SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SUPER SIYAASI!!

Waxaa 29/12/2008 is casiley Col. Cabdillaahi yuusuf Axmed oo mudo Afar sano ah ku magacownaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Somaliya ay (Ethiopia) ugu soo dhistay xaafadda Embigati ee Dalka Kenya sanadkii 2004.

Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed Wuxuu ku wajahan yahay daqiiqadaha soo socda (marka maqaalka aan qorayo) magaalada Gaalkacayo, gobolka Mudug, ama garoowe, sida wararku sheegayaan, halkaasoo ay uga horreeyeen sida la sheegay, xildhibaanno iyo Masuuliin dawladdaas, oo deeganadaas kasoo jeeda.

Fasal Dhamaaday iyo mid cusub

Waxaad Moodaa fasal ayaa maanta halkaa ku xirmay, fasalla kalena wey bilaabmayaan sida muuqata.

Col. Cabdillaahi yuusuf Axmed, wuxuu manta kusoo noqonayaa Gaalkacayo oo uu u dhashay, isagoon xambaarsanayn jago, ama (Halkudhegga) uu mudda dheer u halgamayey oo ah (Madaxweyne), sidii uu ugu soo noqday 1991 isagoo kasoo baxay Xabsiga (Ethiopia) wax jaga ahna aan hayn.

Hadaba ma dhici kartaa in Col. Cabdillaahi Yusuf Axmed oo aan sida badan cimriga ummadan, wax badani adduunka ugu laabnayn, inuu dib ugu fekero Noloshiisa, iyo tilkal ayaamka adduunka? Mase dhici kartaa in Dadka Soomaaliyeed laftoodu dib ugu fekeraan adduunka iyo ayaamihiisa iyo qawaaniinta Ilaahay ee kawnka xukunta? Amase dhahaan: Cabdillaahi yusuf ayaaba roonaa!

Col. Cabdillaahi yuusuf, wuxuu saaka Baydhabo ka duulayaa, isagoo, adduunyaduu u halgamayey mudda dheer ka fara madow, saaxiibba badan oo uu hiil iyo hooba biday, adduunka intuu ku noolaana, la jirkooda iyo la jaallankooda (diin & duunyo) wax badan ku bixiyey ay ka maarmeen balse dayriyeen.

Ma dhici kartaa Col. Cabdillaahi inuu saaka dareemayo hadalkii qur'aanku shallaytinka ka weriyey:

ﭽ ﮗ  ﮘ  ﮙ    ﮚ  ﮛ  ﮜ      ﮝ  ﮞ  ﮟ  ﮠ   ﮡ  ﮢ  ﮣ  ﮤ   ﮥ    ﮦ     ﮧ  ﮨ  ﮩ  ﮪ  ﮫ    ﮬ  ﮭ      ﮮ  ﮯ    ﮰﮱ   ﯓ  ﯔ  ﯕ   ﯖ  ﯗ  ﭼ الفرقان: ٢٧ - ٢٩

(( Maalinta uu Daalimku farta Qaniinayo oo leeyahay, Allow maxaan wadada Rasuulka u raaci waayey, Alla hoogaye haddaanan hebel (saaxiib) ka dhigan ii fiicnaydaa, waxaan hubaa, inuu diintii & xaqii ii soo gay iga weeciyey, waa dhabe, sheydaanku muxuu insaanka hoojiyey))..

Shallaytinkaas wuxuu Qur'aanku nooga weriyey rag qiyaamihii taagan, ayna yartahay, nolosha adduunka iney ku waana qaataan.

Col. Cabdillaahi wuxuu ka saaka Baydhabo ka baxayaa, isagoo ay buuga taariikhda ugu qorantahay dhawr arrimood oo shallaytankaasoo kale leh qofkii wax ku qaata:

  1. Waxaa ugu qoran buugaas taariikhda inuu Col. Cabdillaahi Yusuf ahaa (Sarkaalkii) Soomaaliyeed ee u Horreeyey ee (Cadowga Soomaaliyeed) ee Xabashida u baxsada, Qarankii loo tababaray inuu (difaacana) Xabaddii ugu horreysey (burburintiisa) kala soo horjeestey. Col. Cabdillaahi markaas wuxuu nafta ugu sheekaynayey – haddaanu malaha u wanaajinno – inuu talada dalka Gen. Maxamed Siyad Barre, kala wareego. Wuxuuna is lahaa (Itoobiya) ku meel gaar oo ku danayso, ee isma lahayn baad moodaa – haddaanu mar labaad malaha u wanaajinno – u adeeg Itoobiya oo ku burburi (Qaranka Soomaaliya). Hase yeeshee, sida caadadu tahay, qofkii taariikhda akhriya, Itoobiya iyadaa adeegsatay, Col. Cabdillaahi iyo Jabhadihii ka dambeeyey, dabadeedna ku burburisay, Qarankii Cadawgeeda Soomaaliyeed!

       Col. Cabdillaahi markaa Dhibka la shaqaynta Ethiopia u geeysan karto Qaranka & Ummadda waxaa kala weynaa himiladiisa siyaasadeed, iyo damaciisa gaarka ah ee magaca (Madaxweyne) nimada, wuxuuna – Malaha - is lahaa adigoon dalkaaga iyo dadkaaga dhib u geysan ayey talada dalka (Itoobiya) kuugu gargaareysaa.

       Laakiin wixii la ogaa ayaa dhacay,  Markii Col. Mengistu Hayle Maryam, oo talada Itoobiya markaa hayey, ka dhamaystay Col. Cabdillaahi, Xabsiga ayuu ku tuuray, kaasoo saan horay u sheegnay, uu kasoo baxay 1991 markii Soomaliya burburtay, taliskii Mengistuna dhacay, Isagoo Col.Cabdillaahi fara madhan, oo diif iyo daal ka muuqdo ayuu Galkacayo kusoo laabtay 1991.

  1. Waxaa kale oo ku qoran Buugaas Taariikhda inuu Col. Cabdillaahi Yusuf Axmed mar 2aad hadana himiladiisa siyaasadeed isku dayo inuu ku gaaro la shaqaynta & dan u fulinta Dawladda(Ethiopia) iyo Damaceeda xagga (is raacsiinta) qaranka & Ummadda Soomaaliyeedba. Malaha – Col. Cabdillaahi – kuma cibra qaadan – khibradiisi hore ee (Ethiopia). Waxaana mar labaad – buugga taariikhda Soomaaliyeed – u gashay, baal madow – oo ah inuu noqday (nin) Soomaaliyeed oo sheegta (masuuliyad) madax weynenimo, kii ugu horreeyey – oo Ciidanka Xabashida iyo dabbaabaadkooda si rasmiya u soo geliya (MUQDISHA) oo ah caasimadda (Qawmiyadda) Soomaaliyeed – iyo Astaanteeda qarannimo iyo xorriyadnimo, fariisinna uga dhiga, rugtii Wasaaraddii Gaashaandhigga Soomaaliyeed, ee mudda dheer laga hoggaaminjirey, istraatiijiyadda & qorshaha la dagaalanka xadgudubyada iyo damaca (Ethiopia).

Col. Cabdillaahi Yusuf Axmed waxaa buugaas taariikhda ugu qoran, inuu (Ciidamada Gumaystaha Ethiopia) u noqday wado ay ku (burburiso) Taliskii Maxaakimta Islaamka Muqdisho, ee lagu nastay, iyo baabi'inta wixii ka haray qarankii & ummaddii & Caasimadii Soomaaliya, isagoo, isla markaana (magan gelyo) u ah, (Askari Ethiopian) ah. Haddaan mar saddexaad – malaha u wanaajinno – sida ay qabaan taageerayaasha Kornaylka, malaha wuxuu is lahaa Col. Cabdillaahi, waxba waxbaa ka darane, nimankan Maxaakimta ee aan kuu ogolayn (Madaxweynenimada) ciidanka (Ethiopia) ku burburi, hadhowna, aayar Markey dalka kuu nadiifiso, madaxnimada ku raaxayso, (Ethiopiana) ciidankiina igala baxa dheh!!! Waa sida ay dhici karto inuu –Col. Cabdillaahi – isugu sheekeeyey, isagoo laga yaabee inaanu taariikhda wax badan ka akhriyin, inaaney weligeedba dhicin, nin dadkiisa iyo dalkiisa kusoo hoggaamiya cadowgooda diineed, inuu talo ku naaloodo! Weligeed taariikhda ma dhicin.

Col. Cabdillaahi waxaa mar labaad iskaga qaldamay, cadaawada Maxaakimta iyo Tan Ethiopia. Sideey shalay isagaga qaldantahay cadaawadda Gen. Maxamed Siyaad iyo Ethiopia. Labada Jeerba, isku raaxaysigii koobnaa ee sheydaanka insiga iyo jinniga, waxaa ka faaiidey (Ethiopia) waxaana ku khasaaray (Col. Cabdillaahi Yusuf) oo in badan oo Soomaaliyana galaaftay Dal & Dad.

Hadaba Allaah Subxaanahu watacaalaa waa mid Xaliim ah oo dulqaad badane, Ma dhici kartaa Col. Cabdillaahi Yusuf, inuu ku cibra qaato wixii dhacay, oo u sheego, raga safka ugu soo jira, iney (la shirkoobaan) Ethiopia, si ay ugu gaaraan – Malohooda & xisaabtankooda siyaasadeed – danaha iyo rajada ay ka qabaan (KURSIGA) Soomaaliya!!

Dhanka kale Haddaan fiirinno!

Dad badan oo aan weli qaangaar ku noqon (geedan) siyaasadda la yiraahdo, (Soomaaliyana siyaasad maqlay oo iska dhex booda) hal baalna laga yaabee inaaney kaba akhriyin, ayaa wexey arrimaha Soomaaliya ee Murugsan (gundhig) uga dhigi jireen, Col. Cabdillaahi Yusuf. Wexeyna mushkiladda kusoo ururin jireen Kornayka iyo ku xidhnaantiisa (Ethiopia).

Hase yeeshee waatan (Ethiopia) sida caadada u ah (Dawladaha Isticmaarka) Kornaylkii (hadh cad) tuurtey, oo isagoo (fara madow) Gaalkacayo dani ku celisey. Wexeyna cibra u tahay, mar kale, ninkasta oo isugu sheekeeya, (Dawladaha) iyo (Beesha Caalamka) ayaan ku dan gaarayaa, iyana waan ogahay iney igu dan gaarayaan, isuna maleeya, (fariidnimo) & (Siyaasinimo) inuu heer ka gaarey, oo khiyaanaynaya dawladahaas, inuu yahay nin riyoonaya, sida Kornaylku 2daas dhacdo u riyooday.

Siyaasiyohow fariidka ahi, haddaad hal maskax oo (Super) ah ku shaqayneyso, (Dawladaha) aad la shaqaysaneysaa – Ma rabo inaan iraahdo – u shaqayneysaa – kumanyaal Maskax oo wada (Super) ah ayey ku shaqeeyaan.

Haddaad 2 indhood oo (aad u furan) leedahay, Dawladaha aad is leedahay isku dan gaara, (kumanyaal indhood oo aad u furan) ayey leeyihiin, aakhirkana adaa khaasir ah ee ogow.

Ma dhici kartaa marka kuwa Col. Cabdillaahi yusuf Mushkiladda oo dhan qoorta u surayey, iney berri garawsadaan, mushkiladda Soomaaliya Haysataa iney, qof iyo labo, xisbi iyo dawlad, keliya, ka gun dheertahay, kana baaxad weyntahay. Malaga yaabaa, iney berri yidhaahdaan, Cabdillaahi Yusufka aan kasoo sheekaynay, ayaaba roonaa.

Si kale haddaan u dhigno, ma laga yaabaa, Col. Cabdillaahi Yusuf oo hadda ka lugeeyey, in Soomaaliyi tidhaahdo, Cabdillaahigii sidaan ogayn ahaa, ayaaba qaatey! Sidii shalayba ay u yiraahdeen: Maxamed Siyaadkii la ogaa ayaaba roonaa, iyadoo farqi weyni u dhexeeyo, labada nin oo aan Marna lays bar bar dhigi Karin!!

Malaha waa arrin dad badani aad u fogaystaan, bela inaan saadaalinayana iiguba malayaan. Laakiinse ayaamuhu waa rimmanyihiin, wax badanna wey sidaane, aan sugno.

Qofkii  cilmigu wuxuu sheego ku waana qaadan waayana, waayahaa wax bara. Qofkii taariikhda aan akhrin aqoonna taariikh ayuu noqdaa.

Allaha weyn ee casiiskaana caafimaad ayaan weydiisaneynaa. Allow na caymi.

Maxamed Idris Axmed

Copenhagen,

hayaan@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS