuurta dadku ay shaqeeyaan canshuurta dhulka uu yashaqeeyo canshuurta hantida shaqeesa canshuurta wax soo saarka ganacsiga midaas baa maanta si fiican loo qaadaa

Halkaa waad ka garan kartaa sida loo badin karo hadii ganacsatada culeyska laga qaado shacabka shaqeeyana uu la wadaagayo hantida shaqeesanaya ay la wadaagayso dowladda si aysan gacanta iyaga kaliya ugu mareen dowladuna wax ku soo saarto cashuurtaas amniga nabadgelyadda hormarka arimaha Bulshada dhamaan

Ganacsatadu markastaa diyaar ayey u yihiin in ay canshuurta bixiyaan hadii la doono ha laga qaado canshuur xaddhaafa balse waxay u baahan yihiin ganacsatadu labo arimood kow in ay xalaal ku shaqeeso iyo in lawada ogyahay meesha ay ku baxdo

Sidoo kale waxaa nasiib daraa in 10sano kadib in Puntland shacabkeedii in aysan lahayn cod ay ka dhiibtaan Doorashada hogaamiyaashii hogaamin lahaa si kalsooniya
Aniga maanta waxaan ka jeclaan lahaa inaan iraahdo waxaan ahay murashax inaan iraahdo waxaan ahay Gudoomiyaha Xisbi Hebel oo u tartamaya hogaaminayanaya doorashooyinka ka dhacaya Puntland heer Degmo, Heer Baarlamaan iyo Heer Madaxweyne taas ayaan ka jeclaan lahaa maanta waxaan ka jeclaan lahaa maanta in kulankaan maanta uu ahaado Xisbigiinii kulankiinii dhalinyaradii maanta iyo aqoonyahankiisii oo maanta shiraya kana shiraya arimaha doorashada nasiib daro 10sano waxaan ku jirnaa nidaamkii aan naqaanay basle waxaan idin balan qaadayaa hadii ilaahay yiraahdo in nidaamka lagu dimuqraadiyeenayo doorashooyinka hawshiisa ugu badnaa aan fulino maalinta aan la wareegno xukumada Puntland si doorashada soo socota ay dhamaan dadka reer Puntland ugu qayb qataan codbixinta doorshadooda, ma aha mid ay u goysay dhaqaalihii iyo farsamadii ay ku sameyn lahayd dowladda siwanaagsan ayaan ugu warqabaa in dowladaha caalamka ee deeqda bixiya ay dowlad goboleedka Puntland siiyeen
Dhaqaalihii, Farsamadii iyo Aqoontii iyo Qorshihii lagu gaarsiin lahaa doorshooyinka ay ka qayb qaadan karaan dhamaan dadkoo dhan waxayna ahayd in la qaado afti la sameeyo dastuur la sameeyo tiro dadka la sameeyo doorasho heer degmaa heer gobol la sameeyo goobihii codbixinta waxaana ogahay in qorshahaan sadexsano kahor la diyaariyey basle maamulka ayaa ka hor istaagaya
Sidaa daradeed anagu hadii aan ku guuleysano hadii alle idmo waxaan jecelnahay inaan u sameeno Amniga iyo Doorashooyinka intaba sida aan idin sheegay oo aan isbadelkaan cusub u sameeno si hormar loo gaaro oo la taaban karo waxaan kaloo soo bandhigaynaa ajandaha shaqaalaha ay ugu horeeso kobcinta shaqaalaha hormarinta waxbarashada Caafimaadka iyo Degaanka intaba arimahaas oo dhan waxaad ka akhrisan kartaa barnaamijkeena siyaasada ee qoran.

Aydoo waliba dowlada puntland ku tilaabsan doonta in ay sameeso xiriirkeeda gaarkaa ee la yeelan doonto wadamad intooda kale si loo helo scholar ship dheeraad ah oo ay dadkeena wax ku soo bartaan ugana soo noqdaan uguna adeegaan dalkooda si intaa loo hirgaliyo kobcinta waxbarshada sare aruurinta dhaqaalaha waxbarashada waxaan intaa ku dhawaaqi doonaa qaybta agaasinka waxbarashada sare ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Si aan u hormarin kobcinta iyo hormarinta Waxbarshada sare ee Dowlad Goboleedka Puntland arimaha waxbarashada, Ganacsiga iyo Maamulka Dowladuba dhamaan dood waa in ay iska kaashadaan in ay fara saaraan arinta siyaasadeed ee ay dowladu dhigato waxbarashadu waa in ay ka wax katartaa arinta siyaasadeed ee aan u socono inaan gaarno ama aan aragno inaan Puntland gaarsiin karno waa Puntland oo noqota xarunta hogaamisa Ganacsiga Soomaaliya Xarunta Hogaamisa Siyaasadda Soomaaliya iyo Xarunta Hogaamisa Dhaqankeena Soomaaliya Waxbarashadeena, Qaabka shaqadeena Qaabka Maamulkeena iyo Qaabka Adeegeenaba waa in dhamaantood wax ku biirinayaan aragtida aan u socono oo aan gaari karno.

Waxaa halkaas kusoo gaba gaboobey khudbadii Musharaxa waxaana wax laga waydiiyo su'aalo

Cabdulaahi Xaaji (Xildhibaan Hore)

Nidaamka aad wax ku hogaamin doontid ma System Islaamiyaa Mise waa System Dimuqraadiya?

Dastuurka Puntland Lifaaqiisa Labaad Wuxuu Qeexayaa marka ay doorashadu dhacdo laba sano iyo bar gudahood in lagu hirgaliyo nidaamka axsaabta waxaana ka horeesa in la sameeyo tirakoob iyo hawlo badan sidee u mareenaysaa?

Sidee baad hubka dhigis ugu sameyn kartaa Shacabka hubeysan ee reer Puntland?


Faadumo Malto

Sidee baad manhajka Waxbarasho ee Puntland isugu mideynaysaa Kuwaa carabi ah kuwaa English ah Kuwaa Talyaani ah.


Cusmaan Guuhaad Faarax


Muxuu yahay Arimaha ku aadan siyaasadaada Soomaaliya mise Puntland baad xooga saaraysaa oo soomalida markay wax noqdaan baad wax la qaybsandoontaa

Nasro Axmed

Gobolada Maqan Sool iyo Sanaag sidee baad ku soo celinaysaa maxayse kaga duwantahay balan qaadyadii hore kaaga?


Musharaxa Nuradiin Aadan Diiriye Jawaabihiisii

Jawaabtii Cabdulaahi Xaaji oo ahaan jiray Xildhibaan hore

Su'aashii Manhajka aad wax ku maamuleysid ma Dimuqradibaa mise Islaam?

Manhajka Dimuqraadiyada waa nidaam talo wadaag oo aduunka dagsaday marka ilaahay Quraanka wuxuu ku yiri Wa'amruu Bishuuraa xaajadooda iyo waxa ay ku maamulaan waxaan ugu dhiibnay wadaad nidaamka dimuqraadigaana wuxuu ka mid yahay nidaamyada Bili aadanku isku raacay midka ugu wanaagsan Sidaan anagu u waafijin lahayn dhaqankeena iyo Diinteena anaga ayey na jirtaa.Waxaa jiray Xiligii Nabagi (SCW) Dastuurkii Madiina Saqiifad Madiina oo uu nabigu u sameeyey in uu ku kala maamulo dadka reer Madina.

Su'aasha Labaad jawaabteedii
Xagee baad u maraysaa furitaanka Axsaabta iyadoo dastuurku qeexayo labo sano iyo bar gudahood in lagu sameeyo?

Wadiiqadii loo marilahaa afti dadweyne ama tirikoob waa ay cadahay hadii ay jirto rabitaan iyo siyaasad la isku raacsan yahay in loo maro wadadii Axsaabta lagu sameen lahaa waana fududahay in labo sano iyo bar lagu sameeyo.



Su'aasha Sadexaad

Sidee baad hubka dhigis ugu sameyn kartaa Shacabka hubeysan ee reer Puntland.

Dowladu waa in ay koontarool ka hayso wadanka ay awood u leedahay in sharciga jira ay fuliso waana in ay dowladu fulin kartaa qofkasta oo sharciga ku xadgudba in ay xakamayso taasna ma suurti gali karto hadii dowladii hub kabadan ay haystaan beelihu waa in ay dowladu sameesaa hubka yar iyo kuwa waa weyn in ay ku soo wareegan gacanta dowlada wariiqo kastaa ha loo maro.

Su'aasha Afraad

Waxaad ka hadashay Amniga iy Waxbarashada maxaad ka qaban doontaa Burcad Badeeda?

Waxay xil kasaaran tahay dowlada in ay la wareegto masuuliyladeeda amni burcad badeeduna arimaha amniga ayey kamid tahay waana ka soo hadlay

Su'aasha Shanaad

Sidee baad manhajka Waxbarasho ee Puntland see baad isugu mideynaysaa Kuwaa carabiga ah, kuwa Englishka ah iyo Kuwa Talyaani ah?

Arintaan waxaa wax looga qaban karaa in manhajka wax barashada ay la wareegto dowlada si ay u mideyso manhajkasta oo waxbarashaa.


Su'aashii Lixaad
Gobolada Maqan Sool iyo Sanaag sidee baad ku soo celinaysaa maxayse kaga duwantahay balan qaadyadii hore kaaga?

Sidaan u sheegay qadiyadda gobolada waa qadiyad soomaliyeed dadka somaliyeedna waa isku baahan yihiin anagayna noo taal sidaan ku soo celin lahayn.


Gabagabadii Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa halkaas ku soo bandhigay Barnaamijkiisa siyaasadeed iyadoo ay Ardaydu waydiiyeen su'aalo faro badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin kana hadlaya arimaha maanta ka taagan Puntland ayaa waxay si aada ugu hanbalyeen ardayda,macalimiinta iyo maamulka sida qadarinta leh ee musharaxu ugu soo bandhigay siyaasadiisa isagoo tilmaamay in ay maanta ka fiicnaan lahayd in uu ardaydaan uu la kulmay ay ahaadaan Xisbi maanta ka jira Puntland.

Suxufi: Farxaan Yaasiin Mire (isqootax)

isqootax@hotmail.com
isqootax1@gmail.com

Garowe:- Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS