MA WADAADO MISE MOORYAAN IS BAHAYSATAY????
C/laahi Yusuf oo 24kii Feb 2005, Johwar ka degay waxaa dadkii halkaas ku soo
dhaweeyey ka mid ahaa Xer magacooda lagu sheegay timo-wayn oo ka tirsan
Suufiyada iyadoo C/laahi Yuusufna sheegtay in Qudhiisu uu ka tirsanyahay
Xertaasi, diinta ay Aabayaashood ka soo gaareena tahay tan timawaynta, wixii
ka soo haraana ay yihiin seef la boodnimo aan la aqbali karin.Ka rog oo laba
saar, Bashiir Raage, ayaa horaantii 2006da xiligii Ashahaado la dirirka
wuxuu sheegay in uu yahay kana tirsanyhay xerta Suufiyada isagoo ku daray in
aanay wax taas ka bedelan marnaba Diin u aqoonsan doonin. Qisooyinka
Qur’aanka waxaan ku baranay in marka qoomamka lunsan Anbiyada loo soodiro oo
ay uga digaan Mugdiga uguna yeeraan Nuurka inay ku andacoon jireen “ Tani
waa ay ka bedelantahay wixii aan ka soo gaarnay awoowayaasheen” si lamid ah
sida C/lahi Yusuf iyo Bashiir Raage.
Marka taariikhda dib loo raaco Suufiyada waxaa lagu yaqaanaa in ay Madaxda
daaquudka ay u qidmeeyaan, isuna duleeyaan waxaana dhacday in Xitaa madaxdii
gumaystayaasha ay xadro ugu dhufan jireen markasta oo ay soo dhawaynayaan,
mid ka mid ah halku dhigyada caanbaxay waxay ahayd:Marxaba marxaba yaa
Sinyore faafaani. Dib u eeg,Maamul kasta oo aan ogolayn in Diinta Illahay
wax lagu xukumo wuxuu leeyahay Wadaado Suufiyaal beenaad ah oo ka hoos
shaqeeya, xumaanta ay falayaana ugu qiil sameeya, Taas bedelkeedana waxay ka
helaan aqoonsiga ah in Culimada xaqa ah ee Wadanka ka jirta ay iyaga uun
yihiin.
Wali lama maqlin wadaadada Suufiyada oo dadka ku baraarujinaya Diintooda
amase u dhaqaaqa inay dadka Shareecada Islaamka ku xukumaan,abaabulna ka
samaya sidii kuwa fasaadka wada la’iskaga qaban lahaa, taas bedelkeedase
waxay had iyo goor caan ku yihiin inay yirahdaan “Wadaad Qori wata oo
Siyaasad raba wax kaluu u jeeda”!! Yey tahay Cidda ka mudan Wadaadada ama
uga wanagsan marka ay timaado hogaaminta dalka, Diintuse Siyaasad may ka
marantahay?
Hadaad si fiican ugu fiirsato waxaa kuu soo baxaya qaybaha ugu
qariban bulshada inay ku xiranyihiin Suufiyada, kasoobilow Hoggamiye kooxeed
kasta wuxuu leeyahay Wadaad Suufi ah oo Qur’aanka ku akhriya isaga iyo
gaadiidkiisa dagaalka, Isha iyo balaayadana ka xijaaba waa sida uu
aaminsanyahaye.(Hogaamiye kooxeedyada Caanka ah intooda badan waxay
leeyihiin xer ay ku biilaan Mawlacyo ay u sameeyeen).Kan ay u furantahay
Shineemada wuxuu leeyahay Suufi beenaad Qur’aanka ugu akhriya si Macaamiisha
kuxiran aanay isu dhimin.Bacadle wuxuu yiri:-
Waa cadow, caqiidiyo aqlaaq mana ciseeyaane
Colaad bay u hayaan diinta aan cidina moogayne
Calooshayda kama go’in xaqey ciribta saareene
Carabkooda yaa kula xaribiyey culimadii diinta
Yaa jaahil calan saartayoo caalim kaba siibay.
Mingislayda, fooxlayda, kuwa waxbaan sheegnaa yiraa dhamaantood waxay
leeyihiin Wadaado Suufiyaal beenaad ah oo talaabo kasta oo ay qaadayaan
dhabarka ka dharbaaxa si howsha foosha xun ee ay ku jiraan ugu
fududaato,Waxaana intaas dheer in Suufiyadu ay ka haystaan taageerada ugu
badan dadka diidan in Shareecada hirgasho, maadaama iyaga aanay xeerka ugu
jirin taasi.Hadaba miyaan la’orankarin Cadawga Soomaalida u Muuqda mid ka
Qatar badan oo aan dadka qaar kood u muuqanbaa jira?
Hogaamiye kooxeedka iyo inta xummaanta u saaxiibka ah waa suurtagal inay
Mushtamaca u fasahaadiyaan Bulsho ahaan, hase yeeshee nasiib daro iyagu
waxay u fasahaadinayaan Diin ahaan. Tusaale:- Danbi lagu dhaco waxaa ugu
wayn Shirkiga, maxay tahay sababta ay u diidanyihiin in dadka Shirkiga iyo
Qabuur-caabudnimada laga hor istaago?
Dad badan ayaa is waydiinaya Magaca Suufiyadu waxa uu dhabtii ka tarjumayo
ma wadaado mise
Moryaan is bahaysatay? Wadaada qaar ee sheegta magaca Suufiyada, dhab
ahaantii waxaa la dhihi karaa waxay ka qatar badan yihiin hogaamiye
kooxeedka,Mooryaanta iyo inta wax fasahaadisa oo dhan. Horaantii 70’yadii
koox aad ugu taraxtagtay Quraafaadka Suufiyada oo samaystay Magac ahaa
Samatariya ayaa Abshir Bacadle ugu shirbay.
Samatarow oo sunna diid waa sinji dhaane saas ogaw
Kuwii salaguugay siin Qur’aan waa sinji dhaane saas ogow
Soomaaliya waxay ku dhacday gacanta Gumaysiga, dagaalka lala galayo
Gumaystaha madow iyo kuwa keensaday Culimada Islaamku mowqif cad oo aan caad
saareen bay ka qaateen,wali miyaad haysaan Xerta Suufiyada oo Jihaadkaas ka
qaybqaatay?Mise waxaad maqasheen uun iyagoo leh ”Ulul-amriga ha la adeeco”
Maxay tahay sababta hadda ay abaabulka ugu jiraan oo ay dhalinyaradii
geesiyaasha ahaa ee naftooda u huray xoraynta dalka iyo taabagelinta
Shareecada Islaamka uga hor imaanayaan, waliba iyagoo gaallo ku hor ordaya?
Ujeedada Dagaalada Galgaduud
Ujeedada dagaalada ka socda Galgaduud ma’ahan mid ku salaysan Diin sida laga
yaabo in dadka qaarkiis ay u fahmeen amase shaarka Suufiyadu ka tarjumayo,
haseyeeshee waa mid xanbaarsan dabino iyo shirqoolo cadawgu soo maleegay.Waa
tijaabadii ugu horaysay oo lagu eegayo bal in Shacabka iyo Shabaab la iska
horkeeni karo,waxbadana kama bedelna Qandaraaskii ay soo qaateen xertii
Ashahaado la dirirka.Dhowaan ayay ahayd markii uu shegay Sh.Shariif in
bixitaanka Itoobiyaanka kadib laba loo kala bixi doono, taas macnaheedu sow
ma ahan in Shabaabka iyo Shacabka la’iska horkeeno?
Tijaabadan si ay u shaqayso waxaa la soo hormarshay Qolo Diin sheeganaysa si
loo khaldo bulshada Soomaaliyeed iyo ra’yul caalamkaba, waxayna ka
koobanyihiin danlay, mooryaan, fidnowadayaal, dabadhilifyo magaca soo
badashay, Dhinacyadii Jabuuti iyo sharwadayaal hoos gala Daladda
Suufiyada.Tijaabadan hadii ay ka shaqayso Galgaduud waa mid lala
damacsanyahay guud ahaan Somaliya oo dhan si loo helo wado ka fudud tii loo
mari laha burburtinta hamiga Mujaahidiinta ee ku dhisan in mar uun si guud
Shareecadu Dalka uga hana qaado.Wxuu yiri hadraawi.
Boholyawga garashada,
Iyo Baaqa hirashada,
Allahayaow badbaadada,
Iyo baydhka xilashada,
Ha ku xidhin intii baas,
Iyo booli-quutaha,
Damac lagu ballaysimay.
Hadaba si loo hubiyo fashilinta qorshayaashaas guracan, waxaa muhiim ah in
aan la dhayalsan fiiro gaar ahna loo yeesho waxa socda iyo yooolka la
hiigsanayo. Waa laga gudbay xiligii Qabiil isku beerlaxawsiga, huuhaada iyo
been aan socon Karin la’isu sheegi jiray, waxaan filayaa inuu xaqu cadyahay,
sidaas darteedna waa muhiim in xaqqa loo wada hiiliyo, si gaar ah dadka
deegaanku waa in ay iska qabtaan fidnawadayaasha la soo kiraystay.
FIIRO GAAR AH
Qoraalkani si toos ah uguma jeedo Culimada Ahlu-sunna Waljameeca, oo Rag
khayr badan ay ka buuxaan, iyadoo la ogyahay sida waligood ay hormuudka uga
ahaayeen halganadii ku salaysnaa Jihaadka iyo gummaysi diidka.Waxaana laga
xusi karaa Culimada ay ka midka yihiin Allaha u wada Naxariistee:-
Sheikh Sayid Muxamad C/dulle Hasan
Sheikh Hassan Barsane
Sheikh Cali Max’ed Nuur oo dhammaan tood ka wada tirsan Jameecada Ahlu-sunna
waljameeca ama hadii si kale loo dhigo Axmadiya,waxaase fiican inay iska
bariyeelaan Mooryaanta Sharafta iyo karaamadooda wasaqaynaysa, cadwagana hor
boodaya, iyagoo magaca Culimadena qaaliga ah huwan!!
W/Q:MMGaraad E-mail:-
garadsom@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan