Yusuf Kadib:Soomaliya iyo Buugaagta Shisheeye!!!
Abdi Aziz Gurbiye,
Gurbiye Information and Cultural Center,
Nairobi,Kenya.
gurbiye@hotmail.com
Xarunta Gurbiye Information and Cultural Center waxay shakhsiyadda
sanadka u dooratay ee 2008-da madaxweynihii Somalida C/llahi Yusuf oo
xilkii is dhiibay intaan laga dhigin,Siyaasaddii isaga fariistay intaan
laga fariisin,kursigii isaga tagay intaan laga tuurin ama maykiisa
wadooyinka lagu jiidjiidin!
Yusuf waxaa uu ka dhabeeyay balantiisii ahayd inuu xilka isaga tagayo
hadduu wax qaban waayo tasoo uu kaga fiican yahay Baarlamaan ku sheegga
Impagathi oo wali aan ka xishooneen inay iska kala tagaan,waa Oday caqli
badan hadduu xilka iska dhiibay kadib markuu ogaaday inay maalmihiisa
tirsamaan,kadib markuu arkay in dal iyo dibadba laga nacay,xitaa cadawga
Ethoipia oo uu shacabka ku cabsiin jiray garabkiisa ayey ka
baxeen,beesha caalamka sidoo kale……dunida oo dhan waxay ogaatay inuu
faashil yahay!
Madaxweyne Yusuf waxaa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa nin kaligii taliye
ah,anaani ah,qabyaaladiiste ah,waxaa lagu xasuustaa inuu Xabashi soo
galiyay caasimadda Muqdishu,shacabka oo dilkiisa lagu faano,dhowr malyan
oo la barakiciyo iyo anigaa iri,waxaa lagu xasuusan doonaa Oday aan
cilmiga siyaasadda iyo rabitaanka dadka uu maamulayo aan waxba kala
socon……Odayga ma doonayo inaan dhabarka ka toogto lakiin nin wanaagsan
ma ahayn.
Somaliya iyo Marxalad Cusub:
Is casilaadda Yusuf iyo soo dhawaashaha bixitaanka cadawga Ethopia kadib
waxaa uu dalku galayaa marxalad cusub,is badal dhab ah waxaa uu ku imaan
karaa kolka Baarlamaankan iska kala tagaan oo doorashooyin cusub la
abaabulo balse intay baarlamaankan joogaan waxaa halkii taagan waxa loo
yaqaan(Old Guard versus) waayo Baarlamaankan uma bisla hogaaminta
umadda,ma laha aqoonitii iyo kartidii dal lagu badbaadi lahaa….waxaan
idiin xasuusinayaa Baarlamaankan waa dadkii ansixiyay inay Xabashi dalka
soo gasho,kana mas’uul ahaa dhamaan wixii dalka ka dhacay labadii sano
ee tagay.
Waxaa kaloo nasiib darro ah inay doonayaan in lasii ballaariyo oo
Baarlamaanka lagusoo daro tiro la mid ah inta hadda ay ka koobanyhiin
taas oo aan waxba soo kordhin doonin waayo tiro badan oo waxmataryaal ah
waxaa ka muhiimsan tiro yar oo tayo leh…..
Somaliya iyo Buugaagta Shisheeye:
Sidaan ku hayno taariikhda Somaliya waa yar tahay inay akhrisataan buug
ay soo saaraan,waxaan ula jeedaa inta badan Somalida waxay ku shaqeeyaan
fikir Shisheeye.
Dhanka Siyaasadda:
Tan iyo markii xuriyadda la helay dad iyo dalba wali ma helin
madaxbanaani toos ah,oo waxaa nagu habsaday waxa loo yaqaano” Gazwul
Fifri”ama “through ideological invasion”waxaan ku adeegnaa maskax kale
sida Communism ama Marxism oo dhibada u Aaseen Karl Marx oo ahaa
Faylasuuf Yuhuudda Jarmalka iyo Saxiibkiisa Friedrich Engel’ oo ahaa
Ingiriis.
Dowladdan hadda burburtay xitaa ma aheen Maskax Soomaliyeed,Taariikhdaas
dheer ee dalka tilaabo aan si xuriyad iyo madaxbanaani ku jirto u qaaday
dhanka siyaasadda waxaa laga arkaa Xisbigii SYL oo ay u dhamaayeen wax
walba oo qof wadani ah looga baahnaa.
Dhanka Diinta:
Somaliya waxay akhrisataa Buugaag Shishiiye:
Suufiyada:
Markaad fiiriso culimada Suufiayadda dhamaantood waa Shisheeye sida:
Sheikh Saalax oo isaga iyo Sayid Mohamed Xajka ku kulmeen oo “Saalixiya”
usoo dhiibay,Qaadiyah iyo Sheikh C/qadir Jiilaani ,Axmadiya iyo Axmed
Binu Idris.
Cilmiga Tasuwufka waa Dariiqad u kala baxda Dariiqooyin: Sidaa
Qaadiriya, Saalixiya, Axmadiya iyo Mowliidiya…..Waa Waddo uu Aduunka
usii marayo Rabigiisa…..waxay leeyihiin Culumo Caan ah sida Sheikh Cabdi
Qaadir Jiilaani, Xasan Al-Basri iyo Imaam Al-Nawawi.
Waxaa jiro kooxo aad ugasoo horjeeda oo ku tiriya Suufiyada inay tahay
Bidco halka qaar ay ku doodaan inay Aaminsanyihiin: Khuraafaadka,
Cilmu-Geybka, Qubuurta oo la Tabaruko……Culumada Salafka waxay dheheen
Suufiya waa Bicdo Dakhiil ku ah Islaamka waayo waxay Barakystaan
Awliyo….waxay sidoo kale ku Eedeeyaa Mowlidka,Arbiciinka loo dhigo
dhimasho kadib.
2. Ikhwaanka:
Ikhwaanka Somaliya oo loo yaqaan”Al-Islaax”,waa maskaxda Sheikh Xasan
El-Bann,Waxaa Aas-aasay Xasan Al-Banaa 1928-dii,waa xarakada ugu faca
weyn Kooxaha Islaamka,haatan 80-dowladood in ka badan ayey ka jiraan
Xarakadan………..Somaliya waxaa looga yaqaan Al-Islaax.
Dhaq-dhaqaaqyadeeda waxaa ka mid ah: Dhaq-dhaqaaqa Xamaas oo ka jira
dalkaas Falastiin iyo Xarakada Ikhwaanka ee Masar…..halka Xarunta
Xarakaas ay ku taalo Qaahira….Dakhligooda waxaa uu ku tiirsan yahay
waxyaabaha ay iska aruuriyaan dhexdooda.
Hogaamiyaha Ikhwaanka waxaa loogu yeeraa Murshid-ka guud,waxaa la
doortaa Shantii Sano Mar,waxay hadda Wakiilo ku leeyhiin Golaha Shacabka
ee Masar…
Culumadooda waxaa ka mid ah: Xasan Elbana,Sayid Qudbi,Muhamed El
Gazali,Axmed Yasin,Cabdi Xamiid Kishka iyo Zaynab El-Gazaali)
3. Salafiyada noocyadeeda kala duwan:
Waa dhaq-dhaqaa kale uu maskaxdiisu leeyahay Muxammed Binu
C/Wahaab,xarumaha ay ku leeyihiin Somalida waxaa ka mid ah:
Salaf,Salaful-Jadiid,Al-Itixaad .
Waxay raacsanyihiin Nahjiga Self-ka Saalixa ah….ujeedoodu waa inay
dhisaan Dowlad Islaami ah,dowladaha Islaamka qaarkood waxay ugu yeeraan
Salafiya Jihaadiya,waxay Gaaleeyaan Reer Galbeedka iyo Xitaa dadka
Xiriirka la leh….
Culumadooda waxaa ka mid ah:Muhamed Binu C/wahaab iyo C/caziz Binu
Baaz,halka ay leeyihiin dhaq-dhaqaaqa Wahaabiyada oo Xarako ujeedadeedu
tahay sida ay sheegeen inay sifeeyaan Caqiidada Islaamka,waxay Towxiidka
u qeybiyaan ilaa sedex,kooxdan iyo Suufiyada doodoodu ma yara…waxayna
socondoonaa ilaa Qiyaamaha ama in midkood meesha ka baxo tasoo adag in
la saadaaliyo.
4. Al-Shabab:
Waa urur diineed ku shaqeeyaymaskaxda Al-qa’idda iyo Usama Binu
Ladin,qaabka ay xukunka u doonayaan,dadka ay la
diriraan,khudbadahooda,labiska,hubka iyo habka dagaalka dhamaan waa
Cashiro ay horay usoo bixisay Al-Qa’ida.
Ugu dambeentii waa in Somaliya 2009-ka heshaa fikir ka duwan Buugaagtaas
shishiiye ee aan fikirkeena xor u nahay,u fakirnaa dalkeena iyo dadkeena
iyo diinteena si Soomalinimo ah.
Abdi Aziz Gurbiye,
Gurbiye Information and Cultural Center,
Nairobi,Kenya.
gurbiye@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan